Taariikh ku saabsan Xukuumadihii iyo Boqortoyin Somaray magaaladda Muqdisho
Magaalada Muqdisho taariikhdii ay jirtay waxaa soo maray
dhowr xukuumadood iyo boqortooyo oo kala geddisan oo mid walba waqtigeeda ay
soo qaadatay
Qarnigii 8-aad ee Miilaadiyada waxaa magaalada Muqdisho
xukumayey sida taariikh-yahanadu sheegeen nin Wadaad ahaa oo la oran jiray
Abuubakar Fakhrudiin, waxayna xukuumaddani ku aasaasantay hab wadatashi,
xilligaasna ma jirin Boqor ama Suldaan, balse waxay qolo walba ka dambeyn
jireen Sheekha ay leeyihiin.
Xukuumaddaas ku dhisneyd wadatashiga waxay dhalatay kaddib
markii qabaa?iladii deganaa Muqdisho ay shir dhowr maalmood qaatay ku yeesheen
goobta uu hadda ku yaalo masjidka Arbaca rukun oo ay markaas oron jireen
Al-Malmalah.
Abuubakar Fakhrudiin wuxuu Muqdisho xukumayey muddo 17 sano
ah, wuxuuna xukunkiisu soo gaba gaboobay sanadkii 1117 ee Miilaadiyada.
Dadkii xilligaasi deganaa magaalada Muqdisho waxay u
badnaayeen dad ganacsato ah, waxayna ka tijaareysan jireen Geella, Lo?da,
Ariga, maqaarka xayawaanaadka, sameynta dharka iyo beerashada, waxayna gaareen
in ay dibadda badeeco u dhoofiyaan sida raashinka, subaga, Saliidda iyo
waxyaabaha kale ee lama huraanka ah, iyagoo ku soo beddelan jiray badeecooyin kala
duwan oo markaas aan deegaankooda laga helin.
Dadka ku noolaa Muqdisho waxay sidaas ku soo socdeen ilaa
saddex boqol oo sano oo ah ilaa qarnigii 11-aad ee Miilaadiyada.
Dowladdii Xalwaan
Bilowgii qarnigii 15-aad ee Hijriyada kuna beegneyd bilawgii qarnigii 12-aad ee Miilaadiyada,
markaas oo uu dhamaaday waqtiga xukuumaddii Abuubakar Fakhrudiin ee Muqdisho
xukumi jirtay ayaa waxaa talada Gobolka Banaadir la wareegay xaakim la oron
jiray Muxamed Shaah AL-xalwaani oo ka yimid dhinaca Ciraaq iyadoo magaca
Xalwaana uu ahaa deegaano ka tirsanaan jiray dhulka Ciraaq oo uu ka yimid.
Dowladdaas waxaa caasimad u ahayd magaalada Merka, balse
Shaahii Xalwaaniga ahaa wuxuu deganaan jiray Muqdisho, sidaas ayeyna Muqdisho
caasimad ugu noqotay Soomaaliya.
Wasiirkii Shaahaas oo la oron jiray Kandarshaah ayaa isaga
waxaa fariisin u ahayd meel ku dhaweyd magaalada Merka, waxaana xilligaas dadka
Merka ay Salaadda Jimcada u soo aadi jireen Muqdisho maadaama aaney xilligaas
Merka lehayn Masjid weyn oo jaamac ah, waxayna soo raaci jireen gaari-farasyo
kiiba ay jiidayaan todobo ilaa sagaal Faras.
Dowladdii Xalwaan waxay caan ku ahayd baqiiltinimada oo
waxay ahaayeen Maamul aan waxba u qaban dadka ay xukumayaan iyagoo weliba ahaa
dad hantiilayaal ah balse aaney taas ku kalifeyn tabardarro xagga miisaaniyadda
ahayd.
Xubnihii ka tirsanaa dowladdaas waxay kaloo caan ku ahaayeen
kaydsiga Dahabka iyo fidada oo ah Nuuc ka mid ah dahabka lagana samayn jiray
lacagta, mid kasta oo ka mid ahna waxaa ugu duugnaan jiray dhulka hoostiisa dahab
aad u fara badan.
Heerka ay gaartay baqiiltimadooda, waxay ahaayeen mas,uuliyiinta
xukuumaddii Xalwaan kuwo cuna moofo qaleyl ah, waxayna qaadan jireen dhar
kakan, waxayna inta badan raashin cuni jireen 24-kii saacba mar, waxaana dadka
reer Banaadir markii dambe ka dhigteen madaxda xukuumaddii Xalwaan hal qabsi,
iyagoo dhihi jiray qofkii ay hanti fara badan oo aaney ka muuqan ku arkaan “Kani
waa Xalwaani”.
Sanadihii dowladdaan waxaa dalka ka dhacay abaar aad u xoog
badneyd taasoo dadkii xilligaa deganaa Banaadir ay ku miisaaliyeen sanadihii
abaareed ee dalka Masar ku dhacay xilligii Nebi Yuusuf iyo amiirkii Caziiz.
Waxay keentay abaartaasi in dadku waayaan wax ay laqaan,
waxaana yaraaday xoolaha ilaa hal neef oo Ari ah lagu waayo hal Riyaal, iyadoo
riyaalkuna uu xilligaas u dhigmayay kun Riyaal amaba ka badan oo waqtigaan
joogta.
Xukuumaddaas ku caan baxday gaajada iyo quud cariirinta ee
Xalwaan waxay Banaadir xukumaysay ku dhawaad nusqarni, waxaana maamulkii kala
wareegay dowlad kale oo la oron jiray Zowzan oo aan ka sheekeyn doono.
Qoraalada ka sheekeynaya dowladdii Xalwaan waxaa laga helay
iyadoo gacan ku qoraal ah muftigii Banaadir ee xilligaas oo la oron jiray
Sheekh uxuyadiin Macalin Mukaram.
Xukuumaddii Zowzan
Bartamihii qarnigii 5-aad ee hijriyada waxaa magaalada
Muqdisho maamulkeeda dowladdii Xalwaan kala wareegay Suldaan la oran jiray
Zowzan, kaasoo madax u ahaa saldanad dhowr sanadood Muqdisho ka talineysay.
Taariikhyahanadu marka ay ka hadlayaan xukuumaddii Zowzan
waxay sheegaan in Zowzan uu ahaa nin kaligii talis ah oo ku amar ku taagleyn
jiray dadkii uu xukumayey.
Xukunka Zowzan ma ahayn mid ay ku qanacsan yihiin dadkii
xilligaas ku noolaa magaalada Muqdisho balse waxay ahaayeen dad uu qasbayo.
Maamulkii Zowzan.
Saldanaddii Zowzan marnaba iskuma mashquulin danaha dalka,
awoodna ma saarin kor u qaadista wax soo saarka beeraha oo xilligaas si weyn
nolosha dunidu ugu tiirsaneyd.
Waqtigii ay saldanadaasi ka talineysay Muqdisho wuxuu ku
dhamaaday fowdo iyo abaaro joogto ah ilaa ay ka burburto xukuumaddii Zowzan
gaba gabadii qarnigii 5-aad ee Hijriyada, waxaana xukunka kala wareegay
xukuumaddii shiiraaziyiinta.
Xukuumadii Shiiraazi:
Dhammaadkii qarnigii 5-aad ee Hijriyada markii ay iskeed u
baaba, day saldanaddii uu madaxda ka ahaa Zowzan ee Muqdisho ka talin jirtay
waxaa xukunka soo koray xaakim kale oo la oron jiray Shiiraazi.
Xaakimkaas wuxuu ahaa nin Maamulkana haya, lugna ku leh
Arrimaha Ganacsiga.
Wuxuu dadka beeraleyda ah ka iibsan jiray raashinka ay
beertaan, wuxuuna ku aasi jiray dhulka hoostiisa, isagoo marka hore ugala
wareegaya qiimo aad u jaban, marka dambana ku gadanayay lacago dulsaar ah oo
fara badan.
Wuxuu ahaa xaakimkaasi mid halkii Bukaar ama labadii Bukaar
dadka uga iibisanaya hal Riyaal, wuxuuna marka raashinku gabaabsi noqdo labadii
Kiilo dadka uga gadi jiray hal Riyaal, taasoo dhalisay in dadku awoodi waayaan
iibsashada raashinka.
Waxay arrintaasi sababtay in Macluul xuni dhalato oo dadku
ay ku sigteen in ay baahi u la?daan, maadaama raashinkii uu gacantiisa ku soo
haray, isla markaana uu ku gadanayo qiimo sarreeya.
Inkastoo xaakimkaas shiiraaziga ahaa lagu dhaleeceyn jiray
arrimahaas xun xun haddana wuxuu lahaa waxyaabo kale oo wan wanaagsanaa,
waxaana ka mid ahaa wanaagyadiisii dhisitaanka Masjidkii Axnaafta oo uu ka
dhisay deegaanka Shangaani, wuxuuna masaajidkaasi ka dhsnaa goobta uu mar dambe
ku ooli jiray Baar Safooya.
Maamukii Masar ee
Muqdisho
Magaalada Muqdisho waxaa xukunkeeda ku kala dambeeyey oo isu
soo dhaafay Maamulo fara badan oo dadkoodu ka soo kala jeedeen dalal ajnabi ah,
halka qaarna ay ka soo jeedeen Soomaalida.
Sanadkii 604 ee Hijriyada waxaa dalka Masar ka soo tagay
xaakim la oron jiray Amiir Muxamed Cali, wuxuuna la wareegay xukunka magaalada
Muqdisho.
Taariikhyahanadu marka ay ka sheekeynayaan ninkaas kama
sheegin xumaano uu kula kacay dadkii deganaa Muqdisho, balse waxay sheegaan
waxyaabo wan wanaagsan oo ninkaasi uu u sameeyey reer Muqdisho.
Markii uu soo gaaray Muqdisho waxaa uu ka dhisay ilaa 80
daarood oo waaweyn, wuxuuna sidoo kale dhisay masaajidyo dhowr ah oo mid ka mid
ah loogu magac darray Max?ed koowaad, kan labaadna loogu magac darray
Max?ed-kii labaad iyo Masjidka Arbaca rukun.
Soomaaliya Iyo La Macaamilitaankeedii Shiinaha
Horaantii sanadkii 1400 ee Miilaadiyada ayey Soomaaliya
macaamil la gashay Imbiraadooriyaddi Shiinaha oo jirtay inta u dhaxaysay
sanadihii 1402 ilaa 1425.
Imbiraadooriyaddaas waxaa madax u ahaan jiray Manji Lou,
wuxuuna Xeebaha Afrika u soo diray sarkaal la oran jiray Shanji Hou.
Sarkaas ay soo dirtay Imbilaadooriyaddii Shiinaha wuxuu u
yimid Xeebaha Afrika in shacabkeedu hoos yimaadaan isla markaana ay canshuur ka
uruuriyaan.
Shanji Hou meelihii uu Soomaaliya ka booqday waxaa ka mid
ahaa dhulalka Puntland, Muqdisho, Baraawe iyo deegaanada Jubbooyinka.
Sarkaalkaas la oran jiray Shanji Hou wuxuu sheegay in badeecooyinkii
Soomaalidu soo saari jiray xilligaas ay ka mid ahaayeen Luubaanta iyo maqaarka
Shabeelka.
Wuxuu kaloo sheegay sarkaalkaasi in ciidamada ay lahaayeen
Soomaalidu lagu tababari jiray ganitaanka gamuunaha.
Taariikhyahanadu si weyn uga sheekeyn in Soomaalidu
xilligaas ay Canshuurta u diiddeen Imbiraadooriyaddii Shiinaha iyo in kale.
Socdaalkii Vasco De Gama Ee Banaadir.
Sanadkii 906-da ee Hijriyada kuna beegneyd sanadkii 1499
Miilaadiyada waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray Amiir la oron jiray Vasco De
Gama oo u dhashay dalka Burtaqiiska ee Qaaradda Yurub.
Vasco De Gama wuxuu watay lix Markab oo ahaa nooca shiraaca
ku socda, wuxuuna soo gaaray magaalada Muqdisho oo xilligaas ka hor la
aasaasay.
Magaalada Muqdisho ka hor inta aan Portaqiisku qabsan waxay
ahayd magaalo maamulkeedu hoosyimaado 12 oday dhaqameed, isla markaana lahaa
awood aad u ballaaran.
Sanadkii 925-kii Hijriyada kuna beegneyd sanadkii 1506-dii
Miilaadiyada ayaa niman la kala oron jiray. Lourenco Ravasco iyo Albouquerque
ay isku dayeen in ay xukunkii Burtaqiiska kala wareegaan magaalada Muqdisho
isla markaana gacanta ku dhigaan.
Isku daygii labadaasi nin wuxuu fashilmay kumana guuleysan
hamigoodii ahaa qabsashada Muqdisho.
Isla sanadkaas waxaa ku soo qulqulayey Xeebaha Afrika gaar ahaan
Bariga Maraakiib waaweyn oo uu lahaa dalka Purtaqiiska, kuwaas oo uu horkacayey
sarkaal la oron jiray Raakunhaa.
Maraakiibtaas ku soo qul qulayey Xeebaha bariga Afrika ee uu
lahaa Burtaqiisku waxay ku soo xiranayeen magaalooyinka Muqdisho iyo Baraawe,
iyadoo nasiibka magaalada Baraawana uu noqday in Burtaqiisku qabsadaa
dabadeedna bililiqo kula kacaan.
Soomaaliya ayaa xilligaas waxaa sii kordhay
istiraatijiyadeeda, iyadoo noqotay goob aad muhiim ugu ah awoodihii ku
tartamayey gumeysiga Afrikaanka.
Gabagabada Xukunkii Burtaqiiska Ee Soomaaliya
Sanadkii 1076-dii Hijriyada ayuu dhamaaday xukunkii
Burtaqiiska ee maamulayey deegaano ka tirsan dalka Soomaaliya, kaasoo qaatayna
muddo sanado ah.
Xukunkii Burtaqiiska ee Soomaaliya waxaa baabi?iyey ciidamo
uu watay Amiir la oran jiray Saalim Al-Saarimi oo ka yimid dhinaca Saldanadda
Cumaan ee Carbeed.
Amiirkaas Cumaaniga ahaa wuxuu watay ciidamo aad u fara
badan, wuxuuna ku wareegay inta badan dhulalka Afrika, isagoo ku guuleystay in
dhammaan gumeystayaashii Burtaqiiska uu ka eryo Muqdisho iyo hareeraheeda.
Amiir Saalim ka hor inta aanuu Burtaqiiska ka eryin
Soomaaliya wuxuu la galay dagaal adag oo socday muddo dheer, taariikhyahanada
qaarna ku sheegeen 50 sano.
Amiir Saalim markii uu gacanta ku dhigay magaalada Muqdisho
ayuu qabiil kasta u sameeyey nin u taliya oo ka mid ah odayaashooda.
Amiirkaasi kaddib markii uu hagaajiyey qaabka ay isu
xukumayaan Soomaalida, isla markaana uu u dhisay ciidamo ay leeyihiin ayuu dib
ugu laabtay saldannadda Cumaan isagoo aad u faraxsan.
Boqorkii xilligaa ka taliyey dalka Cumaan ayuu uga
warbixiyey wixii dhexmaray iyaga iyo Burtaqiiska isagoo u sheegay in uu
Burtaqiiskii ka soo saaray Muqdisho, dadkii deganaana uu ka dulqaaday duligii
Burtaqiiska ayna yihiin dad madaxbannaan, una mahad celinaya Boqortooyada
Saldanadda Cumaan.
Xukunkii Boqor
Muthafar Ee Muqdisho
Sanadkii 1076-dii Hijriyada markii uu gaba gaboobay xukunkii
Burtaqiiska ee Xeebaha Soomaaliya, isla markaana uu Amiir Saalim-kii
Burtaqiiska ka saaray Soomaaliya dib ugu laabtay dalkiisii Cumaan ayaa waxaa
xukunka deegaanadaan xeebaha ah la wareegay Boqor la oron jiray Muthafir.
Boqorkaasi wuxuu wasiir u magacaabay nin la oron jiray
Cusmaan Xaaji Cali, wuxuuna Boqorkani ku dadaalay in uu hormariyo dhismooyinka
Muqdisho isagoo deegaanka Shangaani ka dhisay guryo fara badan oo Dhagax ah.
Mar dambe ayaa Boqorkaas oo Carab ahaa waxaa ka soo
horjeestay qaar ka mid ah qabaa?ilada Soomaalida iyagoo dagaal la galay
ciidamadiisii, kuna guuleystay in ay ridaan xukunkiisii, waxayna markaas
hoggaamiye u doorteen nin la oron jiray Imaam Cumar Hilowle.
Xukuumaddii Ujuuraan
Sanadkii 1085-tii Hijriyada waxaa deegaanada Luuq ilaa Hubyo
xukumayey nin loo yaqaanay Ujuuraan magaciisana lagu sheegay Imaam Ciise,
wuxuuna ninkani ka talinayey laga soo bilaabo Luuq, Baardheere, Baraawe,
Shabeelooyinka oo dhan ilaa Hobyo oo Gobolka Muduga ah.
Xukumahaas loo yaqaanay Ujuuraan waxaa fadhi u ahaa goob ka
tirsan Shabeelooyinka, balse ciidamadiisa oo fara badnaa ayaa ku firirsanaa
deegaano fara badan oo Banaadir-na ay ka mid tahay.
Ciidamada ka amar qaadanayey xukumahaas waxay ku kaceen kali
talinimo iyagoo dhib u geystay dadkii ay xukumayeen, waxaana mar dambe ku yimid
daciiftinimo.
Ciidamadii ka amar qaadanayey xukumahaas Ujuuraan waxaa
dagaal la galay qaar ka tirsan dadkii daganaa meelo ka mid ah goobihii ay ka
talinayeen, waxaana dagaaladaas mid ka mid ah ka dhacay halka loo yaqaano
Ceel-Cowl oo u dhaxaysa degmada Ceel-Dheer iyo Masagawaa oo ka tirsan Gobolka
Galgaduud.
Dagaalkaasi wuxuu dhacay sanadkii 1097-dii Hiriyada, waxaana
Ceelkaas lagu magacaabo Ceel-Cowl lagu dilay xukumihii Ujuuraanka.
Xilligii uu talinayey ninkaas loo aqoon jiray Ujuuraan waxaa
si weyn loo camiray magaalada Merka ee Gobolka Shabeelaha Hoose, wuxuuna
xukumahaan Ujuuraanka ahi ku ku abtirsanayay sida Taariikh-yahanada qaar
sheegeen Amiir la oron jiray C/kariin Al-Haaddi oo ka mid ahaa Amiiradii
dowladdii Cabaasiyiinta, kaasoo Masar ka soo haajiray sanadkii 672.
Suldaankii Hiraab
Sanadkii 1097-dii ayaa markii laga adkaaday ciidamadii
xaakimkii Ujuuraan ayaa waxaa xukunka la wareegay Suldaan Hiraab ahaa oo la
oron jiray Imaam Max?ed Imaam Axmed.
Sanadkii 1112-dii Hijriyada ayaa waxaa Xeebaha Muqdisho soo
gaaray 7 Markab oo ay lahaayeen Burtaqiiska iyagoo doonayey in ay mar kale
qabsadaan Muqdisho, waxayna 11 maalmood taagnaayeen Marsada Muqdisho, waxaana
loola dagaalamay qaab la yaab leh oo dadka qaar aanay rumaysan karin.
Sida uu sheegay Shariif Cayduruus oo wax ka qoray taariikhda
Soomaalidii hore markii Maraakiibtaasi Xeebaha Muqdisho soo gaareen ayaa waxaa
wadatashi isugu yimid Culimadii daganaa Shangaani iyo Xamarweyne, waxaana loo
saaray todobo Sheekh, iyagoo qoray todobo Xersi, dabadeedna la soo qabtay
todobo Tuke oo mid kasta oo ka mid ah hal Xersi qoorta looga xiray, dabadeedna
ay ula duuleen dhinaca Maraakiibtii todobada ahayd, waxaana dhacday in mid
walba markabkii uu ka kor degtay uu quuso.
Dowladdii Barqash Ee
Banaadir
Sanadkii 1284-tii Hijriyada ayaa oday dhaqameed la oron
jiray Muuse Xuseen oo Biyo-maal ahaa wuxuu fariin qoraal ah u diray Boqor
Carbeed oo la oron jiray Saciid Bin Maajid, kana mid ahaa salaadiintii eer Aala
Barqash wuxuuna warqaddaasi ugu dhiibay nin la oron jiray Cusmaan Laamow oo
reer Baa Muqtaar ahaa (Reer Xeebeed).
Warqadda uu odaygaasi u diray Boqor Saciid ayuu kaga
dalbaday in uu soo diro ciidamo xoog leh oo ilaaliya magaalada Merka iyo
deegaanada hoos yimaada.
Suldaan Saciid Bin Maajid wuxuu soo diray ciidamadii uu ka
dalbaday Muuse Xuseen, wuxuuna Suldaan Saciid ahaa ninkii Saldanaddii
cumaaniyiinta u wareejiyey Jasiiradda Sansibaar.
Xilligaas waxaa magaalada Muqdisho ku wareegsanaa darbi ka
xiga dhinacyada oo dhan marka laga reebo dhanka Koonfureed, waxayna lahayd
magaaladu dhowr irdood oo laga soo galo oo irid kastaahi ay magac lahayd.
Waxay magaaladu kala lahayd Xuduuddo u kala cayiman
qabaa?iladii u soo safri jiray, iyadoo qabiil kasta uu lahaa irid uu ka soo
galo iyo meel uusan dhaafi Karin.
Marka qabaa?iladu ay ka imaanayaan baadiyaha ee ay soo
galayaan magaalada Muqdisho waxay hubkooda dhigi jireen bannaanka iridda ay ka
soo galayaan, waxayna gudaha u soo gudbi jireen iyagoo sacabooleey ah, kaasoo
ahaa qaanuun uu ku soo rogay magaalada Muqdisho xaakimkii Barqash.
Albaabada goobaha Ganacsiga ee xilligaa Muqdisho ku yiilay
waxay ka sameysnaayeen shub adag, lagamana sameyn jirin bir ama Al-waax, taasoo
xukuumaddii Barqash ay ku macneysay in ay si weyn uga murgayaan Ammaanka
hantida dadweynaha iyo deganaanta dalka.
Waxaa magaalada Muqdisho dadku lacag ahaan u isticmaali
jireen waqtigii xukuumaddii Barqash lacag la oron jiray Beeso, waxaana lagu
sarrifi jiray Riyaalki ay isticmaali jireen Faransiiska.
Xilligii xukuumaddii Barqash waxaa Muqdisho Suuq Xoolo u
ahaa deegaanada Shangaani iyo Xamarweyne, waxaana Suuqaas lagu kala iibsan
jiray Ariga, Lo?da iyo Geella, wuxuuna balaciisa ku fadhiyey deegaanada
Shangaani iyo Xamarweyne, isagoo soo gaaray xilligii xukuumaddii hore ee
Talyaaniga.
Sanadkii 1289-kii ayey ciidamadii Xukuumaddii Barqash ka
dhiseen Qalcad weyn agagaarka mgaalada Merka ee xarunta Gobolka Shabeelaha
Hoose, halkaasoo weli laga dareemayo muuqaalkeeda.
Casino City - Mapyro
ReplyDeleteLooking for Casino City bus 상주 출장샵 lines? We have 6 bus lines in our Casino 원주 출장안마 City 세종특별자치 출장샵 bus lines. The 대구광역 출장마사지 Bus line operates from Phoenix Boulevard and Southwestern 서귀포 출장샵 Street.