Golaha culimada somaliya oo bayaan kasoo saaray meel marin sharciga jinsiyada ay meel mariyeen xukuumada soomaaliya

Culumada Soomaaliyeed iyo Waxgaradka Magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hor yimid meel marinta siyaasadda Qaran ee Jinsiga ay sheegeen in ay ku jirana qodobo badan oo sharciga Islaamka hareer marsan sida in ay isku guursan karaa dadka isku jinsiga ah .




Halkan ka Aqriso Bayaan culumada oo ku saabsan Aragtida Culumada Soomaaliyeed ee Siyaasadda Qaran ee Jinsiga(Gender)2016



الحمد لله، والصلاة والسلام على رسول الله ،وبعد:

HORDHAC

Wasaarada Haweenka& Horumarinta Xuquuqda Aadanaha waxay soo saartay waxay ku magacaabeen ( siyaasadda Qaran ee Jinsiga(Gender) 2016),taasoo ay ansixiyeen Golaha wasiiradu bishii May 2016,

hadaba kadib markii ay akhriyeen culumadu siyaasadaas waxay ku arkeen waxyaabo badan oo khaladadaad ah oo aanu halkan idiin ku soo gudbinayno:

1.Siyaasadaasi waxay dalbanaysaa in la ansixiyo hishiisyada caalamiga ah ee dumarka sida CEDAW 1979 , goaanadii bakiin 1995 iyo shirkii qaahira1994….iwm, kuwaas oo khilaafsan shareecada islaamka iyo dhaqanka soomaaliyeed ee suuban, oo xitaa ay jiraan dawlado gaala ah oo aan ansixin hishiiska sida maraykanka iyo veticanka(fetikaanka),waxaana ka mida waxyaabaha hishiisyadaasi ay ku khilaafsanyihiin shareecada islaamka iyo dhaqanka suuban ee soomaalida qodobadan soo socda :

In la sahlo waxkasta oo fududeynaya sinida laguna dhiirigeliyo dhalinyarada isticmaalka waxyaabaha uurka joojiya sida cinjirka galmada iyo kiniinyada iwm.

In la baneeyo sinada loona arko xaq biniaadamku leeyahay

In la baneeyo 2 qof oo isku jinsi(2 rag ah iyo 2 dumar ah) ah in ay is guursadaan

Waxay amrayaan in la daahiyo guurka sharciga albaabadana loo furo sinada iyo galmada xaaraanta ah

In la baabi’iyo masuuliyada uu ninku ku leeyahay qoyska

In laga qaado masuuliyada ay aabayaashu ku leeyihiin caruurtooda gaar ahaan gabdhaha.

In dumarku ay xor yihiin marka laga dhinto ama la furo taasoo macneheedu tahay in aanay cido lahayn

In gabadhu is guurinkarto waxna guurinkarto waxna furikarto

In iskuulada lagu dhigo waxa la xiriira galmada iyo isticmaalida kondhomyada

Waxay waajibiyeen inay dumarku qabtaan jagooyinka ugu sareeya ee dowlada
In la siiyo dumarka maqaam diineed oo la mid ah tan raga sida inay misaajid imam ,khadiib iyo muadin ka noqon karaan.

2.siyaasadani waxay been ka sheegaysaa shareecada islaamka oo ay ku tilmaamayso in ay tahay marjiciyadeeda iyo meesha ay u noqonayso iyada oo khaladaad ka soo horjeeda shareecada ay ka buuxaan.

3.Siyaasadani waxay dalbanaysaa in la mamnuuco dhamaan noocyada gudniinka gabdhaha iyada oo aanlaga soo reebin gudniinka suniga loo yaqaan taasina waxay khilaafsantahay shareecada islaamka,waxay ka tarjumaysaa ajande shisheeye.

4.Siyaasadan lagalama tashan qaybaha kala duwan bulshada Soomaaliyeed sida culumada,odayaasha dhaqanka,aqoonyahanka,siyaasiyiinta ,dumarka intooda badan.

5.Barnaamijka Jinsiga(Genderka) waxaa dabada ka wada gacmo-shisheeye oo ay ugu horeyso Qaramada Midoobay iyo Amisom Qaybteeda qaabilsan arimaha Bulshada taas oo ay culumadu diidanyihiin in ciidamo nadabad ilaalin u jooga ay ka shaqeeyaan arimaha bulshada,waxayna culumada soomaaliyeed uga digayaan Amisom inay ka shaqayso arimaha bulshada oo ay hadba shiriso dumarka soomaaliyeed si ay u fasahaadiso.

6.siyaasadani waxay u ololeynaysaa sidii ay dumarku u heli lahaayeen qoondada 30% ee siyaasada taasoo kasoo horjeeda maqaasida ama ujeedooyinka shareecada islaamka abuuraysana cadaawad rag iyo dumar isla markaana aan laga latashan umadda soomaaliyeed ayna dabad ka riixayaan dowlado shisheeye oo aanay ka jirin wadamadooda ugu danbayna burburinaysa dhismaha qoyska soomaaliyeed.

7.siyaasadani waxay duraysaa oo wax ka sheegaysaa culumada iyo dadka kale ee diidan in dumarka la fasahaadiyo oo ay ku tilmaamayso in ay diinta si qaldan u cuskanayaan.

8.ugu danbayn waxaan ugu baaqaynaa dhamaan madaxda soomaalida,culumada,odayaal dhaqameedka,waxgaradka,dumarka soomaaliyeed ee sharafta leh,dhalinyarada,aqoonyahanka inay ka hor yimaadaan siyaasadahan guracan oo lagu wiiqayo umadda diinteeda iyo jiritaankeeda ayna ka qaybqaataan ilaalinta anshaxa wanaagsan ee umaddeena.

والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته

Golaha fulinta hay’adda culumada soomaaliyeed

Muqdisho-Soomaaliya