FIFA OO HAMBALYOO USOO DIRTAY MAAMUL GOBALEED KA PUNTLAND

Xiriirka  kubadda cagta Aduunka ee looyaqaan FIFA ayaa hambalyo usoo diray maamul gobaleedka  Puntland  kadib markii ay ku guuleesteen  koobkii  maamul gobaleedyada  dalka Soomaaliya ,



FIFA ayaa  ku cadeesay bogeda twitter  ka war  rasmi ah ay ku sheegeen  in ay ugu hambal yeenayaan guusha lama filaanka ah ay ka gaareen dhigooda  jubbaland  guul 5:3 rigoorayaal ah .






Ciyaartowda puntland  ayaa sidaas waxey  ku heleen  sumcad ay heli waayeen ciyaartoowda u ciyaarta xulka  qaranka  .
Read More

Diyaarada Dunida ugu weyn ee ku duuuli karta Bari iyo Biyo oo lasoo saaray!!

Dowlada Shiinaha ayaa ugu dambeyn ku guuleesatay in ay sameesato Diyaarada ugu weyn Dunida ee barri iyo biyo intaba kuwada duuli karta, waxaana Sameynta diyaardaasi ay socotay mudo ku dhaw sideed sano .


Diyaaradan ayaa lagu sameeyay Warshad Diyaaradaha sameysa oo kutaala Magaalada Zhuhai ee katirsan gobolka Guangdong, waxaana diyaaradan cusub ee hada lasoo saaray loogu magac daray AG600.

Sida ay sheegeen Injineerada sameeyay Diyaaradan cusub ayaa culeeskeeda waxa uu noqonayaa 53 tan, waana diyaarad weyn oo qiyaas ahaan la eg Diyaaradaha loo yaqaan Boeing 737, waxaana diyaaradan noqotay mid si weyn loo hadal hayo.

Diyaaradan oo la sheegay in ay ku duuli karto Barri iyo biyo ayaa tijaabo lagu sameeyay noqotay mid lagu guuleestay, waxaana markii ugu horeesay diyaaradan kumanaan killo mitir ku duushay tijaabadii ugu horeesay oo lagu sameeyay.

Aamusane cabdi

Read More

Barcelona Oo Saxiixa Kubadsameeye Andre Gomes Ku Garaacday Real Madrid, Chelsea Iyo Juventus

Barcelona ayaa ku dhawaaqday inay heshiis la meeldhigtay kooxda Valencia iyadoo kala soo saxiixaneysa xiddiga qadka dhexe ee reer Portugal Andre Gomes
Gomes ayaa laba xilli ciyaareed ku qarash gareeyey horyaalka La Liga ka dib markii ay Valencia kala soo wareegtay kooxda ka dhisan dalkiisa Portugal ee Benfica bishii July 2014kii.

22 sanno jirkaan ayaa ka qeyb ahaa xulkii Portugal ee ku guuleystay Euro 2016 iyagoo finalka tartankaas ku garaacay qaranka France.
Wararku waxay sheegayaan inay Barcelona adduun lacageed dhan 40 milyan oo euros kusoo iibsatay Gomes, kaasoo 30 kulan u saftay kooxdiisa isla markaana u dhaliyey seddax gool horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.
Gomes oo sidoo kale 13 kulan u ciyaaray xulkiisa qaranka Portugal ayaa bartilmaameed u ahaa kooxda ay xifaaltamaan Barcelona ee iyana ka ciyaarta horyaalka La Liga ee Real Madrid, si la mid ah Chelsea iyo Juventus.
Wuxuu noqonayaa saxiixii afaraad ee uu tababare Luis Enrique ka sameeyo suuqa kala iibsiga xagaagaan ka dib Samuel Umtiti, Lucas Digne iyo Denis Suarez. Sidoo kale dhabarjab weyn ayey ku tahay Real Madrid in looga adkaado saxiixa Gomes iyadoo u muuqata inay durba ku guuldarreysatay saxiixa Paul Pogba.
Xiddiga heerka caalami ee dalka France oo ay muddo dheer baadigoobeysay kooxda ka dhisan Santiago Bernabeu, ayaa haatan qarka u saaran inuu heshiis ku kacaya in ka badan 100 milyan oo ginni ugu wareego Manchester United.

 Aamusane Cabdai

Read More

Myay gulaysan doonaan saxiixyada cusub ee kooxda liverpoool

Kooxda Liverpool ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa xidigii kooxda Newcastle United ee Georginio Wijnaldum kaas oo Reds ugu soo biiray heshiis shan sano ah. 25 jirkan ree Holland ee Georginio Wijnaldum ayaa qayb ka noqon doona qorshaha cusub ee Jurgen Klopp ee xili ciyaareedka 2016/17.


Warka ay Liverpool ku cadaysayin ay dhamaystirtay saxiixa Georginio Wijnaldum ayaa lagu yidhi: 
livepool si rasmi ah u cadaysay  saxiixeeda cusub  ee Georginio Wijnaldum inay kalasoo saxiixdeen kooxda newcasle united xidiga reer naderland  

 Markii uu qalinka ku duugay heshiiska shanta sano ah ee uu Liverpool u saxiixay Georginio Wijnaldum ayaa dareenkiisa ka hadlay wuxuuna yidhi: “Xaqiiqdii anigu aad ayaan u faraxsanahay sababtoo ah Liverpool waa koox wayn oo leh taariikh fiican, waxaanan markasta ku riyoonayay in aanu ciyaaro koox u wayn sida Liverpool. Klopp waa nin fiican marka dibada laga joogo, sababtoo ah wali ma ogi sida uu u shaqeeyo waxaana waajib igu ah in aan isaga la shaqeeyo. Laakiin anigu waxaan markasta jecelahay in aan Klopp daawado”.

Georginio Wijnaldum ayaa xili ciyaareedkii hore kooda Newcastle United kaga soo biriay dhinaca kooxda dalkiisa Holland ee PSV Eindhoven last summer, wuxuuna ku soo biiray liiska ciyaartoyda uu Klopp xagaagan la soo saxiixday oo kala ah Loris Karius, Joel Matip, Marko Grujic, Sadio Mane, Ragnar Klavan iyo Alex Manninger .




        Aamusane Cabdi
Read More

horu markii ugu horeysay ee webside ka

alxamdu lilah waxa  horumar lataban akaro gaaray webside  kenna kaasoo  si toos ah  uga dhax muuqda  baraha bulshada

Tani  waa bishii ugu horeysay  saas oo ay tahayna waxa  uu kadhax muuqdaa  social media ha




                                                       Halkaan kan  kadaawo

           


               Aamusane cabdi
Read More

Yaa ku soo dhaweeyay madax weyne obama munasabaadii kadhacday aqalka cad

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama, ayaa aqalka cad ee looga arimiyo dalka Mareykanka kusoo dhaweeyya munaasabad lagu weyneenayay Ciidul Fidrigana ugu sameeyay dad Muslimiin ah oo ka kala yimid gobolada dalka Mareykanka.


Obama ayaa ugu tala galay Munaasabadan in uu dadka Muslimiinta ah ee kunool dalka Mareykanka kula wadaago farxadii munaasabada ciidul Fidriga ee laga soo guday, waxa uuna aqalka Cad ku casuumay Muslimiin kala duwan oo Mareykanka ku nool.




Dadkii ka qeyb galay Munaasabada ka dhacday aqalka Cad waxaa ku jiray wiilal iyo gabdho Soomaali Mareykan ah, waxaana Munaasabada intii ay socotay mikirfoonka Madaxweynaha kusoo dhaweysay Caasha Cabdirizak Osman oo ah gabar Soomaali Mareykan ah.

Munaasabadan uu Aqalka Cad ku qabtay Madaxweyne Obama ayaa aheed tii ugu horeesay uu u qabto Muslimiinta kunool Mareykanka, waxa ayna kusoo aadeysa xili uu Madaxweynaha uu dhawaan faarujinayo aqalka Cad.
Read More

Maxaad kataqaanaa Taariikhda Dhulka iyo Dadka Soomaaliyeed

Maxaad kataqaanaa Taariikhda Dhulka iyo Dadka Soomaaliyeed
Dalka Soomaaliya juquraafi ahaan waxa uu ku yaala cirifka Bari ee Qaaradda Afrika , waa dhul istaraatiijyada wanaagsan leh isla markaana Surinka ku haya marinbiyoodka caalamiga ah ee Baabul mandab oo xiriiriya Badweynta Hindiya iyo badda Cas isla markaana ahmiyad u leh.
Teaser Image Taariikhda Dhulka iyo Dadka Soomaaliyeed - (Documentation-Film) Daawo Video
Taariikh ahaan Dalka Soomaaliya waxa uu leeyahay xadaarad facweyn taasina waxaa marqaati kacaya  magacyada tirada badan ee loo aqoon jiray waayadii hore sida dhulkii uduga iyo Geeska Afrika, sidoo kale Xiriirka ummadda Soomaaliyeed ay la laheyd bulshada Aduunka ayaa iyana ah arin taariikhi ah oo xusid mudan, bal qooraanso xiriirkii u dhaxeeyay Masaairidii hore, Hindida, Carabta iyo Faariisiyiinta intuba.

Maadaama ummadda Soomaaliyeed ay yihiin umad Islaam ah Diinta waxa ay soo gaartay qarnigiii 3-aad ee Hijriyada waxaana arrinkaasi fududeeyay xiriirka u dhaxeeya muslimiinta ku nool jaziiradda carrabta iyo ummadda Soomaaliyeed, xusuusnow in ummadda Soomaaliyeed aan Diinta lagu Soo gaarsiin Dagaal iyo Seef midna.

Soomaalida caada iyo dhaqan ayeey u leedahay in af iyo adinba laga naco gumeysiga midab uu doonaba ha lahaade, Axmed Guureey waxa uu ahaa halgamaagii ugu horeeyay ee Soomaaliyteed bilaabayna kacdoon ku dhisan gumesi naceyb , waxaana xiriir uu lahaa Axmed Gurey Taliskii cismaaniyinta.

1884-tii reer Yurub waxay u kulmeen sidii ay Afrika u kala qeybsan lahaayeen waxaana Dalka Soomaaliya uu ka qeyb noqday Dalalka la kala qoqobay, waxaana arrinkaasi ka dhashay kacdoonkii hubeesnaa ee Sayid Max’ed C/lle Xasaan.

Halgamayaalka kale ee dagaallamay gumeysiga, baal dahab ahna ka galay taariikhda ummadda soomaaliyeed waxaa ka mid aha Shekh Xasan Barsane, Suldaan Olol Diinle, Sheekh Bashiir , Nasiib Bundo iwm.

1943dii waxaa gobollada koonfureed ka dhashay Golihii Dhallinyarada (SYC) ee ka koobnaa 13 dhallinyaro ah, ka dibna isku beddelay dhaqdhaqaaq waddani ah ee u ololeeya mideynta, xorriyada iyo madaxbannaanida dhulalka Soomaaliyeed.

Gobollada Waqooyi ee uu Ingiriisku gumeysanayey waxaa ka abuurmay xisbiyo u ololeeyo midnimada, xorryada iyo madaxbannaanida dadka iyo dhululka soomaaliyeed ee uu hormuud u ahaa xisbigii SNLka

Sannadkii 1956dii waxaa dhulka koonfurta soomaaliya laga abaabulay doorashooyinkii ugu horreeyey ee xukun-hoosaad, waxaana kuraastii loo tartamay intooda badan ku guuleystay xisbigii dhallinyarada ee SYL, waxaana guddoomiye baarlamaan loo doortay Mudane Aden Cabdulle Osmaan, raiisul Wasaarane waxaa loo doortay Mudane Cabdullahi Ciise Maxamuud, mudda kadib markii ay idlaatay xiligii lagu ballamay waxaa lagu dhawaaqay xorriyadda gobalada walow maalma ay soo kala horeeyeen.


Intaas kadib waxaa la dhisay xukuumad rayid ahey oo laga dhaxlay musuq iyo wax qabad la’aan waxaana 1969 awoodii Dalka la wareegay Ciidamadda Xooga oo ka koobnaa 21 Sarkaal oo Boolis iyo Milatari isugu jiray, waxaana ay madaxweyne Dalka ka noqday Max’ed Siyaad Barre.

Inkastoo talis walba uu ammaan iyo dhaliilo leeyahay hadana musuqo waa iska halkiisa kacaankii 21-october waxaa lagu ammaanay qoristii farta Soomaaliga iyo la dagaalankii aqris qoris la’aanta.waxaana howshaasi la hirgaliyay 21-ka Janaayo 1973, inkastoo horumar ay aheyd qoristii far soomaaliga, hadana kacaanka wuxuu eersaday markuu dhex mushaaxay badweynta qabiilka, isagoona ugu danbeyntii dharaar cad u bareeray inuu duqeeyo gobalo ay daganyihiin shacab Soomaaliyeed kana mid ah dhulka soomaaliya

1991-kii Taliskii Milatariga jabhada hubeysan ayaa ka eryay xilka, laakiin looma aayin jabhadihii oo waxaa laga dhaxlay qad cagaaran iyo ugaarsi qabiil, intaa kadib shirar dib u heshiisiin oo tira badan ayaa la qabtay laakiin dhaxalkooda waxa uu noqday in Soomaalida dhexdeeda ay is heebsoocdo oo waxaa la keenay fikir sheegaya in Soomaalida afar beel iyo bar ay yihiin 4.5.

2006-dii Burbur baahsan oo uu Dalka ku soo jiray kadib waxaa Neecow nabadeed oo lagu diirsaday muddo gaaban ku keenay Maxkamadihii Islaamka, waxaana ay u cuntami weysay nabadda ay Maxkamadaha keeneen Dowladda Itoobiya oo uur xumo ba’an ka qabta Nabad ka islaaxda Soomaaliya, waxaana Dalka ku soo duulay Dec-2006 ciidamo Itoobiyan ah kuwaasoo Magaalada Xamar labada dhan ka soo galay 27 december 2006-dii kana geestay Xasuuq xanuun badan, bur bur hanti iyo daaro, mana jirto cid ilaa iyo hadda la xisaabtanta urur gobaleed iyo urur caalami intuba.
                Aamusane cabdi
Read More

Sawirada: Nin Toorey iyo Masaar watay oo Weerar Qasaaro dhaliyay ka geestay dalka Garmalka

Saraakiisha dalka Jarmalka ayaa sheegaya in wiil muhaajir ah oo u dhashay dalka Afqaanistaan uu weeraray rakaab saarnaa tareen, dhowr qof ayaana lagu soo waramayaa in uu ku dhaawacay masaar iyo toorrey.

Saddex qof ayuu dhaawac xun ka soo gaaray, ayadoo mid afar kalena uu dhaawac fudud ka soo gaaray weerarkaas oo sida boolisku sheegay ka dhacay magaalada Wurzburg.

Warar hordhac ah waxay sheegayeen in dadka dhaawacmay ay gaarayeen ilaa 20, laakin goor dambe ayaa la ogaaday in ilaa 14 qof laga daweeyey naxdintii ay halkaa ka qaadeen. Sababta weerarka ayaan weli caddayn.

Wasiirka arrimaha gudaha ee gobolka Bavaria wuxuu sheegay in weerarka uu qaaday 17 jir qaxooti ah oo u dhashay Afghanistan, kaasoo ku noolaa magaalo yar oo halkaa u dhow.

Idaacadda ARD ayuu u sheegay in wiilkaas uu u muuqday inuu soo galay jarmalka isagoo aysan cidna la socon. Wuxuu kaloo sheegay in maamulayaashu ay eegayaan warar sheegaya inuu ku qaylinayey ‘Allaahu Akbar’ intii uu dadka masaarta la dhacayey.

Weerarka ayaa ka dhacay tareen gudihiis abaarihii 10:15 Afrikada bari. Booliska ayaa sheegaya in wiilkaas uu markii dambe cararay, laakin boolisku ay eryadeen oo ay toogasho ku dileen.

Inkastoo aan weli la ogaan sababta, ayaa wariyaha BBC ee Berlin wuxuu sheegayaa in Jarmalka uu ka jiro dareen caro leh oo ku saabsan weerarrada ay qaadeen islaamiyiinta xagjirka ah, gaar ahaan kuwii ka dhacay faransiiska.

Bishii May ayey ahayd markii nin sida la sheegay ku qaylinayey ‘Allaahu Akbar’ uu hal qof middi ku dilay 3 kalena ku dhaawacay maxaddad tareenka laga raaco oo ku taalla Munich. Goor dambe oo la geeyey isbitaalka dadka madaxa ka xanuunsanaya ayey maamulayaashu sheegeen inaysan helin wax ninkaas xagjirnimo la xiriirinaya.
Read More

Tariikhda Iyo Waqtiga La Ciyaarayo Labada Lug Ee Koobka Spanish Super Cup Ee Barcelona & Sevilla Oo La Shaaciyay

Waxaa la shaaciyay waqtiga la ciyaarayo kulanka labada lug ee Supercopa de España ee u dhaxeeya kooxda hanataya horyaalka La Liga iyo Copa del Rey ee Barcelona iyo kooxda kaalinta labaad ka soo gashay koobka boqor Copa del Rey ee Sevilla.

Lugta hore ee kulanka Spanish Super Cup waxa la ciyaarayaa 14ka bisha Agoosto ee soo socota waxaana ay ka dhaceysaa magaalada Sevilla saacada geeska Afrika marka ay tahay 11ka habeenimo, halka lugta labaad ay ka dhici doonto Barcelona 17ka bisha Agoosto saacada geeska Afrika marka ay tahay 12ka habeenimo.

Taariikhda la ciyaarayo labada kulan ee Supercopa de España ayaa waxaa xaqiijiyay golaha guud ee xiriirka kubada cagta Spain ka dib markii Sevilla ay codsatay in la bedelo taariikhihii marka hore la soo jeediyay 12ka iyo 14ka Agoosto sababtoo ah waxa ay 9ka bisha Agoosto koobka European Super Cup la ciyaarayaan kooxda Real Madrid.

Barcelona ayaa la ciyaartay Sevilla koobka European Super Cup sannadkii hore waxaana ay ku badisay kooxda Catalans 5-4. Waxa ay sidoo kale wada ciyaareen dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore finalka Copa del Rey iyadoo Barcelona ay 2-0 ku badisay.
Read More

Munir El Haddadi Oo Qandaraaska U Kordhiyay Barcelona

Kooxda heysata horyaalka La Liga ee Barcelona ayaa ku dhawaaqday goordhaweyd inay heshiis kala gaareen xiddiga weerarka ka ciyaara Munir El Haddadi inuu qandaraaska u kordhiyo kooxda.

Munier El Haddadi ayaa ogolaaday inuu qalinka ku suugo heshiis cusub oo seddex xilli ciyaareed ah isagoo baaqi ku sii ahaan doona Camp Nou iyo 30ka bisha Juun 2019, waxaana ay wararka sheegayaa in sidoo kale qandaraas kordhin loo sameeyay.

Barcelona ayaa sidoo kale shaacisay lacagta lagu burburin karo qandaraas cusub ee 20 sanno jirkaan asalkiisa uu ka soo jeedo Morocco, waxaana kooxdii dooneysa ay kula wareegi karaan 60 milyan euro.

Sida lagu sheegay warbixin rasmi ah oo ay Barcelona soo saartay, ciyaaryahanka ayaa qalinka ku duugi doona heshiiska cusub maanta oo talaado ah saacada geeska Afrika marka ay tahay 1da iyo 30 daqiiqo oo duhurnimo, waxaana raaci doona sawiro laga qaadi doono.

Munir El Haddadi ayaa ka soo gudbay kooxda Barcelona B sannadii 2014 waxaana uu tan iyo markaas u saftay kooxda Barcelona 25 kulan horyaalka La Liga isagoo mudadaad dhaliyay afar gool, waxaana ay Blaugrana u arkaan xiddig mustaqalka ah.

Munir ayaa sidoo kale kulankiisii ugu horeysay ee xulka qaranka Spain waxa uu u saftay 8dii bishii September 2014 kulan ay la ciyaareen xulka Macedonia.

Dhanka kale kooxda Barcelona ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in da’ yarka ka soo dalacay Barcelona B Sergi Samper isna inuu saxiixay heshiis cusub oo uu kooxda ku joogayo ilaa iyo 2019.


Read More

TOBANKA Ciyaartoy Ee Saaka Oo Talaado Ah Loogu Hadal-heynta Badan Yahay Suuqa Kala Iibsiga

Asalaamu calaykum waraxmatulaah, dhamaan akhristayaasha sharafta iyo ixtiraamka naga mudanow ku soo dhawaada barnaamujkeenii tobanka ciyaartoy ee ugu qiimaynta sareeya suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee saaka oo Talaado ah kuwaas oo inta ugu badan looga hadlay suuqa kala iibisaga isla markaana  lala xidhiidhinayo kooxo cusub. Suuqa kala iibisaga ciyaartoyda ayaa si rasmi ah u furmay waxayna koox kastaaba u furan tahay in ay samayso saxiixyo cusub.

Football Whispers oo ah shabakada ugu horaysa dhinaca saadaalinta suuqa kala iibisaga ayaa qiimayn khaas ah ku samaysa wararka ciyaartoyda sida wayn loogaga hadlo suuqa kala iibsiga, waxayna si joogto ah u soo gudbisaa hadba ciyaartoyda loogu hadal haynta badan yahay suuqa kala iibisaga iyo kooxaha doonaya ee lala xidhiidhinayo.


Qiimaynta Football Whispers  ee suuqa kala iibisaga waxaa ugu sareysa 5 oo ah xiddig sida ugu weyn loo hadal hayo waxayna Sky Sports iyo Football Whispers  ay iska kaashadaan in ay hadba soo saaraan ciyaartoyda suuqa kala iibsiga sida wayn looga hadal hayo iyo qiimaynta oo la socota. Haddaba Shabakada Laacib.net ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa tobankii ciyaartoy ee saaka suuqa inta ugu badan looga hadlay.

Waa saaka dhanka saadaasha suuqa kala iibsiga u sareeya daafaca kooxda Augsburg Ragnar Klavan kasoo la filayo inuu maanta tijaabada caafimaadka u maro kooxda Liverpool iyadoo kabtanka xulka Estonia uu buuxinayo booskii uu baneeyay Kolo Toure ee dhanka khabiirnimada.

Xiddig kale oo la filayo in heshiiskiisa goordhow lagu dhawaaqo ayaa dhanka hadal-heynta ku jira kaalinta labaad waa Georges-Kevin Nkoudou kaasoo la filayo inuu ka soo tago Marseille kuna biiro kooxda reer London ee Tottenham Hotspur.

Waxaa iyadana isa soo taraya wararka Arsenal la xiriirinaya xiddiga weerarka ka ciyaara ee Lyon Alexandre Lacazette kaasoo saaka qiimeynta saadaasha suuqa kala iibsiga ee Football Whispers ka soo galay kaalinta seddex. Xiddig kale oo la filayo inuu Arsenal ku biiro ayaa afaraad ku jira saaka waa xiddiga da’da yar ee Bolton Rob Holding.

Pual Pogba oo beryahaan qabsaday suuqa kala iibsiga ayaa kaalinta shanaad ku jira waxaana weli la hadal-hayaa inuu ka tagayo Juventus kuna biirayo kooxdiisa hore ee Manchester United weliba heshis noqon doona rikoorka adduunka.

Xiddig hore oo Man United ah ayaa isna la filayaa inuu ku soo laabto Ingariiska iyadoo weeraryahanka Fenerbahce Robin van Persie la filayo inuu u saxiixo kooxda Stoke City.

Xiddigaha kale ee qiimeynta ku jira waxaa ka mid ah Julian Draxler oo weli lala xiriirinayo Arsenal iyo Mustafi oo la filayo inuu Valencia kaga biiro Chelsea.

Haddaba akhriste halkan kaga bogo dhamaan tobanbka ciyaartoy ee saaka suuqa kala iibsiga ugu qiimaynta sareeya, kooxaha lala xidhiidhinayo iyo waliba qiimaynta suurtogalnimada ay kooxahan ugu biiri karaan oo dhamaystiran:



Read More

Ciidamo Cusub oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Dowlada Uganda ayaa ciidamo cusub oo badal u noqonaya ciidamo dalkooda ku laabanaya usoo dirtay dalka Soomaaliya, waxaana Ciidamadan ay kasoo dageen laguna soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ciidamadan Cusub ee yimid Soomaaliya ayaa katirsan ciidanka gaarka ah ee UPDF , waana ciidamo si gaar ah u tababaran oo loogu yeero (UGABAG XIX), ciidamadan ayaana qeyb ka noqonaya howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
'
Saraakiisha ciidamada AMISOM , ayaa sheegay in ciidamadan cusub la geenayo gobolka Shabeelaha Hoose, wxaaama ciidamadan badalayaan ciidamo kale oo Ugaamdhees ah kuwaa oo mudo sanad ah ka howlgalayay gobolka Sh.Hoose.

Taliyaha Ciidamada Uganda ee howl galka AMISOM Brig. Sam Okiding, ayaa tilmaamay in ciidamadan cusub ay yihiin kuwa aad u wanagasan una tababaran, waxa uuna rajo ka muujiyya in ay wax badan qaban doonaan.

Dowlada Uganda ayaa kamid ah Dowladaha ciidamada ugu deeqay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxaana Uganda gudaha Soomaaliya ka jooga 6,700 oo askari oo ku howlgala magaca AMISOM.

Read More

Meydadka shacab Soomaliyeed ay laayeen ciidanka Itoobiya oo la aasay

Meydadka shacab ciidamada Itoobiya ku xasuuqeen degaan ka tirsan gobolka Bay gelinkii dambe ee Axadii ina dhaaftay ayaa la soo sheegayaa in la aasay.

Xasuuqan aya ka dhacay degaan lagu magacabo Wardiinle oo qiyaastii 33km u jira magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah oo baacsanaya xoogag taabacsan Al-Shabaab ay gaareen degaankaas ayna laayeen 14 ruux oo ahaa shacab halkaas ku noolaa, iyagoo ku eedeynaya iney ka qarinayaan xoogaga Al-Shabaab.

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia iyo masuuliyiin kale ayaa degaankaas gaaray, iyadoo xildhibaanku sheegay in ciidamada Itoobiya aysan dadkaas si bareer ah u leynin balse ay ka jawaabayeen rasaas ay ka soo dhex rideen al-Shabaab.

Dadka la laayey oo ay ku jireen dad da’ ah ayaa la soo sheegaya in labo ka mid ah ay gowraceen ciidamada Itoobiya halka inta kalena ay rasaas ooda kaga qaadeen, waxaana falkan uu argagax ku beeray shacabka degaanka.

Magacyada dadka la laayey waxay kala yihiin sidatan

Read More

Tuug isku dayay in uu Dhaco Guriga Macalin Jose Mourinho oo fashilmay lana qabtay

Nin Tuug ah oo doonayay in uu u dhaco guriga macalinka cusub ee Kooxda Manchester United Jose Mourinho , ayaa ku fashilmay qorshaha dhacaasi.

Jose Mourinho , ayaa xili uu daawanayay Telefishin waxaa uu maqlay qeylada mid kamid ah haweenka gurigiiisa ka shaqeysa taa oo aragtay nin tuug ah oo doonayay in uu guriga Macalinka usoo dhaco.

Ninka Burcadka ah ayaa doonayay in in uu soo galo albaabka qol dhulka hoostiisa ku jira ee gurigiisa 25ka milyan ginni ee ku yaala magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska.

Tuuga ayaa markii la arkay kuna fashilmay in uu u dhaco guriga Macalinka Manchester United ayaa isku dayay in uu baxsado hasa ahaatee waxaa gacanta ku dhigay ilaalada gurigaasi oo gacanta u galiyay ciidamada booliiska.


Saraakiil boliiska ah ayaana soo gaaray gurigiisa bartamaha maaalada London iyagoo jeebadeeyay tuuga iyadoo tababaraha Manchester United Mourinho iyo xaaskiisa Matilde Faria ay ka soo daawanayeen daaqada.
Read More

Qarax khasaare nafeed sababay oo ka dhacay degmada Afgooye & faahfaahino ka soo baxaya

Qarax ayaa barqadii maanta ka dhacay duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose, iyadoo faahfaahino ay ka soo baxayaan khasaaraha ka dhashay.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan oo loo adeegsaday miino la aasay uu ka dhacay bar control oo ciidamada dowladu ku leeyihiin duleedka degmada Afgooye.

Sida dad goob joogayaal ah ay warbaahinta u sheegeen Ciidamada ku sugnaa bartan Koontrool ayaa qaraxa ka dib ooda ka qaaday rasaas ay hareeraha u fureen taasoo aan la ogeyn khasaaraha ay geysatay.

Dhowr askari oo ka tirsana ciidamada dowlada ayaa ku dhintay qaraxan halka qaar kale ay ku dhaawacmeen sida uu sheegay Mahdi Xasan oo ah guddoomiye ku-xigeenka dhanka amniga maamulka degmada Afgooye.

Ciidamo kale oo ka tirsan dowlada ayaa halkaas gaaray, kuwaasoo xiray goobta la qarxiyey, isla markaana baaritaano ka waday, inkastoo aan la sheegin dad ay illaa hadda weerarkan u soo xireen.
Read More

Somaliland oo gacanta ku dhigtay xildhibaan ka tirsan Puntland ka dib dagaalo saaka ka dhacay.

Dagaalo ayaa maanta ka dhacay degaan lagu magacaabo Booda oo hoos yimaada degmada Badhan ee gobolka Sanaag kaasoo dhexmaray ciidamo kala taabacsan maamulada Somaliland iyo Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalku uu bilowday markii ay degmada Badhan gaareen wafdi uu horkacayo Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, iyadoo uu halkaas horey ugu sugnaa wafdi kale oo ka yimid dhinaca Puntland kaasoo uu horkacayey Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee maamulkaas.

Wafdiga ka socday Somaliland ayaa lagu soo waramayaa iney degmadaas gaarsiiyeen sanaadiiqda codbixinta, waxaana ka soo horjeestay dadka degaanka oo taageersan maamulka Puntland, taasoo keentay inuu halkaas dagaal ka qarxo.

Rasaas xoogan iyo qaraxyo ayaa saaka laga maqlay goobaha lagu dagaalamay, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in ciidamada Puntland laga saaray degaanka.

Ciidanka Somaliland ayay wararku sheegayaan iney gacanta ku dhigeen xildhibaan Maxamed Faarax Aadan (Canjeex) oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland iyo Ilaaladiisa.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Xildhibaanka la qabtay Xilli uu marayay meelo ku dhow goobaha lagu dagaalamay, waxaana sidoo kale jira warar sheegaya in gaari dagaal laga qabsaday ciidanka Puntland.

Dagaalkan ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo illaa hadda aan la ogeyn tirakoobkiisa.

Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaan illaa hadda ka hadlin dagaaladan, waxaana xiisado colaadeed laga dareemayaa goobihii saaka lagu dagaalamay.
Read More

Inta badan Ciidamadii Afgembiga Turkiga ku fashilmay oo is dhiibay +Sawir

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya dalka Turkiga ayaa sheegaya in uu fashilmay afgembi ay soo abaabuleen qaar kamid ah Saraakiisha Ciidanka Milatariga Turkiga, kuwaa oo doonayay in ay xilka ka tuuraan Madaxweynaha Turkiga.

Ciidamadan oo watay Taangiyo badan iyo hub culus ayaa qabsaday qeybo badan oo kamid ah magaalooyinka Ankara iyo Istanbuul, waxa ayna Taleefishinada ka sheegeen saraakiishii hogaamineysay Afgembigan in ay la wareegeen talada dalka.

Qaar badan oo kamid ahaa ciidamadii ka qeyb qaatay Afgembigii fashilmay ayaa isku dhiibay ciidamada booliiska kadib markii ay ogaadeen in uu fashilmay qorshahoooda ay dalka oo dhan kula wareegi rabeen.

Warbaahinta Caalamka ayaa si toos ah u tabinaya Ciidamadii xalay xiray Buundada Istanbul Bosphorus Bridge ee isku xirta Aasiya iyo Yurub , oo is dhiibanaya kana soo dagaya taangiyadii ay saarnaayeen, waxa ayna ciidamadan kor u taagayaan gacmaha iyagoona hubkana iska dhigay.


Ciidamada gaarka ah ee dalka Turkiga ayaa xabsiga dhigay Boqolaal askari oo katirsanaa ciidanka Milatariga ee is dhiibay iyo kuwa kale oo gacanta lagu dhigay, waxaana wali socda howlgalo lagu xir xirayo askartii iyo saraakiishii ka qeyb qadatay afgembigii fashilmay.


Madaxweynaha Turkiga ayaa ku hajabay in tilaabo adag laga qaadi doono askartii iyo saraakiishii ku lugta laheed afgembigii fashilmay ee la doonayay in xilka looga tuuro Dowlada Dimuquraadiyada ku dhisan ee Turkiga.

Read More

mahad celin balaaran

waxaa mahad leh allihi noo suurta galiyay  in aan  ku guu leesano   in uu sitooh ah hawada usoo galino webside kan


al axmdu lillah waxey mahadoo dhan u sugnaatay eebihii nagu garab galay  shaqadaan  aadka umuhiimsan    si aan kur ugu qaadno waya arag nimada ey heystaan umada soomaaliyeed


Una barno taariiikhda dalkooda  una helaan  jiilka naga dam beeyo meel ay  wax kasii wadi ka raan  si ay ugu fudu daato hormaarinta dalkooda hooyo

waxaana kula  dardaarmeenaa  Umadda soomaaliyeed  in ay ka gudbaan  beribaa waxaa dhacday iyo wax yaabah a lamidka ah siloo helo  xaqiiqooyqin sugn oona layaqaaano cidii laga soo xigtay   islamarkaana ay ufududaato  helida xaqiiqooyin  hidii dibloo baaro

waxaan dhlinta soomaaliyeed siqaas ah kula  dar daarmeenaa in ay  in ay aruuriiyaan taariikhda dalkeena hooyo
ayna  kaqoraan  aabayaasheen xaqiiqooyinka ay  la soo kulmeen adigoo ubaarayo si qoto dheer


Ogow in uu umad masuuliyadeed kurka  adiga kuu saaran tahay ayna  adiga ku sugayaan si ay ubadbaadaan Aduun iyo Aakhiro


fadlan hormari dalkaaga  ogow dalkaaga  cidna uma maqna ceelna uma qodna


        Aamusane Cabdi    Cali
Read More

War Deg-deg ah: Milateriga wadanka Turkiga oo shaaciyey iney la wareegeen talada dalkaas

Askar ka tirsan milateriga Turkiga ayaa sheegay in ay la wareegeen awoodda dalkaasi, ka dib markii la arkay diyaarado dagaal oo joog hoose ku dulmaraya caasimadda Ankara.

Ciidanka ayaa xiray buundooyinka Bosphorus iyo Fatih Sultan Mehmet ee ku yaalla magaalada Istanbul.

Telefishinka CNN iyo wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegaya in madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu badqabo, balse ma aanay sheegin halka uu ku sugan yahay.

Ra’iisul wasaaraha Turkiga, Binali Yildirim, ayaa sheegay in milateriga dalkaasi ay “fuliyeen fal aan loo idmin” balse aanu afgemi ahayn.

Waxa uu intaa raaciyay in aanay jirin wax dhibaato u geysan kara dimuqraadiyada Turkiga.
Mr Yildirim ayaa sheegay in ciidanka ammaanka ay xaaladda faraha ku hayaan.

Xigasho: BBC

Read More

C R 7 oo tababare is ku badalay mudo 30 daqiiqaa

Marka aad tahay ciyaaryahan mashiin gooldhalineed ku ah garoonka dhexdiisa sida Cristiano Ronaldo, waa ay adag tahay in lagaa fisho tababarahaaga gashaadiisa si kale haddii loo dhaho waa ay adag tahay in la qiyaaso adigoo keydka fadhiya kulan muhiim u ah sida finalka Euro 2016.
Intaas waxaa sii dheer, haddii aad dhaawac ku baxdo ciyaarta oo mareysa keliya 25 daqiiqo taasi waxay muujineysaa inuu soo dhammaaday waqtigaagii garoonka ee ciyaartaas. Ciyaartoyda ayaana intooda badan la keeyaa qolka lebiska iyagoo aan caro darteed la daawan inta ka dhiman ciyaartaas.
Laakiin markii uu Ronaldo ka baxay ciyaarta finalkii Euro 2016 ee uu xulkiisa Portugal ku wajahay France, miyaad si sahal ah ugu fikirtay inuu soo dhammaaday waqtigiisii kulankaan? Gabi ahaanba, been ayaad aamintay. Laakiin wuxuu soo laabtay dhammaadkii waqtigii caadiga ahaa ee ciyaarta garoonka ayuuna soo galay halkaasoo uu si aan caadi aheyn ugu dhiirigeliyey ciyaartoyda qarankiisa.


Wixii ka dambeeyey markii ay bilaabatay 30kii daqiiqo ee dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray, xiddiga Real Madrid ayaa ahaa tababaraha ku meel gaarka ah ee xulkiisa sababtuna waxay tahay isaga ayaa kursiga keydka dhiirigelinta ugu badan kasoo dirayey iska iloow tababare Fernando Santos.
31 sanno jirkaan ayaa ilmo jabsaday markii uu Eder qaranka Portugal u dhaliyey goolka ugu dambeyntii noqday midka guusha, iyadoo Selecao ay markii ugu horreysay ciyaar tartan rasmi ah kaga adkaaday France.
Kaba sii darane, markii la yeeriyey seerigii ugu dambeeyey ee ciyaarta Portugal ay xaqiijisay hanashada koobkedii ugu horreeyey ee weyn iyadoo loo caleemo saaray European Champions, Ronaldo wuxuu iska siibay jaakaddii uu xirnaa wuxuuna u tuuray taageereyasha.
Maxaad ka sugeysay? Ka dibna wuxuu usoo lebistay sida ciyaaryahan dhammeystay kulanka isagoo marada hogaamiyenimo ee kabtanka Portugal kala wareegay Luis Nani, ugu dambeyn isaga ayaa qarankiisa u qaaday koobkoodii ugu horreeyey ee caalami ah, waana hubaal inuu Ronaldo sidaasi ku yahay ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee soo maray taariikhda Portugal.


“Ronaldo ayaa ii sheegay inaan dhalin doono goolka guusha,” ayuu Eder u sheegay wargeyska A Bola ee kasoo baxa dalkiisa. “Wuxuu i siiyey kalsoonidaas. Laakiin goolkaasi wuxuu ahaa mid xulka oo dhan uu si xoogan uga soo shaqeeyey. Kuwo heer sarre ah ayaan aheyn ciyaartaan oo dhan waxaana u carareynay sida mashiino oo kale.


Ronaldo ayaa sheegay in koobkaan uu baal dahabi ah kagalay waayihiisa ciyaareed maadama uu yahay koobkii ugu horeeyay ee uu la qaaday xulkiisa.
“Waqtigaan waa kii iigu farxada badnaa noloshayda, wax walbo oo shaqsi ahaana waan ku guulaystay sidoo kale guulo ayaan ka gaaray dhanka kooxaha, laakiin waxaa iga dhimanaa oo kaliya inaan wax uun la qaado xulkayga qaranka” ayuu yiri Ronaldo dhamaadkii ciyaarta
“Ilaaheey ayaan u mahadcelinayaa waayo ugu danbayntii koob ayaan la qaaday xulkayga, ka qaybgal kaygu ma ahayn 100% taas ayaana ah niyad jab laakiin waxaa i caawiyay asxaabtayda iyo tababaraha”.
“Sanado badan oo aan dadaal bixinay, majirin cid na aaminaysay, waa sax in nasiibku uu na caawiyay laakiin ogoow in nasiibku uu yahay wax lagama maarmaan ah”


                                                               Aamusane  cabdi


Read More

Pele Oo Markiisii Seddaxaad Guursaday,

Halyeeyga kubadda cagta Brazil Pele ayaa markiisii seddaxaad noloshiisa guursaday xalay oo Sabti aheyd, isagoo la aqal galay gabadha ay mudada dheer haasaawaha wadaagayeen ee Marcia Cibele Aoki.
75 sanno jirkaan ayaa guursaday gabadhaan oo ay saaxiib ahaayeen muddo lix sanno ah isla markaana 50 sanno jirta ah, waxaana xafladda guurkiisa lagu qabtay xaafadda Guaruja ee magaalada Sao Paulo ee dalkiisa Brazil.
Guurkaan ayaa la qorsheeyey inuu dhaco laba sanno ka hor, laakiin waxaa la baajiyey markii ay xanuuno lasoo derseen xiddigii hore ee qaranka Brazil taasoo keentay in isbitaal la dhigo Pele.
Dabayaaqadii 1980meeyadii ayey labadoodu ku kulmeen magaalada New York laakiin waxay haasaawahooda bilaabeen sannadkii 2010kii ka dib markii ay markale ku kulmeen magaalada Sao Paulo. Afar sanno ka hor ayeyna aheyd markii uu Pele saaxiibtiis kusoo bandhigay xaflad kubadda cagta ah oo lagu qabtay magaalada Monaco.
Pele ayaa seddax caruur ah ka dhalay xaaskiisii ugu horreysay Rosimeri Cholbi taasoo ay 12 sanno isqabeen, halka uu laba caruur ah ka dhalay xaaskiisii labaad Assiria Nascimento oo ay 14 sanno isqabeen.
Gabadhaan u dhalatay dalka Japan ee Marcia ayaa ah shaqsi guulo ka gaaray ganacsiga waxayna leedahay warshado soo saara qalabka caafimaadka, waxaana xusid mudan inuu aabaheed yahay dhakhtar caruurta daweeya.
Ka dib ku dhowaad 33 sanno oo ay xiriir wadaagayeen, labadaan shaqsi ayaa si rasmi ah u midoobay xalay oo Sabti aheyd, halkaan hoose ayaadna ka daawan kartaa sawirradii arooska Pele.

Read More

Real Madrid Oo Fariin U Dirtay Kooxah Doonaya Alvaro Morata Markii Ay Amaah Ku Fasaxday Da’yarkeeda Borja Mayoral

Real Madrid ayaa heshiis la gaartay kooxda Wolfsburg kuwaasoo amaah ku qaadanaya weeraryahan Borja Mayoral xili ciyaareedka soo aadan kadib markii kooxdii Real Madrid Castilla loo dhaadhiciyay heerka sadexaad ee dalka Spain.
Xidigaan ayaa lix kulan kasoo dhex muuqday koxoda koowaad ee Los Blancos xili ciyaareedkii dhamaaday 2015/16 ayaana kamid aheyn qorshaha kooxda koowaad ee Zinedine Zidane kadib markii ay kooxdaasi dib u soo ceshatay weeraryahan koodii hore ee Alvaro Morata.
19 jirkaan ayaa ugu dhaqaaqay Bundesliga si uu u soo helo fursad ciyaareed kooxda koowaad ah waxaana uu talo ka helay saaxiibkiis Dani Carvajal kaasoo hore hal xili ciyaareed ugu soo qaatay Bayer Leverkusen kadibna dib ugu soo laabtay Madrid si uu u noqdo dookha koowaad ee kooxdiisa.

Amaah u dirista 19 jirkaan 15 gool u dhaliyay kadib 29 kulan uu u saftay kooxda Castilla ee Mayoral ayaa shaki badan galin doonta suurogalnimada ay Real Madrid ku iibin karto xidigeeda Alvaro Morata kaasoo ay doonayaan kooxaha Premier league.
Morata ayaa lagu raadinayaa £60 milyan oo pound laakin Real Madrid ayaa ku dhibtootay goolal markii uu dhaawacmay Karim Benzema xili ciyaareedkii hore waxayna kaga sii darnaatay markii Cristiano uu isna dhaawac kale soo gaaray taasoo ka dhigtay in Moyaral uu weerarka kooxdiisa kala ciyaaro Gareth Bale iyadoo masuuliada kooxda ay garbaha ka saarneyd Bale oo aan qudhiisa taam aheyn lamana oga in Zizou oo taas maanka ku haya uu fasixi doono xidiga ree Spain.


Read More

Nin ku Caan baxay in uu Dibiyada la dagaalamo oo ugu dambeyn Dibi dilay

Nin u dhashay dalka Spain kuna caan baxay in uu la dagaalamo dibiyadda ayaa ugu dambeyn ku dhintay dagaal uu la galay dibi, xili Telefishin si toos ah looga daawanayay.


Victor Barrior , ayaa ahaa nin si weyn looga yaqaanay dalka Spian kuna caan baxay in uu la dagalao dibiyada geesaha waa weyn ,waxaana ninkan uu horey uga guleesan jiray dagaalka uu la galo dibiyada.




Xirfad yahankan ayaa ugu dambeyn dhintay kadib markii dibi uu la dagaalamayay uu xabadka ka hertiyay kadibna u geeriyooday dhaawac culus oo soo gaaray, waana markii ugu horeesay mudo 20-sano kadib uu dibi dilo qof uu la dagaalamayay.


Read More

Maradona oo ka hadlay Ronaldo iyo Griezmann

 Halyeeyga reer Argentina ee Maradona ayaa ka hadlay kulanka caawa dhex mari doona xulalka Portugal iyo France kaas oo ah kama danbaysta koobka qaramada qaarada yurub.

Maradona ayaa ku amaanay Ronaldo inuu 2-Final ciyaaro isaga oo da’diisu tahay 31 jir, wuxuuna ula jeedaa Final-kii Champions League iyo kan haatan ee Euro 2016.

Dhanka kale wuxuu ka digay qatarta Griezmann uu samayn karo caawa kadib markii xulkiisa uu geeyay Final-ka xili uu 2-gool ka dhaliyay Germany.


“Ronaldo? Final-kii labaad ayuu ciyaarayaa isaga oo ah 31 jir, tani waa fursad u wanaagsan Ronaldo si uu sharaf ugu soo hooyo xulkiisa” ayuu yiri Maradona oo la hadlay The Times of India.

“Sida France ay ugu fikirayso celinta Ronaldo ayeey Portugal ugu fikiraysaa celinta Griezmann, wuxuu leeyahay taabasho qurxoon iyo lug bidix oo cajiib ah, 6 gool ayuu dhaliyay intii uu socday koobkan”.

“Pogba dib ayuu u helay qaab ciyaareedkiisii wacnaa, qadka dhexe ee France waa mid dhamaystiran, Portugal cadaadis daran ayeey wajihi doonaan”.



Read More

Ozil oo doortay shaxdiisa ugu wanaagsan

Xiddiga Arsenal Mesut Ozil waxa uu magacaabay shax ka kooban 11-ka ciyaaryahan ee ugu wanaagsan, kuwii uu waayihiisa oo dhan la dheelay.

Iyada oo ay loolamayeen ciyaaryahano badan oo ka kala socda Arsenal. Real Madrid iyo Germany, waxa uu doortay saf xoogan.

Santi Cazorla, iyo Serge Gnabry oo kaliya ayaa soo galay safka Ozil madaama ay ku sugnaayeen qolka su’aasha lagu weydiiyey!

Tani waxa ay meesha ka saartay Alexis Sanchez iyo Petr Cech oo uu ka doortay Angel di Maria iyo Iker Casillas.

Hadii Gnabry uusan nasiib u yeelan joogida qolka, laacibka Chile waxa uu fursad weyn u heli lahaa safka hore.


Read More

Ma Jiro Qof Weli Soo Helay Qorshe Lagu Xakameyn Karo Cristiano Ronaldo”

Tababaraha xulka France Didier Deschamps ayaa qirtay in uusan jirin qof garanaya habka loo joojiyo Cristiano Ronaldo, iyadoo xulkiisu uu isku diyaarinayo inuu finalka Euro 2016 Axada kula dagaalamo xulka Portugal.
Ronaldo ayaa dhaliyey goolka furitaanka kulankii ay xulkiisu guusha 2-0 ah ka gaareen Wales ee wareegga semi-finalka tartankaan wuxuuna ahaa gool madax ah oo uu si awood leh ku dhaliyey ka dib markii uu ka dulbooday daafacyada Wales, halka uu sidoo kale caawiye ka ahaa goolkii labaad ee Luis Nani.
Tababare Deschamps ayaana haatan ka welwelsan tayada xiddiga kooxda Real Madrid laakiin wuxuu ugu baaqay ciyaartoydiisa inay intii karaankooda ah ku dadaalaan sidii ay u hubin lahaayeen inay joojiyaan halista 31 sanno jirkaan ka hor kulanka Axada ka dhici doona garoonka Stade de France.
“Haddii uu jiro qorshe lagu celinayo Ronaldo, markaas waxaanba jirin qof soo helay,” ayuu Deschamps u sheegay saxaafadda. “Waa ciyaaryahan aad heer sarre u ah, wuxuuna leeyahay tayo aad u sarreysa marka ay timaado kubaddaha madaxa ah.
“Ma ahan oo keliya inuu Ronaldo uu dhowr mitir hawada u boodi karo laakiin ilbiriqsiyo ayuu halkaas ku hakan karaa. Lixdiisa muruq ee caloosha (six-pack) ayaana sabab u ah, laakiin wuxuu leeyahay laba sheey oo kale oo ay aad u adag tahay in la xakameeyo waana xawaarihiisa iyo mudada uu hawada ku jiri karo.
“Waxay noqon laheyd wax wanaagsan haddii aan joojin laheyn halistiisa waxaana u baahanahay inaan yareyno saameyntiisa ciyaarta. Taas ayaa sidoo kale muhiim inoo noqon doonta.”
Read More

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab ay dagaal kula wareegeen Deegaanka Diif ee katirsan dalka Kenya.

Wararka ka imaanaya gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in dagaalyahano hubeesan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab ay dagaal kula wareegeen Deegaanka Diif ee katirsan dalka Kenya.


Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in dagaal uu halkaasi ku dhax maray ciidamada booliiska dalka Kenya iyo dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al-Shabaab kuwaa oo weerar ku qaaday saldhigayada ay ciidanka booliiska ku lahaayeen Deegaankaasi.


Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay dagaal kula wareegtay Deegaanka Diif ayna halkaasi ka eryeen ciidamo katirsan booliiska dalka Kenya oo deegaankaasi ku sugnaa.

Dagaalka labada dhinac ku dhax maray Deegaanka Diif ayaan wali la ogeyn qasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay , Dowlada Kenya ayaana ka hadin dagaalka iyo deegaankan la sheeay in Al-Shabaab dagaal kula wareegeen.

Al-Shabaab ayaa gudaha Kenya ka fulisay weeraro iyo qaraxyo ay ku beegsanayeen askarta iyo dadka Kenyanka ah, waxaana mudooyinkii dambe Dowlada Kenya ay ka digeysay weeraro ay Al-Shabaab ka fuliyaan gudaha dalkaasi.


Read More

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta tababar ugu soo xiray magaalada Kismaayo Ciidamo katirsan Maamulka Jubbaland gaar ahaan ciidamada gaarka ah ee loogu tala galay ilaalinta Madaxtooyada.



Axmed Madoobe oo ka hadlay Munaasabada tababarka loogu soo xiray ciidamadan katirsan ilaalada Madaxtooyada Jubbaland ayaa kula dar daarmay in ay kasoo dhalaalan waajibaadka loo igmaday ayna noqdaan ciidan daacad ah.

'' Waxaa la idinka doonayaa in aad kasoo baxdaan waajibaadka la idin igmaday, waxaad ilaalineysaan Muraayadii Jubbaland , waxaa la idinka doonayaa in aad dadaal badan ku bixisaan waajibaadka idin saaran'' Ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa gabo gabadii ciidamada maanta tababarka loo soo xiray kula dar daarmay in ay ilaah ka cabsadaan oo ay dukadaan Salaada, waxa uuma uga digay in ay isticmaalaan Mukhaadaraadka nuucyadiisa kala duwan.
Read More

Taariikhda Feeryahankii Geeriyoodey Maxamed Cali Kalaay.

Waa feeryahan caan ah oo u dhashay dalka maraykan,Maxamed Cali oo dadka soomaaliyeed u yaqaanaan magaca “Maxamed Cali Kalaay” ayaa taariiikhdu markay aheyd 17.January 1942 ku dhashay magaalada Louisville ee gobolka Kentucky oo ku yaal Koonfurta Mareykanka.
Kalaay oo ka dhashay qoys heysta Diinta Masiixiga, ayaa waxay waalidkiisu ugu wan qaleen magaca Cassius Marcellus Clay jr. M. C.
Kalaay waxa uu ku guulaystay Tartanka Feerka Miisaanka Culus tiro sadex jeer ah,Sidoo kale waxuu muddada 20-ka sanno ah ee uu ku dhex jiray Cayaaraha Feerka ku guuleystay inuu noqdo Horyaalka Aduunka sanadaha 1964, 1974 iyo 1978.
Sanadkii 1999 ayaa Kalaay loo aqoonsaday inuu yahay ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa ee Caalamka soo mara Qarniga 20aad.
Qaab Feerka
Maxamed Cali Kalaay waxa uu caan ku ahaa goysmada ama gasta faraha badan taas oo dhib u keeni jirtay feeryahanada isaga la tartama,
Waxa kale uu Kalaay ku caan baxay intii uu feerka ku dhex jiray feerka deg-dega ah.
Qaadashada Diinta Islaamka
1964 ayay ahayd markii ugu horaysay uu Kalaay si la yaab leh uga guulaystay Feeryahanka ahaa Horyaalka Miisaanka Culus ee lagu magacaabi jiray Sonny Liston.
Waxuuna Kalaay isla mar ahaantaas la wareegay Suunka cadeynta u ah in uu noqday Horyaalka Aduunka ee Feerka Miisanka Culus.
Kalaay oo markaa da’diisu ahayd 22 sanno ayaa noqday Feeryahankii ugu da’da yaraa ee ku guuleysta Suunka Feerka Miisaanka Culus ee taariikhda aduunka soo mara.
Muddo yar ka dib markii Kalaay uu noqday Horyaal, ayaa waxa uu si lama filaan ah warbaahinta Caalamka uga sheegay in uu qaatay Diinta Islaamka.
Sanadkii 1965 markuu Kalaay si rasmi ah ugu biiray Diinta Islaamka ayaa waxuu magaciisa hore ku bedelay magaca islaamka ah ee Maxamed Cali.
Kalaay waxa uu qaatay Diinta Islaamka isaga oo aan ka laheyn wax dan qaas ama qarsoon, Waxaana xataa dhici kartay inuu Kalaay talaabadaas ku waayo taageerayaashiisa aad ka u tira badnaa.
Laakiin waxa dhacday taasi bedelkeed oo ah in taageerayaasha iyo shacbiyadda uu Kalaay ku lahaa gudaha dalka Mareykanka iyo Caalamka intiisa kaleba ee aad u sii kordheen.
Dagaalkii Vietnam
Sanadkii 1966, ayaa Maxamed Cali Kalaay laga qaaday imtixaan ku saabsan cafimaadkiisa, waxaana la sheegay inuu ka qeyb gali karo dagaal ay Dowlada Mareykanka qeyb ka aheyd oo xilligaa ka socday dalka Vietnam.
Taasina waxay la macno ahayd in haddii uu Kalaay dagaalka ka qayb qaadanaayo uu guud ahaan ka tago feerka iyo waxbarashaddiisa kaleba.
Laakiin Kalaay oo lagu yaqaan dhiiranaan badan ayaa qaadacay arrinkaas oo waa uu diiday inuu dagaal la galo sida uu hadalka u dhigay dad masaakiin ah oo u dhashay dal ka tirsan dunida soo koraysa.
Kalaay waxa uu sidoo kale si cad u sheegay in uu gebi ahaan ka soo horjeedo dagaalka Maraykanka ay ku qaadeen Vietnam oo masaafo ahaan aad uga fog dalka Maraykanka, waxuuna sheegay in dagaalkaas uu yahay mid gardaro ku ah shacabka reer Vietnam.
Markii Laga Qaaday Suunka
Sanadkii 1967 oo ahaa markii Kalaay uu gaaray guulihii ugu badnaa ayeey dawlada Mareykanku ka xayuubisay Suunkii Horyaalka Feerka Miisaanka Culus ee Aduunka.
Sababtoo ah waxaa Kalaay lagu soo eedeeyay inuusan wadani aheyn bacdamaa uu diiday ka qayb qaadashada dagaalka ka socda dalka Vietnam.
Muddo dhan 3 sanno Kalaay kama uusan qeyb gelin wax tartan-feer ah, laakiin waxa uu feerka mar kale dib ugu soo noqday sanadkii 1970.
Maxamed Cali Kalaay oo ah Halyeey ku weyn qalbiyada shacabka aduunka ayaa safka hore kaga jiray Feeryahanada Waaweyn ee Taariikhdu mar walba xusi doonto.
Manta oo ah 4- June waxaa la shaaciyay inuu geeriyooday Maxamed Cali Kalaay oo maalmo ka hor la dhigay isbitaal.
Read More

waa maxay caqabadaha waxbarasho ee soomaaliya?

Inkastoo Umada soo maaliyeed aysan necbaaneen  waxbarashada laakiin waxaa jira caqabda badan oo ku horgudban waxbarshada soomaaliya waxaan ka mid ah:

1) ammaan la,aanta .
2) faqriga.
3) tababar la,aanta macallimiin waxbarta dadka,
4) guurka degdega ah,
5) wacyiga bulshada oo hooseeya.
6) faasiilitiga waxbarashada oo yar.
7) manhaj la’aanta.
Read More

Reading Oo Ka Sarreysa Barca! Kooxaha Ciyaartoyda Ugu Badan Ku Leh Semi Finalka Euro 2016, Kooxdaada Immisey Ku Leedahay?

Kooxda heerka labaad ee dalka Ingiriiska Reading ayaa ka sarreysa Barcelona marka la eego kooxaha ciyaartoyda ugu badan ku leh koobka qaramada qaaradda yurub wareegiisa Semi Finalka waxeyna kooxdaan ku leedahay laba ciyaartoy halka Barcelona ay kaliya ku leedahay hal xidig.
Kooxda ugu badan ee ciyaartoy ku leh waa Bayern Munich oo ku leh lix ciyaariyahan: Coman, Neuer, Boateng, Kimmich, Götze, Müller.

Waxaa kusoo xiga kooxaha Sporting Lisbon, Crystal Palace, Real Madrid iyo Arsenal oo min Afar ciyaartoy ku leh:
ARSENAL: 
Koscielny, Giroud, Özil, Ramsey
CRYSAL PALACE:  
Cabaye, Hennessey, Ledley, J. Williams
REAL MADRID: 
Kroos, Pepe, Ronaldo, Bale
SPORTING LISBON 
Rui Patricio, Andre Silva, Joao Mario, William Carvalho
Kooxaha Sadexda Ciyaartoy Ku Leh Wareegaan waxaa ka mid ah: Benfica, Juventus, Liverpool, Lyon, Manchester United iyo Wolfsburg.
Benfica (Gomez, Eliseu, Sanches), Juventus (Evra, Pogba, Khedira), Liverpool (Can, Ward, Allen), Lyon (Jallet, Umtiti, Lopes), Manchester United (Schneiderlin, Martial, Schweinsteiger), Wolfsburg (Draxler, Schürrle, Vieirinha).
Kooxaha Ugu badan waxey tartankaan ku leeyahiin laba ciyaariyahan waxaana ka mid ah: Leverkusen, Dortmund, Fenerbahce, Fulham, Reading, Man City, Monaco, Schalke, Southampton, Swansea, Tottenham, Valencia iyo West Ham.
Bayer Leverkusen (Leno, Tah), Borussia Dortmund (Hummels, Weigl), Fenerbahce (Bruno Alves, Nani), Fulham (Richards, G. Williams), Leicester (Kante, King), Manchester City (Mangala, Sagna), Monaco (Carvalho, Moutinho), Reading (Gunter, Robson Kanu), Schalke (Howedes, Sane), Southampton (Cedric, Fonte), Swansea (Taylor, A. Williams), Tottenham (Lloris, Davies), Valencia (Mustafi, Andre Gomes), West Ham (Payet, Collins).
Liiska ugu dambeeya waxaa ku jira kooxaha min hal ciyaariyahan ku leh waxaana ugu waaweyn: Barcelona, Porto, Sevilla, PSG, Atletico Madrid iyo Lille.
Atletico (Griezmann), Barcelona (Ter Stegen), Besiktas (Quaresma), Birmingham (Cotterill), Braga (Rafael Silva), Burnley (Vokes), Dinamo Zagreb (Eduardo), Dons (Church), Galatasaray (Podolski), Inverness (Williams), Köln (Hector), Lille (Eder), Lorient (Guerreiro), Marseille (Mandanda), Newcastle (Sissoko), Nottingham Forest (Vaughan), Porto (Danilo), PSG (Matuidi), Rennes (Costil), Roma (Digne), Sevilla (Rami), Tigres (Gignac), WBA (Chester), Wolves (Edwards)
Read More
Powered by Blogger.

Search This Blog

© Copyright Saqiyare