Gabay ku saab san maa mul gobaleeda soomaali

Read More

Taariikh ku saabsan Xukuumadihii iyo Boqortoyin Somaray magaaladda Muqdisho


Magaalada Muqdisho taariikhdii ay jirtay waxaa soo maray dhowr xukuumadood iyo boqortooyo oo kala geddisan oo mid walba waqtigeeda ay soo qaadatay

Qarnigii 8-aad ee Miilaadiyada waxaa magaalada Muqdisho xukumayey sida taariikh-yahanadu sheegeen nin Wadaad ahaa oo la oran jiray Abuubakar Fakhrudiin, waxayna xukuumaddani ku aasaasantay hab wadatashi, xilligaasna ma jirin Boqor ama Suldaan, balse waxay qolo walba ka dambeyn jireen Sheekha ay leeyihiin.


Xukuumaddaas ku dhisneyd wadatashiga waxay dhalatay kaddib markii qabaa?iladii deganaa Muqdisho ay shir dhowr maalmood qaatay ku yeesheen goobta uu hadda ku yaalo masjidka Arbaca rukun oo ay markaas oron jireen Al-Malmalah.

Abuubakar Fakhrudiin wuxuu Muqdisho xukumayey muddo 17 sano ah, wuxuuna xukunkiisu soo gaba gaboobay sanadkii 1117 ee Miilaadiyada.

Dadkii xilligaasi deganaa magaalada Muqdisho waxay u badnaayeen dad ganacsato ah, waxayna ka tijaareysan jireen Geella, Lo?da, Ariga, maqaarka xayawaanaadka, sameynta dharka iyo beerashada, waxayna gaareen in ay dibadda badeeco u dhoofiyaan sida raashinka, subaga, Saliidda iyo waxyaabaha kale ee lama huraanka ah, iyagoo ku soo beddelan jiray badeecooyin kala duwan oo markaas aan deegaankooda laga helin.

Dadka ku noolaa Muqdisho waxay sidaas ku soo socdeen ilaa saddex boqol oo sano oo ah ilaa qarnigii 11-aad ee Miilaadiyada.

Dowladdii Xalwaan
Bilowgii qarnigii 15-aad ee Hijriyada kuna beegneyd  bilawgii qarnigii 12-aad ee Miilaadiyada, markaas oo uu dhamaaday waqtiga xukuumaddii Abuubakar Fakhrudiin ee Muqdisho xukumi jirtay ayaa waxaa talada Gobolka Banaadir la wareegay xaakim la oron jiray Muxamed Shaah AL-xalwaani oo ka yimid dhinaca Ciraaq iyadoo magaca Xalwaana uu ahaa deegaano ka tirsanaan jiray dhulka Ciraaq oo uu ka yimid.

Dowladdaas waxaa caasimad u ahayd magaalada Merka, balse Shaahii Xalwaaniga ahaa wuxuu deganaan jiray Muqdisho, sidaas ayeyna Muqdisho caasimad ugu noqotay Soomaaliya.

Wasiirkii Shaahaas oo la oron jiray Kandarshaah ayaa isaga waxaa fariisin u ahayd meel ku dhaweyd magaalada Merka, waxaana xilligaas dadka Merka ay Salaadda Jimcada u soo aadi jireen Muqdisho maadaama aaney xilligaas Merka lehayn Masjid weyn oo jaamac ah, waxayna soo raaci jireen gaari-farasyo kiiba ay jiidayaan todobo ilaa sagaal Faras.
Dowladdii Xalwaan waxay caan ku ahayd baqiiltinimada oo waxay ahaayeen Maamul aan waxba u qaban dadka ay xukumayaan iyagoo weliba ahaa dad hantiilayaal ah balse aaney taas ku kalifeyn tabardarro xagga miisaaniyadda ahayd.

Xubnihii ka tirsanaa dowladdaas waxay kaloo caan ku ahaayeen kaydsiga Dahabka iyo fidada oo ah Nuuc ka mid ah dahabka lagana samayn jiray lacagta, mid kasta oo ka mid ahna waxaa ugu duugnaan jiray dhulka hoostiisa dahab aad u fara badan.


Heerka ay gaartay baqiiltimadooda, waxay ahaayeen mas,uuliyiinta xukuumaddii Xalwaan kuwo cuna moofo qaleyl ah, waxayna qaadan jireen dhar kakan, waxayna inta badan raashin cuni jireen 24-kii saacba mar, waxaana dadka reer Banaadir markii dambe ka dhigteen madaxda xukuumaddii Xalwaan hal qabsi, iyagoo dhihi jiray qofkii ay hanti fara badan oo aaney ka muuqan ku arkaan “Kani waa Xalwaani”.

Sanadihii dowladdaan waxaa dalka ka dhacay abaar aad u xoog badneyd taasoo dadkii xilligaa deganaa Banaadir ay ku miisaaliyeen sanadihii abaareed ee dalka Masar ku dhacay xilligii Nebi Yuusuf iyo amiirkii Caziiz.

Waxay keentay abaartaasi in dadku waayaan wax ay laqaan, waxaana yaraaday xoolaha ilaa hal neef oo Ari ah lagu waayo hal Riyaal, iyadoo riyaalkuna uu xilligaas u dhigmayay kun Riyaal amaba ka badan oo waqtigaan joogta.

Xukuumaddaas ku caan baxday gaajada iyo quud cariirinta ee Xalwaan waxay Banaadir xukumaysay ku dhawaad nusqarni, waxaana maamulkii kala wareegay dowlad kale oo la oron jiray Zowzan oo aan ka sheekeyn doono.

Qoraalada ka sheekeynaya dowladdii Xalwaan waxaa laga helay iyadoo gacan ku qoraal ah muftigii Banaadir ee xilligaas oo la oron jiray Sheekh uxuyadiin Macalin Mukaram.


                                                        Xukuumaddii Zowzan
Bartamihii qarnigii 5-aad ee hijriyada waxaa magaalada Muqdisho maamulkeeda dowladdii Xalwaan kala wareegay Suldaan la oran jiray Zowzan, kaasoo madax u ahaa saldanad dhowr sanadood Muqdisho ka talineysay.

Taariikhyahanadu marka ay ka hadlayaan xukuumaddii Zowzan waxay sheegaan in Zowzan uu ahaa nin kaligii talis ah oo ku amar ku taagleyn jiray dadkii uu xukumayey.
Xukunka Zowzan ma ahayn mid ay ku qanacsan yihiin dadkii xilligaas ku noolaa magaalada Muqdisho balse waxay ahaayeen dad uu qasbayo.

Maamulkii Zowzan.
Saldanaddii Zowzan marnaba iskuma mashquulin danaha dalka, awoodna ma saarin kor u qaadista wax soo saarka beeraha oo xilligaas si weyn nolosha dunidu ugu tiirsaneyd.

Waqtigii ay saldanadaasi ka talineysay Muqdisho wuxuu ku dhamaaday fowdo iyo abaaro joogto ah ilaa ay ka burburto xukuumaddii Zowzan gaba gabadii qarnigii 5-aad ee Hijriyada, waxaana xukunka kala wareegay xukuumaddii shiiraaziyiinta.


Xukuumadii Shiiraazi:
Dhammaadkii qarnigii 5-aad ee Hijriyada markii ay iskeed u baaba, day saldanaddii uu madaxda ka ahaa Zowzan ee Muqdisho ka talin jirtay waxaa xukunka soo koray xaakim kale oo la oron jiray Shiiraazi.

Xaakimkaas wuxuu ahaa nin Maamulkana haya, lugna ku leh Arrimaha Ganacsiga.
Wuxuu dadka beeraleyda ah ka iibsan jiray raashinka ay beertaan, wuxuuna ku aasi jiray dhulka hoostiisa, isagoo marka hore ugala wareegaya qiimo aad u jaban, marka dambana ku gadanayay lacago dulsaar ah oo fara badan.

Wuxuu ahaa xaakimkaasi mid halkii Bukaar ama labadii Bukaar dadka uga iibisanaya hal Riyaal, wuxuuna marka raashinku gabaabsi noqdo labadii Kiilo dadka uga gadi jiray hal Riyaal, taasoo dhalisay in dadku awoodi waayaan iibsashada raashinka.

Waxay arrintaasi sababtay in Macluul xuni dhalato oo dadku ay ku sigteen in ay baahi u la?daan, maadaama raashinkii uu gacantiisa ku soo haray, isla markaana uu ku gadanayo qiimo sarreeya.

Inkastoo xaakimkaas shiiraaziga ahaa lagu dhaleeceyn jiray arrimahaas xun xun haddana wuxuu lahaa waxyaabo kale oo wan wanaagsanaa, waxaana ka mid ahaa wanaagyadiisii dhisitaanka Masjidkii Axnaafta oo uu ka dhisay deegaanka Shangaani, wuxuuna masaajidkaasi ka dhsnaa goobta uu mar dambe ku ooli jiray Baar Safooya.

Maamukii Masar ee Muqdisho
Magaalada Muqdisho waxaa xukunkeeda ku kala dambeeyey oo isu soo dhaafay Maamulo fara badan oo dadkoodu ka soo kala jeedeen dalal ajnabi ah, halka qaarna ay ka soo jeedeen Soomaalida.

Sanadkii 604 ee Hijriyada waxaa dalka Masar ka soo tagay xaakim la oron jiray Amiir Muxamed Cali, wuxuuna la wareegay xukunka magaalada Muqdisho.

Taariikhyahanadu marka ay ka sheekeynayaan ninkaas kama sheegin xumaano uu kula kacay dadkii deganaa Muqdisho, balse waxay sheegaan waxyaabo wan wanaagsan oo ninkaasi uu u sameeyey reer Muqdisho.

Markii uu soo gaaray Muqdisho waxaa uu ka dhisay ilaa 80 daarood oo waaweyn, wuxuuna sidoo kale dhisay masaajidyo dhowr ah oo mid ka mid ah loogu magac darray Max?ed koowaad, kan labaadna loogu magac darray Max?ed-kii labaad iyo Masjidka Arbaca rukun.

Soomaaliya Iyo La Macaamilitaankeedii Shiinaha
Horaantii sanadkii 1400 ee Miilaadiyada ayey Soomaaliya macaamil la gashay Imbiraadooriyaddi Shiinaha oo jirtay inta u dhaxaysay sanadihii 1402 ilaa 1425.

Imbiraadooriyaddaas waxaa madax u ahaan jiray Manji Lou, wuxuuna Xeebaha Afrika u soo diray sarkaal la oran jiray Shanji Hou.
Sarkaas ay soo dirtay Imbilaadooriyaddii Shiinaha wuxuu u yimid Xeebaha Afrika in shacabkeedu hoos yimaadaan isla markaana ay canshuur ka uruuriyaan.

Shanji Hou meelihii uu Soomaaliya ka booqday waxaa ka mid ahaa dhulalka Puntland, Muqdisho, Baraawe iyo deegaanada Jubbooyinka.
Sarkaalkaas la oran jiray Shanji Hou wuxuu sheegay in badeecooyinkii Soomaalidu soo saari jiray xilligaas ay ka mid ahaayeen Luubaanta iyo maqaarka Shabeelka.

Wuxuu kaloo sheegay sarkaalkaasi in ciidamada ay lahaayeen Soomaalidu lagu tababari jiray ganitaanka gamuunaha.
Taariikhyahanadu si weyn uga sheekeyn in Soomaalidu xilligaas ay Canshuurta u diiddeen Imbiraadooriyaddii Shiinaha iyo in kale.

Socdaalkii Vasco De Gama Ee Banaadir.
Sanadkii 906-da ee Hijriyada kuna beegneyd sanadkii 1499 Miilaadiyada waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray Amiir la oron jiray Vasco De Gama oo u dhashay dalka Burtaqiiska ee Qaaradda Yurub.

Vasco De Gama wuxuu watay lix Markab oo ahaa nooca shiraaca ku socda, wuxuuna soo gaaray magaalada Muqdisho oo xilligaas ka hor la aasaasay.
Magaalada Muqdisho ka hor inta aan Portaqiisku qabsan waxay ahayd magaalo maamulkeedu hoosyimaado 12 oday dhaqameed, isla markaana lahaa awood aad u ballaaran.

Sanadkii 925-kii Hijriyada kuna beegneyd sanadkii 1506-dii Miilaadiyada ayaa niman la kala oron jiray. Lourenco Ravasco iyo Albouquerque ay isku dayeen in ay xukunkii Burtaqiiska kala wareegaan magaalada Muqdisho isla markaana gacanta ku dhigaan.
Isku daygii labadaasi nin wuxuu fashilmay kumana guuleysan hamigoodii ahaa qabsashada Muqdisho.

Isla sanadkaas waxaa ku soo qulqulayey Xeebaha Afrika gaar ahaan Bariga Maraakiib waaweyn oo uu lahaa dalka Purtaqiiska, kuwaas oo uu horkacayey sarkaal la oron jiray Raakunhaa.

Maraakiibtaas ku soo qul qulayey Xeebaha bariga Afrika ee uu lahaa Burtaqiisku waxay ku soo xiranayeen magaalooyinka Muqdisho iyo Baraawe, iyadoo nasiibka magaalada Baraawana uu noqday in Burtaqiisku qabsadaa dabadeedna bililiqo kula kacaan.

Soomaaliya ayaa xilligaas waxaa sii kordhay istiraatijiyadeeda, iyadoo noqotay goob aad muhiim ugu ah awoodihii ku tartamayey gumeysiga Afrikaanka.

Gabagabada Xukunkii Burtaqiiska Ee Soomaaliya
Sanadkii 1076-dii Hijriyada ayuu dhamaaday xukunkii Burtaqiiska ee maamulayey deegaano ka tirsan dalka Soomaaliya, kaasoo qaatayna muddo sanado ah.

Xukunkii Burtaqiiska ee Soomaaliya waxaa baabi?iyey ciidamo uu watay Amiir la oran jiray Saalim Al-Saarimi oo ka yimid dhinaca Saldanadda Cumaan ee Carbeed.

Amiirkaas Cumaaniga ahaa wuxuu watay ciidamo aad u fara badan, wuxuuna ku wareegay inta badan dhulalka Afrika, isagoo ku guuleystay in dhammaan gumeystayaashii Burtaqiiska uu ka eryo Muqdisho iyo hareeraheeda.
Amiir Saalim ka hor inta aanuu Burtaqiiska ka eryin Soomaaliya wuxuu la galay dagaal adag oo socday muddo dheer, taariikhyahanada qaarna ku sheegeen 50 sano.

Amiir Saalim markii uu gacanta ku dhigay magaalada Muqdisho ayuu qabiil kasta u sameeyey nin u taliya oo ka mid ah odayaashooda.
Amiirkaasi kaddib markii uu hagaajiyey qaabka ay isu xukumayaan Soomaalida, isla markaana uu u dhisay ciidamo ay leeyihiin ayuu dib ugu laabtay saldannadda Cumaan isagoo aad u faraxsan.

Boqorkii xilligaa ka taliyey dalka Cumaan ayuu uga warbixiyey wixii dhexmaray iyaga iyo Burtaqiiska isagoo u sheegay in uu Burtaqiiskii ka soo saaray Muqdisho, dadkii deganaana uu ka dulqaaday duligii Burtaqiiska ayna yihiin dad madaxbannaan, una mahad celinaya Boqortooyada Saldanadda Cumaan.

Xukunkii Boqor Muthafar Ee Muqdisho
Sanadkii 1076-dii Hijriyada markii uu gaba gaboobay xukunkii Burtaqiiska ee Xeebaha Soomaaliya, isla markaana uu Amiir Saalim-kii Burtaqiiska ka saaray Soomaaliya dib ugu laabtay dalkiisii Cumaan ayaa waxaa xukunka deegaanadaan xeebaha ah la wareegay Boqor la oron jiray Muthafir.

Boqorkaasi wuxuu wasiir u magacaabay nin la oron jiray Cusmaan Xaaji Cali, wuxuuna Boqorkani ku dadaalay in uu hormariyo dhismooyinka Muqdisho isagoo deegaanka Shangaani ka dhisay guryo fara badan oo Dhagax ah.

Mar dambe ayaa Boqorkaas oo Carab ahaa waxaa ka soo horjeestay qaar ka mid ah qabaa?ilada Soomaalida iyagoo dagaal la galay ciidamadiisii, kuna guuleystay in ay ridaan xukunkiisii, waxayna markaas hoggaamiye u doorteen nin la oron jiray Imaam Cumar Hilowle.

Xukuumaddii Ujuuraan
Sanadkii 1085-tii Hijriyada waxaa deegaanada Luuq ilaa Hubyo xukumayey nin loo yaqaanay Ujuuraan magaciisana lagu sheegay Imaam Ciise, wuxuuna ninkani ka talinayey laga soo bilaabo Luuq, Baardheere, Baraawe, Shabeelooyinka oo dhan ilaa Hobyo oo Gobolka Muduga ah.

Xukumahaas loo yaqaanay Ujuuraan waxaa fadhi u ahaa goob ka tirsan Shabeelooyinka, balse ciidamadiisa oo fara badnaa ayaa ku firirsanaa deegaano fara badan oo Banaadir-na ay ka mid tahay.
Ciidamada ka amar qaadanayey xukumahaas waxay ku kaceen kali talinimo iyagoo dhib u geystay dadkii ay xukumayeen, waxaana mar dambe ku yimid daciiftinimo.

Ciidamadii ka amar qaadanayey xukumahaas Ujuuraan waxaa dagaal la galay qaar ka tirsan dadkii daganaa meelo ka mid ah goobihii ay ka talinayeen, waxaana dagaaladaas mid ka mid ah ka dhacay halka loo yaqaano Ceel-Cowl oo u dhaxaysa degmada Ceel-Dheer iyo Masagawaa oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Dagaalkaasi wuxuu dhacay sanadkii 1097-dii Hiriyada, waxaana Ceelkaas lagu magacaabo Ceel-Cowl lagu dilay xukumihii Ujuuraanka.

Xilligii uu talinayey ninkaas loo aqoon jiray Ujuuraan waxaa si weyn loo camiray magaalada Merka ee Gobolka Shabeelaha Hoose, wuxuuna xukumahaan Ujuuraanka ahi ku ku abtirsanayay sida Taariikh-yahanada qaar sheegeen Amiir la oron jiray C/kariin Al-Haaddi oo ka mid ahaa Amiiradii dowladdii Cabaasiyiinta, kaasoo Masar ka soo haajiray sanadkii 672.

Suldaankii Hiraab
Sanadkii 1097-dii ayaa markii laga adkaaday ciidamadii xaakimkii Ujuuraan ayaa waxaa xukunka la wareegay Suldaan Hiraab ahaa oo la oron jiray Imaam Max?ed Imaam Axmed.

Sanadkii 1112-dii Hijriyada ayaa waxaa Xeebaha Muqdisho soo gaaray 7 Markab oo ay lahaayeen Burtaqiiska iyagoo doonayey in ay mar kale qabsadaan Muqdisho, waxayna 11 maalmood taagnaayeen Marsada Muqdisho, waxaana loola dagaalamay qaab la yaab leh oo dadka qaar aanay rumaysan karin.

Sida uu sheegay Shariif Cayduruus oo wax ka qoray taariikhda Soomaalidii hore markii Maraakiibtaasi Xeebaha Muqdisho soo gaareen ayaa waxaa wadatashi isugu yimid Culimadii daganaa Shangaani iyo Xamarweyne, waxaana loo saaray todobo Sheekh, iyagoo qoray todobo Xersi, dabadeedna la soo qabtay todobo Tuke oo mid kasta oo ka mid ah hal Xersi qoorta looga xiray, dabadeedna ay ula duuleen dhinaca Maraakiibtii todobada ahayd, waxaana dhacday in mid walba markabkii uu ka kor degtay uu quuso.


Dowladdii Barqash Ee Banaadir
Sanadkii 1284-tii Hijriyada ayaa oday dhaqameed la oron jiray Muuse Xuseen oo Biyo-maal ahaa wuxuu fariin qoraal ah u diray Boqor Carbeed oo la oron jiray Saciid Bin Maajid, kana mid ahaa salaadiintii eer Aala Barqash wuxuuna warqaddaasi ugu dhiibay nin la oron jiray Cusmaan Laamow oo reer Baa Muqtaar ahaa (Reer Xeebeed).
Warqadda uu odaygaasi u diray Boqor Saciid ayuu kaga dalbaday in uu soo diro ciidamo xoog leh oo ilaaliya magaalada Merka iyo deegaanada hoos yimaada.

Suldaan Saciid Bin Maajid wuxuu soo diray ciidamadii uu ka dalbaday Muuse Xuseen, wuxuuna Suldaan Saciid ahaa ninkii Saldanaddii cumaaniyiinta u wareejiyey Jasiiradda Sansibaar.

Xilligaas waxaa magaalada Muqdisho ku wareegsanaa darbi ka xiga dhinacyada oo dhan marka laga reebo dhanka Koonfureed, waxayna lahayd magaaladu dhowr irdood oo laga soo galo oo irid kastaahi ay magac lahayd.

Waxay magaaladu kala lahayd Xuduuddo u kala cayiman qabaa?iladii u soo safri jiray, iyadoo qabiil kasta uu lahaa irid uu ka soo galo iyo meel uusan dhaafi Karin.

Marka qabaa?iladu ay ka imaanayaan baadiyaha ee ay soo galayaan magaalada Muqdisho waxay hubkooda dhigi jireen bannaanka iridda ay ka soo galayaan, waxayna gudaha u soo gudbi jireen iyagoo sacabooleey ah, kaasoo ahaa qaanuun uu ku soo rogay magaalada Muqdisho xaakimkii Barqash.

Albaabada goobaha Ganacsiga ee xilligaa Muqdisho ku yiilay waxay ka sameysnaayeen shub adag, lagamana sameyn jirin bir ama Al-waax, taasoo xukuumaddii Barqash ay ku macneysay in ay si weyn uga murgayaan Ammaanka hantida dadweynaha iyo deganaanta dalka.

Waxaa magaalada Muqdisho dadku lacag ahaan u isticmaali jireen waqtigii xukuumaddii Barqash lacag la oron jiray Beeso, waxaana lagu sarrifi jiray Riyaalki ay isticmaali jireen Faransiiska.

Xilligii xukuumaddii Barqash waxaa Muqdisho Suuq Xoolo u ahaa deegaanada Shangaani iyo Xamarweyne, waxaana Suuqaas lagu kala iibsan jiray Ariga, Lo?da iyo Geella, wuxuuna balaciisa ku fadhiyey deegaanada Shangaani iyo Xamarweyne, isagoo soo gaaray xilligii xukuumaddii hore ee Talyaaniga.


Sanadkii 1289-kii ayey ciidamadii Xukuumaddii Barqash ka dhiseen Qalcad weyn agagaarka mgaalada Merka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasoo weli laga dareemayo muuqaalkeeda.
Read More

Barnaamijka da,yarta sportga


waxaan manta barnaamijkaan ku ee geynaa da,yarta kooxda kubada cagta Liverpool  Tababaraha Liverpool Wuxuu Maalintii ugu horaysay ee shaqada Liverpool uu la wareegay ayaa Jurgen Klopp lagu sawiray isaga oo booqday xarunta da’yarta Liverpool,
waxayna calaamad u ahayd qaabka maamulkiisu ay ula dhaqmi doonaan kooxahakala hooseeya ee da’yarta Liverpool.
Klopp ayaa soo daawaday maalintii shaqada Liverpool ugu horaysay kooxda da’yarta Liverpool ee U18 oo ku ciyaarayay xarunta Kirkby oo 5 mile u jirta xarunta tababarka kooxdakowaad ee Melwood.

Klopp oo ah tababare jecel in uu ciyaartoyda da’yarta ah fursad siiyo isla markaana ah dhiiri galiye wayn ayaa tan iyo markii uu Liverpool la wareegay kooxda kowaad fursad ka siiyay ciyaartoy.
Klopp ayaa sida caadada ah  falsafadiisaa ku dhisantahay soo sarida da,yarta hamiga sare leh ku waasoo meelo wacan kagaaro kubada cagta.
 wuxuuna sidoo kale sameeyayqorshe ay ciyaartoyda kowaad  ku booqdaan carruurta ku jirta xarumaha da’yarta Liverpool iyada la xusuusto Philippe Coutinho, Mario Balotelli iyo Joe Allen ay carruurta kala qayb galeen xarumahooda tababarka.
Ciyaartoyda da’yarta ee Liverpool ayaa ogaaday in ay haystaan tababare kooxda kowaad jooga oo niyad fiican u haya in ay horumar sameeyaan isla markaana ay fursad ka heli doonaan marka ay u qalmaan. Klopp ayaa kulamada tartamada maxaliga ah fursad siiya ciyaartoyda da’yarta ah taas oo qayb wayn ku leh horumarka ay samaynayaan.

Ben Woodburn ayaa noqday ciyaartoygii da’yarta ahaa ee ugu danbeeyay ee uu Klopp fursad siiyay kaas oo kulankiisii ugu horeeyay ku noqday ciyaartoygii abid uguda’da yaraa ee Liverpool  gool rasmi ah uga dhaliyay wuxuuna jabiyay rekoodhkii Michel  Owen iyada oo Ben Woodburn uu kulankii Leeds gool dhaliyay isaga oo jiray 17 sano iyo 45 maalmood.



Ma ogtahy dhageyte
Marki U klop u Kursika Keyda ugu yeeray Lacibka Mario Gotsa In ay da.disa aheed 17 kaaas oo dhalaiyay Goolki World cupka Germony ku Qaday..arintaan waxay la micna Tahy Ben Woodburn asiga 17jir waxa indhaha Calamka Tusay Klop ...
Aqriste  Makula Tahay Ben Woodburn inuu qadi karo Wadadii Gotsa mase mid ka si ficaan?

Read More

Sheeko Xikmad leh



Waxaa jirtay sheeko dhexmaray wiil dhalinyaro ah oo seef la bood ah iyo macalinkiisa oo ahaa nin xikmad badan: Macalinka wuxuu amray wiilka in uu keeno koob ay nus cusbo iyo nus biyo isku qasan ah ay ku jiraan,dabadeedna uu cabbo.
Wiilkii markuu hal mar kabaday ayuu yiri macalin lama cabbi karo dhanaanka awgeed. Macalinka wuxuu kaloo amray in isla koobkii cusbada ku jirtay uu ku daro Webi meesha ku yiilay, islamarkiina webiga biyo kasoo darsado hadana cabbo.
Macalinka ayaa wiilka weydiiyay dhadhanka biyuhuu soo darsaday. Wiilkii wuxuu ku jawaabay, “aad buu u macaan yahay, dhadhan cusbo luguma arko.
Macalinka ayaa wiilkii ku yiri: “Wiilkaygiyoow, maxaa kaa dhigay Koob, oo maxaad Webi u noqon weyday”
.
Wiilkii dhalinyarada ahaa waa fahmay xikmadda meesha ku jirtay. Marka waxaan leenahay dhalinyarada Soomaaliyeed koob ha noqonina ee webi noqda.
Waxaan kaloo ku boorinaynaa dhalinyarada in ay bartaan raadiyaanna oraahyada dhaxalgalka ah ee awoowayaashena Soomaaliyeed inoo reebeen sida maahmaahyada, gabayada IWM.
Reer galbeedka ayaa waxay dhahaan “A country can be judged by the quality of its proverbs”.
Taasoo micnaheedu yahay ‘’Wadan waxaa lugu gartaa tayada maahmaahyadiisa. Soomaaliyana waxay ku jirtaa, wadamada ugu maahmaahyada fiican.
Jiilka maanta waa Jaraa,idka birito.
By : Aamusane Cabdi

Read More

Taariikh ku saabsan siduu ku baxay magaca muqdisho


Mujtamaca Soomaalida oo Bariga Afrika ku noolaa muddo badan wuxuu soo maray taariikho kala duduwan iyo qowmiyado ku kala horreeyey deegaanka.

Waxaan maanta si faahfaahsan u xusi doonaa taariikhdaan oo inta badan aan ka soo qaadaneyno buug uu qoray nin lagu magacaabo Shariif Caydaruus Cali Abuubakar, ninkaasoo si fiican ugu faahfaahiyey waxa ay ahayd Soomaalidii hore.


waxaana maalinba idiin soo qaadi doonaa meel xiiso leh. Haddii aan ka bilowno Muqdishooyin?, magaalooyinkaan halka magac leh markii loogu yeeri jiray sidaan waxay ahayd xilli qadiim ah waxaan magaalooyinkaas ku kulmi jireen amaba deganaan jireen dad ku noolaa deegaanadaan iyo kuwo ku imaan jiray safar xagga Badda ah oo ganacsi u badnaa.

Muqdishooyin oo dadka Carabta ahi ugu yeeri jireen Maqaadiish waxaa laysku oran jiray magaalooyinka Muqdisho, Merka, Baraawe, Cadale iyo War-shiikh.
Sida uu xusayo Buugga Bugyatul-aamaal Fii Taarikhi-Soomaal, mararka qaar magaalooyinkaan marka laysku geeyo ayey dadku u aqoon jireen Banaadir iyadoo Caasimadda Muqdisho gaar loo oran jiray,

Waayadaas dadka ku noolaa magaalooyin Xeebeedkaan waxay ahaayeen dad xagga Ganacsiga ku fiican oo ay caado u ahayd marka ay safraan haddii ay arkaan meel deegaanka ku haboon aysan dib ugu laaban halkii ay ka soo safreen oo halkaas deegaan guryeed hor leh ka sameystaan, taasoo badisay deegaanka dadeysan ama la degan yahay ee dhulka Soomaalida.


Sidee Ku Baxay Magaca Muqdisho?
Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadda Soomaaliya kuna taala Xeebta Badweynta Hindiya waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu da,da weyn dalka Soomaaliya iyo weliba magaalooyinka dunida. Taariikhyahanadu waxay sheegaan in magaca Muqdisho uu ka yimid amaba loogu magac darray Maqcaddu shaah oo macnaheedu yahay goobta uu fariisto Boqorka cajabiga ah ee aan Carabka ahayn.

Markii uu caan noqday Makaanu fadhiga loogu magac darray Caasimada ayey qubaro Carab ahi soo gaabiyeen labada eray ee is garab yaal ee Maqcad iyo Shaah oo ay ka soo dhigeen Muqdisho.

Erayga Maqcad ayaa waxaa laga jaray xarafka caynka, markaas ayaa la isi saaray kalimadaha Maqad iyo Shaah, markaas ayayEraydii noqdeen Maqad-shaah,
iyadoo haddana xarafka Alif ee ku jira Shaah marka uu Carabi ahaan u qoran yahay loo beddelay Waaw ama W, markaasoo uu magacii noqday Muqdishoh,

intaas kaddib dadka qaar kuwana sidaan ayey u adeegsan jireen,halka kuwa kalana xarafka ?H? ayey tuureen oo ay yiraahdeen (Muqdisho) oo ah sida loo badan yahay haddana inta badan la isticmaalo.

 Taariikhdaas fog waxay dadka qaar qabeen in magaca Muqdishoh uu asal ahaan ka yimid goobtii Xoolaha lagu kala gadanaayey, waxayna dadkii wax qori jiray ee xilligaas inta badan adeegsan jireen  dhawaaqitaanka ah (Muqdishoh).

. Dhammadkii Qarnigii 15-aad mar Bortaqiisku ay qabsadeen Xeebaha Bariga Afrika ayey iyaguna ugu yeereen magaca magaaladaan ?Mogadixo? oo dhawaaq ahaan ay Carabiga is shabahaan maadaama xarafka X afafka Bortaqiiska iyo Spanish-ka uu ku yahay xagga dhawaqa Sh..

Magaalada Muqdisho oo aan horey u soo sheegnay inay ka mid tahay magaalooyinka ugu da?da weyn dunida waxay leedahay xaafado fara badan oo laakiin taariikhda aasaaskoodu uu kula dambeeyey.

Xaafadaha Muqdisho waxaa ugu horreeyey uguna da,weyn Xamarweyne oo hadda degmo ah, waxaana ku soo xigay xaafaddii Shangaani oo imminka iyaduna degmokale ah, xaafadaha kale ee Muqdishana wey ka dambeeyaan labadaan qadiimka ah.












Aamusane Cabdi
Read More

taariikh ku saabsan sidey ku baxeen xamar weyne iyo Shangaani

Sidee ku baxay magaca Xamarweyne?
 taariikh-yahanadu waxey sheegaan in Xamarweyne waqtiyadii hore laysku oran jiray laga soo bilaabo duleedka degmada Karaan ilaa Xeebta Xamar-yare oo hadda loo yaqaano Xamar-jajab.
Shariif Caydaruus oo ka mid ah Taariikhyahanadii Soomaaliya wax ka qoray waxa uu sheegay in magaca Xamarweyne uu baxay kaddib markii halka hadda loo yaqaano uu soo gaaray nin Lug ka hitinaya oo watay hal gaduudan, isla markaana ay Haweeeneydiisu ku hoggaamneysay.

Markii uu soo gaaray goobtii horey loo oron jiray Mal-mala oo ku taalay meel ku dhow Masaajidka Arbaca-rukun ayuu joogsaday, wuxuuna ka degay Hashii xilli Salaaddii maqrib ay soo dhaweyd si ay u tukadaan isaga iyo haweenaydiisu, iyagoo weyso qaadanaya ayaa waxaa u yimid afar qofood oo safar ah, salaan ayeyna is dhaafsadeen.

Markii ay isla tukadeen kaddib ayaa afartii qof ee ninka Hasha-watay u yimid waxa ay ka codsadeen in uu marti qaado, wuxuuna u sheegay in isaguba uu yahay qof safar ku ah meesha oo aanuu deganeyn, haddana wuxuu ka aqbalay inuu habeenkaas noqdo sida nin meesha degan oo uu marti qaado dadkaas safarka ah uuna u gowraco Hashii kaliya ee uu gaadiid ahaan u watay.

Hashii ayaa la gowracay, hilibkeedii ayaana habeenkaas la waday cunay, xilligii hurdada ayaa kuwii martida ahaa waxay ka codsadeen martiqaadihii in uu u keeno maqaarka Hasha oo uu agtooda ku soo fidiyo, wuuna ka aqbalay.

Martiqaadihii iyo Haweeneydiisii meel ayey wada jiifteen, kuwii ay marti qaadeena meel kale ayey jiifteen, Salaadda subax ayaana la waday kacay, waana la wada dukaday, wax yar kaddib ayuu ninkii diray haweeneydisii, isagoo ku amray inay soo eegto xaaladda dadkii martida ahaa, markii ay meesha tagtay weyba maqan yihiin, waxaana meeshii yaala Maqaarkii oo ay ku jiraan jajab dahab ah.

Haweeneydii wey soo laabatay, ninkeedii ayeyna arrinta u sheegtay, markaas ayey dahabkii qaateen iyagoo bilaabay aas-aas deegaaneed cusub kaasoo markii dambe noqday mid aad u camiran looguna magac daray Xamarweyne ka dib markii dad badaini soo degeen.

Magaca Xamarweyne ayaa waxa uu kakoban yahay labo eray oo midkood yahay Carabi, midka kalana yahay Soomaali, kuwaasoo kala ah (Xamra) oo loola jeedo Hashii gaduudneyd iyo (Weyn) oo loola jeeday maqaarkii weynaa ee Dahabka faraha badan laga dhex helay laguna dhisay deegaankaan weyn ee Xamar-wayne.


Sidee Ku Baxay Magaca Shangaani?
Shangaani waa degmada labaad ee ugu da,da weyn magaalada Muqdisho, waxayna taariikhyahanadu sheegeen in magacaan ay bixiyeen culimadii Neysaaburiyiinta oo ka mid ahaa dadyowgii islaamkaa ahaa ee deegaanadaan soo geli jiray, waxayna magaca bixiyeen markii ay dageen Shangaani oo markaas aan magacaan lahayn.
Magacaan ayey culimadaasi ka keeneen xaafad ka mid ah xaafadaha magaalada Neysaabuur oo ay iyagu ka yimaadeen, isla markaana la dhihi jiray mid ka mid ah xaafadaheeda Shangaani.

Qaar kale oo ka tirsan taariikhyahanada ayaa sheegay taa mid ka beddelan iyagoo ku doodday in magaca Shangaani uu ka yimid buur ku dhaweed Badda oo meel ka mid ahi intey dilaacday ay ka soo gudbi jireen biyaha Badda, iyadoo meeshaas ay dadku dharka ku meran jireen kuna qubeysan jireen,kadibna  magaca Shangaanina halkaas uu kasoo ifbaxay.

Buurtaan ay sheegeen in magaca shangaani uu ka yimid ayey tilmaameen in magaalada Muqdisho ay  xoogaa ka fogeyd oo ay ku taalay meel saacad iyo bar looga luggooyo Muqdisho.

Yey Ahaayeen Dadkii Ugu Horeeyey Ee Muqdisho Daga?
Waxay sheegeen taariikh-yahanadu in dadkii ugu horreeyey ee dega magaalada Muqdisho ay ahaayeen dad Carab ah oo ka yimid Jasiiratul-Carab.
Waxay sheegayaan taariikhyahanadu in dadka Carabta ahi ay Muqdisho soo dageen 2055 sano ka hor, taasoo noqoneysa xilli ka horreeya dhalashadii Nebi Ciise Calayhi Salaam.

Dadka xilligaas soo degay Muqdisho inkastoo lagu tilmaamay Carab haddana waxaa la sheegaa in ay midab ahaan kala duwanaayeen oo qaarkood cadcaddaayeen, halka qaarkalana ay maariin ahaayeen, iyadoo ay jireen qaar kale oo leh midabo kuwaasi ka duwan balse ka agdhow.
Read More

sidee loo qariyaa icon nada computer kaga loona muujiyaa

Read More

Maxàa kataqaanaa taariikh nololeedkii general Maxamed Cali Samatar??

Maxàa kataqaanaa taariikh nololeedkii general Maxamed Cali Samatar??

S/guuto Maxamed Cali Samatar waxuu Ku dhashay tuulada yoontooy ee udhaw degmada kismaayo ee gobolka J/hoose sanadku markuu ahaa 19931dii,
Waxuuna yaraantiisa Ku barbaaray miyiga.
Aabihii Cali Samatar waxuu geeryooday isagoo 6bilood jira, halka hooydii ay geeryootay horaantii 1980maadkii.
Waxuu dugsi qur,aanka dhameeyay asagoo 17jir ah.
Kadibna waxuu turjubaan u noqday shaqaalihii beraleyda talyaaniga u shaqeynayay.

Sanadka markuu ahaa 1948dii waxuu kubiiray ururkii gobonimo doonka ahaa ee S Y L waxuuna kujiray xubnihii uqaabilsanee gobolka J/hoose

Sanadkii 1949kii waxuu u soo wareegay magaalada muqdisho .
Waxuuna bishii November Ku biiray askartii la oranjiray xisaanleey ,waxuuna kamid noqday qeebtii madaafiicda.

Waxbarashadiisa dugsiga hoose dhexe waxuu dhamerstay intii uu ku jiray askarta, waxuuna aliftii ugu horeysay qaatay1952dii , waxuuna kamid ahaa askar oo si gaar ah isha ugu heenjiray gumeystihii madama uu xariir lalahaa dhaqdhaqaaqii gobonimo doonka ahaa.

2dii August 1952 waxaa marqura xabsiga loo taxaabay M C Samatar & cutubkii uu katirsanaa kadib markii ay rabshado kadheceen kismaayo, waxeyna gumestii ka baqayeen inuu kulugleeyahay madama uu xariir dhaw lalahaa S Y L

M C samatar waxaa sigaar ah looga cabsi qabay inuu gudbiyo sirtii&mu,amaradihii gumeystaha una gudbiyo ururkii dhalinyarada ee S Y L

1952dii tacliintiisa her sare ayay gaartay waxuuna kuguuleestay imtixaan sarkaalnimo waxuuna kamid noqday saraakiil loo dirayay dalka talyaaniga sanadii 1954tii kuliyada "Cession Di Roma".

1956dii waxaa u soo dhamaaday tababar kii waxuuna lagu siiyay xidigtiisii ugu horeysay , tababarkaan oo loo diray 14 sarkaal waxuuna noqday ninka kowaad wuxuuna koox daas unoqday horjooge.

Markii ay ka soo noqdeen tababarkii military,waxuu kamid noqday ciidankii booliska dalka.
Mudo kadib waxaa lagu daray ciidamo lagu tababaray dugsiga sare ee booliska ee muqdisho waxuuna qaatay 6bilood oo tababar ah
Kadidna waxaa lagu daray ciidankii booliska gobolka banaadir waxaana taliye u ahaa Allaha u naxariistee G M S barre halkaas ey xariir soke kuyeesheen.

1957dii M C Samatar waxaa loo badalay in uu taliye ka noqdo S/booliska ee Baraawe, Golweyn, Janaale 1958dii waxaa loo soo badalay xafiiska maamulka booliska "personal office" we xarunta dhexe isagoo 2xidigle ah
Sidoo kalane waxuu kamid noqday xubnihii aas aasay çiidamadii xooga dalka soomaliyeed.

1960kii markii lafuray digsiga xalane isagoo sadax xidiglaa waxuu noqday taliye kuxigeenka dugsiga xalane.

1962dii M C Samatar waxuu ka shaqeynayay xafiiska maamulka xaruntiisa dhexe ee xooga dalka soomaaliyeed mudo labor sanadood ah

1964tii dagaalkii dhaxmaray soomaaliya&ithobia waxuu abaan duule ka ahaa qeybtii waqooyi halkaas oo lagu gudoon siiyay Samatar bilad geesi,sidoo kalane waxaa lasiiyay bilad maar ah kadib markii uu dhabar jab &dhar baaxo weyn ugeystay ciidamadii cadaowga.

Waxaana loo dalacsiiyay darajada G/dhexe 1965tii waxaa loodiray tababar ciidan dalkii la oranjiray midowgà sofiyeetka USSR mudo laba sanadood ah.

Markii uu dalka dib ugu soo laabtay waxaa madax looga dhigay hogaankii cilmi Batista ee hooshiisana aheed horumarinta technologyada dalka ciidamada isagoo fulinayo barnaamij LA Oran jiray spiritual preparation.

21kii October 1969kii G/dhexe m c samatar waxuu ka mid ahaa saraakiishii talada dalka kula wareegay inqilaabkii San dhiiqa Ku daadan oo uu hogaaminayay madax weynihii xukuumadii kacaanka aheed .

12kii july 1970kii waxaa loo doortay inuu noqdo tiliyihii ciidanka xooga dalka soomaaliyeed

samatar waxuu udalacay darajada S/guuto.
Sanadii xigtana1971dii waxaa loo maga caabay wasiirkii wasaarada gaashaan dhiga jamuuriyada soomaaliyed

Maxamed Cali Samatar waxaa lagu amaanaa dadaalkii uu kasameeyay ciidamada dhaxdooda waxuuna soon saaray askar ubisil soomaalinimo, lehna aqoon,xirfad&moral adag oo bit ah
Tàas oo suurtagalisay in at kaqeyb qaataan askarta horumarinta dalka.

M C Samatar 1973dii waxuu udalacay darajada S/Gaas .
Sanadkii kuxigane waxuu noqday gudoomiyihii golaha sare ee kacaanka uqaabil saanaa dhinaca nabad galyada.

12kii July 1976dii waxuu udalacay S/Guud waxuuna xubin kanoqday golihii dhaxe we xisbiga hantiwadaagga kacaañka soomaaliyeed Anna madaxweyne kuxigeenkii 1aad J/Soomaaliya Anna wasiirki wasaaradara gaashaandhiga we jamhuuriyadda dimuquraadiga soomaaliyeed.

1977dii S/guud Maxamed Cali Samatar waxuu ahaa ninkii ugu darajada sareeyay ee hogaaminayay dagaalkii ciidamada Xooga dalka soomaliya ee dagaalka lagalay ciidamada dowlada itoobiya
Waxeyna ciidamada xooga dalaka soomaaliya u soo hoyeen guulo waa wayn oo lataaban karo wax Ku oolna leh.

5tii February 1987dii waxaa loo maga caabay ra,iisul wasaarihii ugu horeeyay ee yeelato dowladii kacaan ka aheed waxuuna dalka kadhisay 4 xukuumadood intii udhaxeesay 5/2/1987dii ilaa 1da bishii September 1990kii

Samatar waxuu xilka Ku wareejiyay
Ra,iisul wasaare Maxamed Xawadle Madar 26kii bishii janaayo 1991kii waxaa lariday dowladii ugu waqtiga dheereed ee soomarta dalka soomaaliya

Kadib dagaaladii sokeeye m c samatar waxuu aaday dowlada talyaaniga waxuuna kasii aaday dalka mareekanka Virginia halkaas oo uu Ku geeryooday August 20dii 2016 waxaana eebe uga baryeenaa inuu janadiisa galiyo.
waxaana  aas qaran loogu sameeyay magaalada muqdisho  waxaana lagu aasay xarunta gaashaan dhiga
                                Shaafici Cabdi. Cali
                               Aamusane Cabdi Cali


Read More

sidee kur ugu qaadikartaa computer kaga xawaa rihiisa adigoo si ticmaale...

Read More

Side loo sameeyaa warqad xayey siin ah

Side loo sameeyaa  warqad xayey siin ah


Side loo sameeyaa  warqad xayey siin ah  hadaba  manta  waxaan ku tusinayaa sidii aad u sameen laheed 





Waxaan kugu tusinayaa  manta video gan   in sha allah  kabogo sha wacan  aqiyaareey
Read More

Taariikh kooban oo kusabsan madaxweyne C/rashiid Cali Sharmaarke

Taariikh kooban oo kusabsan  madaxweyne  C/rashiid Cali Sharmaarke
Hadii aan   dhahno waxaan kahad leenaa  taariikhda  madaxweynahii hore ee C/rashiid Cali Sharmaarke  ma,aha mid la soo koobi karo balse waxaan ka tilmaameenaa  meelaha ugu   muhiimsan.
Allaha u naxariistee C/rashiid Cali sharmaarke waxuu ahaa madaweynihii labaad ee soomaaliya
Madaxweyne C/rashiid Cali Sharmaarke  waxuu talada dalka hayay intii udhaxeysay 10kii juun 1967 ilaa 15 octoober 1969




Dhalasho
Madaxweyne C/rashiid Cali Sharmaarke Waxuu dhashay sanaku markuu ahaa 1919kii , waxuuna kudhashay  Gobalka mudug  dagmada xaradheere
Waxbarashadiisii
Madaxweyne C/rashiid Cali Sharmaarke  waxuu Dugsi quranka dhameeyay sanadku markuu ahaa 1936dii,  Waxuuna dugsiga sare dhameeyay  sanadku markuu ahaa 1953dii ,
Madaxweyne C/rashiid Cali Sharmaarke Waxuu course scholarship  ah kahelay dowlada Talyaaniga  gaar ahaan   jaamacada    University of Rome {La sapienza } halkaas uu ku qalin jabiyay sanadku markey aheed 1958dii
Shaqooyinkii  uu soo qabtay
Waxuu soo noqday  ganacsade  kadina  waxuu noqday shaqaale ka shaqeeya civil servant  ee Maamulkii  Talyaaniga,
Waxuuna kamidnoqday ururkii la oranjiray : Somali youth league  [S Y L]   waxyar kadib markii la asaasay sanadkii 1943di waxuu kubiiray maamulkii Engiriiska ee Somali British administration civil service .
Madaxweyne C/rashiid Cali Sharmaarke sanadka makii uu ahaa 1959kii waxuu dib ugu soo laabtay Dalka Soomaaliya waxaana loodoortay inuu noqdo xubin katirsa golihii lagu magacaabijiray  :Somali legislative Assembly 
Markii  ay soomaaliya  xornimada heshay  1da luuliyo 1960kii waxaa loodoortay Ra,iisulwasaarihii ugu horeeyay ay  yeelato  jamuuriyada  Soomaaliya  uu madaxweyne ka ahaa : Mudane Aadan Cabdule  Cusmaan  [Aadan Cade] EEBE ha unaxariistee
Waxuune  dalka re,iisulwasaare ka ahaa intii u dhaxeysay 1960kii ilaa 1964tii,kadibna waxuu noqday xubin ka tirsan baarlamaanikii dalka  ee xiligaas
Sanadkii 1967dii doorashadii   ka dhacay dalka Soomaaliya waxaa loo doortay in uu noqdo madaxweynaha dalka  kabid marii uu kaga guuleystay   madaxweynihii  xiligaas mudane Aadan cabdule  cusmaan  oo ahaa madaxweynihii ugu horeeyay ee dalka soomaaliya
Madaxweyne C/rashiid Cali Sharmaarke  waxuu sidaas ku noqday  madaxweynihii  2aad ee jamuuriyada  soomaaliya
Dhimashadiisii
Madaxweyne C/rashiid Cali Sharmaarke    kadib laba sano uu talada  dalka hayay  waxaa ku dhacday  Arin aan illaa hada  lagaraneen  wax lagu tilmaamo .
Taasoo ah in uu toogtay askari katirsan ciidamadii ilaalada ka hayay   taariikhdu markey aheed 15kii October 1969kii asagoo  booqanayo laascaanood halkaas oo abaaro ka jireen

21kii October  wali iyadoo tacsidii tiiraanyada laheed  kajirta dalka  mar qura  waxey ciidamadii qalabka siday ay ku dhawaaqeen in ay talada  dalka la wareegeen  kadib  shir ay qaatenn   waxey ku dhawaaqeen in uu Dalka madaxweyne kayahay  Sareeye gaas Maxamed siyaad barre  oo ahaa taliyihii ciidamada xooga dalka soomaaliyeed  oo ilaa hada aan sugeyno dowlad  badalkeeda noogasho.

 


 


Waxaa  qoray: Shaafici Cabdi Cali [Aamusane]
WWW.Saqiyare.blogspot.com
Saqiyare24 show
page




Read More

FIFA OO HAMBALYOO USOO DIRTAY MAAMUL GOBALEED KA PUNTLAND

Xiriirka  kubadda cagta Aduunka ee looyaqaan FIFA ayaa hambalyo usoo diray maamul gobaleedka  Puntland  kadib markii ay ku guuleesteen  koobkii  maamul gobaleedyada  dalka Soomaaliya ,



FIFA ayaa  ku cadeesay bogeda twitter  ka war  rasmi ah ay ku sheegeen  in ay ugu hambal yeenayaan guusha lama filaanka ah ay ka gaareen dhigooda  jubbaland  guul 5:3 rigoorayaal ah .






Ciyaartowda puntland  ayaa sidaas waxey  ku heleen  sumcad ay heli waayeen ciyaartoowda u ciyaarta xulka  qaranka  .
Read More

Diyaarada Dunida ugu weyn ee ku duuuli karta Bari iyo Biyo oo lasoo saaray!!

Dowlada Shiinaha ayaa ugu dambeyn ku guuleesatay in ay sameesato Diyaarada ugu weyn Dunida ee barri iyo biyo intaba kuwada duuli karta, waxaana Sameynta diyaardaasi ay socotay mudo ku dhaw sideed sano .


Diyaaradan ayaa lagu sameeyay Warshad Diyaaradaha sameysa oo kutaala Magaalada Zhuhai ee katirsan gobolka Guangdong, waxaana diyaaradan cusub ee hada lasoo saaray loogu magac daray AG600.

Sida ay sheegeen Injineerada sameeyay Diyaaradan cusub ayaa culeeskeeda waxa uu noqonayaa 53 tan, waana diyaarad weyn oo qiyaas ahaan la eg Diyaaradaha loo yaqaan Boeing 737, waxaana diyaaradan noqotay mid si weyn loo hadal hayo.

Diyaaradan oo la sheegay in ay ku duuli karto Barri iyo biyo ayaa tijaabo lagu sameeyay noqotay mid lagu guuleestay, waxaana markii ugu horeesay diyaaradan kumanaan killo mitir ku duushay tijaabadii ugu horeesay oo lagu sameeyay.

Aamusane cabdi

Read More

Barcelona Oo Saxiixa Kubadsameeye Andre Gomes Ku Garaacday Real Madrid, Chelsea Iyo Juventus

Barcelona ayaa ku dhawaaqday inay heshiis la meeldhigtay kooxda Valencia iyadoo kala soo saxiixaneysa xiddiga qadka dhexe ee reer Portugal Andre Gomes
Gomes ayaa laba xilli ciyaareed ku qarash gareeyey horyaalka La Liga ka dib markii ay Valencia kala soo wareegtay kooxda ka dhisan dalkiisa Portugal ee Benfica bishii July 2014kii.

22 sanno jirkaan ayaa ka qeyb ahaa xulkii Portugal ee ku guuleystay Euro 2016 iyagoo finalka tartankaas ku garaacay qaranka France.
Wararku waxay sheegayaan inay Barcelona adduun lacageed dhan 40 milyan oo euros kusoo iibsatay Gomes, kaasoo 30 kulan u saftay kooxdiisa isla markaana u dhaliyey seddax gool horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.
Gomes oo sidoo kale 13 kulan u ciyaaray xulkiisa qaranka Portugal ayaa bartilmaameed u ahaa kooxda ay xifaaltamaan Barcelona ee iyana ka ciyaarta horyaalka La Liga ee Real Madrid, si la mid ah Chelsea iyo Juventus.
Wuxuu noqonayaa saxiixii afaraad ee uu tababare Luis Enrique ka sameeyo suuqa kala iibsiga xagaagaan ka dib Samuel Umtiti, Lucas Digne iyo Denis Suarez. Sidoo kale dhabarjab weyn ayey ku tahay Real Madrid in looga adkaado saxiixa Gomes iyadoo u muuqata inay durba ku guuldarreysatay saxiixa Paul Pogba.
Xiddiga heerka caalami ee dalka France oo ay muddo dheer baadigoobeysay kooxda ka dhisan Santiago Bernabeu, ayaa haatan qarka u saaran inuu heshiis ku kacaya in ka badan 100 milyan oo ginni ugu wareego Manchester United.

 Aamusane Cabdai

Read More

Myay gulaysan doonaan saxiixyada cusub ee kooxda liverpoool

Kooxda Liverpool ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa xidigii kooxda Newcastle United ee Georginio Wijnaldum kaas oo Reds ugu soo biiray heshiis shan sano ah. 25 jirkan ree Holland ee Georginio Wijnaldum ayaa qayb ka noqon doona qorshaha cusub ee Jurgen Klopp ee xili ciyaareedka 2016/17.


Warka ay Liverpool ku cadaysayin ay dhamaystirtay saxiixa Georginio Wijnaldum ayaa lagu yidhi: 
livepool si rasmi ah u cadaysay  saxiixeeda cusub  ee Georginio Wijnaldum inay kalasoo saxiixdeen kooxda newcasle united xidiga reer naderland  

 Markii uu qalinka ku duugay heshiiska shanta sano ah ee uu Liverpool u saxiixay Georginio Wijnaldum ayaa dareenkiisa ka hadlay wuxuuna yidhi: “Xaqiiqdii anigu aad ayaan u faraxsanahay sababtoo ah Liverpool waa koox wayn oo leh taariikh fiican, waxaanan markasta ku riyoonayay in aanu ciyaaro koox u wayn sida Liverpool. Klopp waa nin fiican marka dibada laga joogo, sababtoo ah wali ma ogi sida uu u shaqeeyo waxaana waajib igu ah in aan isaga la shaqeeyo. Laakiin anigu waxaan markasta jecelahay in aan Klopp daawado”.

Georginio Wijnaldum ayaa xili ciyaareedkii hore kooda Newcastle United kaga soo biriay dhinaca kooxda dalkiisa Holland ee PSV Eindhoven last summer, wuxuuna ku soo biiray liiska ciyaartoyda uu Klopp xagaagan la soo saxiixday oo kala ah Loris Karius, Joel Matip, Marko Grujic, Sadio Mane, Ragnar Klavan iyo Alex Manninger .




        Aamusane Cabdi
Read More

horu markii ugu horeysay ee webside ka

alxamdu lilah waxa  horumar lataban akaro gaaray webside  kenna kaasoo  si toos ah  uga dhax muuqda  baraha bulshada

Tani  waa bishii ugu horeysay  saas oo ay tahayna waxa  uu kadhax muuqdaa  social media ha




                                                       Halkaan kan  kadaawo

           


               Aamusane cabdi
Read More

Yaa ku soo dhaweeyay madax weyne obama munasabaadii kadhacday aqalka cad

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama, ayaa aqalka cad ee looga arimiyo dalka Mareykanka kusoo dhaweeyya munaasabad lagu weyneenayay Ciidul Fidrigana ugu sameeyay dad Muslimiin ah oo ka kala yimid gobolada dalka Mareykanka.


Obama ayaa ugu tala galay Munaasabadan in uu dadka Muslimiinta ah ee kunool dalka Mareykanka kula wadaago farxadii munaasabada ciidul Fidriga ee laga soo guday, waxa uuna aqalka Cad ku casuumay Muslimiin kala duwan oo Mareykanka ku nool.




Dadkii ka qeyb galay Munaasabada ka dhacday aqalka Cad waxaa ku jiray wiilal iyo gabdho Soomaali Mareykan ah, waxaana Munaasabada intii ay socotay mikirfoonka Madaxweynaha kusoo dhaweysay Caasha Cabdirizak Osman oo ah gabar Soomaali Mareykan ah.

Munaasabadan uu Aqalka Cad ku qabtay Madaxweyne Obama ayaa aheed tii ugu horeesay uu u qabto Muslimiinta kunool Mareykanka, waxa ayna kusoo aadeysa xili uu Madaxweynaha uu dhawaan faarujinayo aqalka Cad.
Read More

Maxaad kataqaanaa Taariikhda Dhulka iyo Dadka Soomaaliyeed

Maxaad kataqaanaa Taariikhda Dhulka iyo Dadka Soomaaliyeed
Dalka Soomaaliya juquraafi ahaan waxa uu ku yaala cirifka Bari ee Qaaradda Afrika , waa dhul istaraatiijyada wanaagsan leh isla markaana Surinka ku haya marinbiyoodka caalamiga ah ee Baabul mandab oo xiriiriya Badweynta Hindiya iyo badda Cas isla markaana ahmiyad u leh.
Teaser Image Taariikhda Dhulka iyo Dadka Soomaaliyeed - (Documentation-Film) Daawo Video
Taariikh ahaan Dalka Soomaaliya waxa uu leeyahay xadaarad facweyn taasina waxaa marqaati kacaya  magacyada tirada badan ee loo aqoon jiray waayadii hore sida dhulkii uduga iyo Geeska Afrika, sidoo kale Xiriirka ummadda Soomaaliyeed ay la laheyd bulshada Aduunka ayaa iyana ah arin taariikhi ah oo xusid mudan, bal qooraanso xiriirkii u dhaxeeyay Masaairidii hore, Hindida, Carabta iyo Faariisiyiinta intuba.

Maadaama ummadda Soomaaliyeed ay yihiin umad Islaam ah Diinta waxa ay soo gaartay qarnigiii 3-aad ee Hijriyada waxaana arrinkaasi fududeeyay xiriirka u dhaxeeya muslimiinta ku nool jaziiradda carrabta iyo ummadda Soomaaliyeed, xusuusnow in ummadda Soomaaliyeed aan Diinta lagu Soo gaarsiin Dagaal iyo Seef midna.

Soomaalida caada iyo dhaqan ayeey u leedahay in af iyo adinba laga naco gumeysiga midab uu doonaba ha lahaade, Axmed Guureey waxa uu ahaa halgamaagii ugu horeeyay ee Soomaaliyteed bilaabayna kacdoon ku dhisan gumesi naceyb , waxaana xiriir uu lahaa Axmed Gurey Taliskii cismaaniyinta.

1884-tii reer Yurub waxay u kulmeen sidii ay Afrika u kala qeybsan lahaayeen waxaana Dalka Soomaaliya uu ka qeyb noqday Dalalka la kala qoqobay, waxaana arrinkaasi ka dhashay kacdoonkii hubeesnaa ee Sayid Max’ed C/lle Xasaan.

Halgamayaalka kale ee dagaallamay gumeysiga, baal dahab ahna ka galay taariikhda ummadda soomaaliyeed waxaa ka mid aha Shekh Xasan Barsane, Suldaan Olol Diinle, Sheekh Bashiir , Nasiib Bundo iwm.

1943dii waxaa gobollada koonfureed ka dhashay Golihii Dhallinyarada (SYC) ee ka koobnaa 13 dhallinyaro ah, ka dibna isku beddelay dhaqdhaqaaq waddani ah ee u ololeeya mideynta, xorriyada iyo madaxbannaanida dhulalka Soomaaliyeed.

Gobollada Waqooyi ee uu Ingiriisku gumeysanayey waxaa ka abuurmay xisbiyo u ololeeyo midnimada, xorryada iyo madaxbannaanida dadka iyo dhululka soomaaliyeed ee uu hormuud u ahaa xisbigii SNLka

Sannadkii 1956dii waxaa dhulka koonfurta soomaaliya laga abaabulay doorashooyinkii ugu horreeyey ee xukun-hoosaad, waxaana kuraastii loo tartamay intooda badan ku guuleystay xisbigii dhallinyarada ee SYL, waxaana guddoomiye baarlamaan loo doortay Mudane Aden Cabdulle Osmaan, raiisul Wasaarane waxaa loo doortay Mudane Cabdullahi Ciise Maxamuud, mudda kadib markii ay idlaatay xiligii lagu ballamay waxaa lagu dhawaaqay xorriyadda gobalada walow maalma ay soo kala horeeyeen.


Intaas kadib waxaa la dhisay xukuumad rayid ahey oo laga dhaxlay musuq iyo wax qabad la’aan waxaana 1969 awoodii Dalka la wareegay Ciidamadda Xooga oo ka koobnaa 21 Sarkaal oo Boolis iyo Milatari isugu jiray, waxaana ay madaxweyne Dalka ka noqday Max’ed Siyaad Barre.

Inkastoo talis walba uu ammaan iyo dhaliilo leeyahay hadana musuqo waa iska halkiisa kacaankii 21-october waxaa lagu ammaanay qoristii farta Soomaaliga iyo la dagaalankii aqris qoris la’aanta.waxaana howshaasi la hirgaliyay 21-ka Janaayo 1973, inkastoo horumar ay aheyd qoristii far soomaaliga, hadana kacaanka wuxuu eersaday markuu dhex mushaaxay badweynta qabiilka, isagoona ugu danbeyntii dharaar cad u bareeray inuu duqeeyo gobalo ay daganyihiin shacab Soomaaliyeed kana mid ah dhulka soomaaliya

1991-kii Taliskii Milatariga jabhada hubeysan ayaa ka eryay xilka, laakiin looma aayin jabhadihii oo waxaa laga dhaxlay qad cagaaran iyo ugaarsi qabiil, intaa kadib shirar dib u heshiisiin oo tira badan ayaa la qabtay laakiin dhaxalkooda waxa uu noqday in Soomaalida dhexdeeda ay is heebsoocdo oo waxaa la keenay fikir sheegaya in Soomaalida afar beel iyo bar ay yihiin 4.5.

2006-dii Burbur baahsan oo uu Dalka ku soo jiray kadib waxaa Neecow nabadeed oo lagu diirsaday muddo gaaban ku keenay Maxkamadihii Islaamka, waxaana ay u cuntami weysay nabadda ay Maxkamadaha keeneen Dowladda Itoobiya oo uur xumo ba’an ka qabta Nabad ka islaaxda Soomaaliya, waxaana Dalka ku soo duulay Dec-2006 ciidamo Itoobiyan ah kuwaasoo Magaalada Xamar labada dhan ka soo galay 27 december 2006-dii kana geestay Xasuuq xanuun badan, bur bur hanti iyo daaro, mana jirto cid ilaa iyo hadda la xisaabtanta urur gobaleed iyo urur caalami intuba.
                Aamusane cabdi
Read More

Sawirada: Nin Toorey iyo Masaar watay oo Weerar Qasaaro dhaliyay ka geestay dalka Garmalka

Saraakiisha dalka Jarmalka ayaa sheegaya in wiil muhaajir ah oo u dhashay dalka Afqaanistaan uu weeraray rakaab saarnaa tareen, dhowr qof ayaana lagu soo waramayaa in uu ku dhaawacay masaar iyo toorrey.

Saddex qof ayuu dhaawac xun ka soo gaaray, ayadoo mid afar kalena uu dhaawac fudud ka soo gaaray weerarkaas oo sida boolisku sheegay ka dhacay magaalada Wurzburg.

Warar hordhac ah waxay sheegayeen in dadka dhaawacmay ay gaarayeen ilaa 20, laakin goor dambe ayaa la ogaaday in ilaa 14 qof laga daweeyey naxdintii ay halkaa ka qaadeen. Sababta weerarka ayaan weli caddayn.

Wasiirka arrimaha gudaha ee gobolka Bavaria wuxuu sheegay in weerarka uu qaaday 17 jir qaxooti ah oo u dhashay Afghanistan, kaasoo ku noolaa magaalo yar oo halkaa u dhow.

Idaacadda ARD ayuu u sheegay in wiilkaas uu u muuqday inuu soo galay jarmalka isagoo aysan cidna la socon. Wuxuu kaloo sheegay in maamulayaashu ay eegayaan warar sheegaya inuu ku qaylinayey ‘Allaahu Akbar’ intii uu dadka masaarta la dhacayey.

Weerarka ayaa ka dhacay tareen gudihiis abaarihii 10:15 Afrikada bari. Booliska ayaa sheegaya in wiilkaas uu markii dambe cararay, laakin boolisku ay eryadeen oo ay toogasho ku dileen.

Inkastoo aan weli la ogaan sababta, ayaa wariyaha BBC ee Berlin wuxuu sheegayaa in Jarmalka uu ka jiro dareen caro leh oo ku saabsan weerarrada ay qaadeen islaamiyiinta xagjirka ah, gaar ahaan kuwii ka dhacay faransiiska.

Bishii May ayey ahayd markii nin sida la sheegay ku qaylinayey ‘Allaahu Akbar’ uu hal qof middi ku dilay 3 kalena ku dhaawacay maxaddad tareenka laga raaco oo ku taalla Munich. Goor dambe oo la geeyey isbitaalka dadka madaxa ka xanuunsanaya ayey maamulayaashu sheegeen inaysan helin wax ninkaas xagjirnimo la xiriirinaya.
Read More

Tariikhda Iyo Waqtiga La Ciyaarayo Labada Lug Ee Koobka Spanish Super Cup Ee Barcelona & Sevilla Oo La Shaaciyay

Waxaa la shaaciyay waqtiga la ciyaarayo kulanka labada lug ee Supercopa de España ee u dhaxeeya kooxda hanataya horyaalka La Liga iyo Copa del Rey ee Barcelona iyo kooxda kaalinta labaad ka soo gashay koobka boqor Copa del Rey ee Sevilla.

Lugta hore ee kulanka Spanish Super Cup waxa la ciyaarayaa 14ka bisha Agoosto ee soo socota waxaana ay ka dhaceysaa magaalada Sevilla saacada geeska Afrika marka ay tahay 11ka habeenimo, halka lugta labaad ay ka dhici doonto Barcelona 17ka bisha Agoosto saacada geeska Afrika marka ay tahay 12ka habeenimo.

Taariikhda la ciyaarayo labada kulan ee Supercopa de España ayaa waxaa xaqiijiyay golaha guud ee xiriirka kubada cagta Spain ka dib markii Sevilla ay codsatay in la bedelo taariikhihii marka hore la soo jeediyay 12ka iyo 14ka Agoosto sababtoo ah waxa ay 9ka bisha Agoosto koobka European Super Cup la ciyaarayaan kooxda Real Madrid.

Barcelona ayaa la ciyaartay Sevilla koobka European Super Cup sannadkii hore waxaana ay ku badisay kooxda Catalans 5-4. Waxa ay sidoo kale wada ciyaareen dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore finalka Copa del Rey iyadoo Barcelona ay 2-0 ku badisay.
Read More

Munir El Haddadi Oo Qandaraaska U Kordhiyay Barcelona

Kooxda heysata horyaalka La Liga ee Barcelona ayaa ku dhawaaqday goordhaweyd inay heshiis kala gaareen xiddiga weerarka ka ciyaara Munir El Haddadi inuu qandaraaska u kordhiyo kooxda.

Munier El Haddadi ayaa ogolaaday inuu qalinka ku suugo heshiis cusub oo seddex xilli ciyaareed ah isagoo baaqi ku sii ahaan doona Camp Nou iyo 30ka bisha Juun 2019, waxaana ay wararka sheegayaa in sidoo kale qandaraas kordhin loo sameeyay.

Barcelona ayaa sidoo kale shaacisay lacagta lagu burburin karo qandaraas cusub ee 20 sanno jirkaan asalkiisa uu ka soo jeedo Morocco, waxaana kooxdii dooneysa ay kula wareegi karaan 60 milyan euro.

Sida lagu sheegay warbixin rasmi ah oo ay Barcelona soo saartay, ciyaaryahanka ayaa qalinka ku duugi doona heshiiska cusub maanta oo talaado ah saacada geeska Afrika marka ay tahay 1da iyo 30 daqiiqo oo duhurnimo, waxaana raaci doona sawiro laga qaadi doono.

Munir El Haddadi ayaa ka soo gudbay kooxda Barcelona B sannadii 2014 waxaana uu tan iyo markaas u saftay kooxda Barcelona 25 kulan horyaalka La Liga isagoo mudadaad dhaliyay afar gool, waxaana ay Blaugrana u arkaan xiddig mustaqalka ah.

Munir ayaa sidoo kale kulankiisii ugu horeysay ee xulka qaranka Spain waxa uu u saftay 8dii bishii September 2014 kulan ay la ciyaareen xulka Macedonia.

Dhanka kale kooxda Barcelona ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in da’ yarka ka soo dalacay Barcelona B Sergi Samper isna inuu saxiixay heshiis cusub oo uu kooxda ku joogayo ilaa iyo 2019.


Read More

TOBANKA Ciyaartoy Ee Saaka Oo Talaado Ah Loogu Hadal-heynta Badan Yahay Suuqa Kala Iibsiga

Asalaamu calaykum waraxmatulaah, dhamaan akhristayaasha sharafta iyo ixtiraamka naga mudanow ku soo dhawaada barnaamujkeenii tobanka ciyaartoy ee ugu qiimaynta sareeya suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee saaka oo Talaado ah kuwaas oo inta ugu badan looga hadlay suuqa kala iibisaga isla markaana  lala xidhiidhinayo kooxo cusub. Suuqa kala iibisaga ciyaartoyda ayaa si rasmi ah u furmay waxayna koox kastaaba u furan tahay in ay samayso saxiixyo cusub.

Football Whispers oo ah shabakada ugu horaysa dhinaca saadaalinta suuqa kala iibisaga ayaa qiimayn khaas ah ku samaysa wararka ciyaartoyda sida wayn loogaga hadlo suuqa kala iibsiga, waxayna si joogto ah u soo gudbisaa hadba ciyaartoyda loogu hadal haynta badan yahay suuqa kala iibisaga iyo kooxaha doonaya ee lala xidhiidhinayo.


Qiimaynta Football Whispers  ee suuqa kala iibisaga waxaa ugu sareysa 5 oo ah xiddig sida ugu weyn loo hadal hayo waxayna Sky Sports iyo Football Whispers  ay iska kaashadaan in ay hadba soo saaraan ciyaartoyda suuqa kala iibsiga sida wayn looga hadal hayo iyo qiimaynta oo la socota. Haddaba Shabakada Laacib.net ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa tobankii ciyaartoy ee saaka suuqa inta ugu badan looga hadlay.

Waa saaka dhanka saadaasha suuqa kala iibsiga u sareeya daafaca kooxda Augsburg Ragnar Klavan kasoo la filayo inuu maanta tijaabada caafimaadka u maro kooxda Liverpool iyadoo kabtanka xulka Estonia uu buuxinayo booskii uu baneeyay Kolo Toure ee dhanka khabiirnimada.

Xiddig kale oo la filayo in heshiiskiisa goordhow lagu dhawaaqo ayaa dhanka hadal-heynta ku jira kaalinta labaad waa Georges-Kevin Nkoudou kaasoo la filayo inuu ka soo tago Marseille kuna biiro kooxda reer London ee Tottenham Hotspur.

Waxaa iyadana isa soo taraya wararka Arsenal la xiriirinaya xiddiga weerarka ka ciyaara ee Lyon Alexandre Lacazette kaasoo saaka qiimeynta saadaasha suuqa kala iibsiga ee Football Whispers ka soo galay kaalinta seddex. Xiddig kale oo la filayo inuu Arsenal ku biiro ayaa afaraad ku jira saaka waa xiddiga da’da yar ee Bolton Rob Holding.

Pual Pogba oo beryahaan qabsaday suuqa kala iibsiga ayaa kaalinta shanaad ku jira waxaana weli la hadal-hayaa inuu ka tagayo Juventus kuna biirayo kooxdiisa hore ee Manchester United weliba heshis noqon doona rikoorka adduunka.

Xiddig hore oo Man United ah ayaa isna la filayaa inuu ku soo laabto Ingariiska iyadoo weeraryahanka Fenerbahce Robin van Persie la filayo inuu u saxiixo kooxda Stoke City.

Xiddigaha kale ee qiimeynta ku jira waxaa ka mid ah Julian Draxler oo weli lala xiriirinayo Arsenal iyo Mustafi oo la filayo inuu Valencia kaga biiro Chelsea.

Haddaba akhriste halkan kaga bogo dhamaan tobanbka ciyaartoy ee saaka suuqa kala iibsiga ugu qiimaynta sareeya, kooxaha lala xidhiidhinayo iyo waliba qiimaynta suurtogalnimada ay kooxahan ugu biiri karaan oo dhamaystiran:



Read More
Powered by Blogger.

Search This Blog

© Copyright Saqiyare