Kooxda L.L.P.P Jeenyo oo la wareegtay Daafaca Daadir Cama

Kooxda kubada cagta L.L.P.P Jeenyo ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday inay la soo wareegtay ciyaaryahankii daafaca ugu ciyaarayey kooxda haatan dib ugu laabatay horyaalka heerka Labaad ee Soomaaliya Sahafi FC.

Jeenyo ayaa la soo saxiixatay ciyaaryahanka lagu magacaabo Daadir Salaad Cawaale (Daadir Cama), waana ciyaaryahan labo boos ciyaari kara sida Khadka Dhexe iyo daacafa dhexe, inkastoo uu inta badan ka dheelo Daafaca.

Waxaa laga yaabaa in kooxdan Jeenyo ay sanadkan ka hayaamaan gaar ka tirsan daafacyada, waxayna dooneysaa inay ku kaabto dhankeeda daafaca.

Saxiixa cusub ee Jeenyo Daadir Salaad Caawale ayaa u soo ciyaaray kooxaha Saxafi FC oo uu hadda ka soo dhaqaaqay iyo kooxda Dekedda oo uu soo matalay.

Si kastaba ha ahaatee kooxda Jeenyo ayaa u baahan sanadka soo aaddan inay ku guuleysato horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale kooxdan la la xiriirinayaa isla daafac ka tirsan Kooxda uu Daadir Cama ka soo wareegay ee Sahafi FC, waana ciyaaryahanka lagu magacaabo Aadan Xuseen Ibraahim Eeneey, inkastoo aan wali la xaqiijin warka Eeneey.