HOR DHAC: Poland V Portugal

Poland iyo Portugal waxa ay wareega sideeda isku fara saari doonan iyaga oo isha ku wada haya afar dhamaadka Euro 2016.

Portugal oo 2012 lagu reebay gool ku laadyo ayaa hada dooneysa in ay ugu yaraan gaarto fiinaalaha.

Balse, waxa ay wajahaya Poland oo aan sahlaneyn.

WARARKA LABADA DAL



Poland

-Poland waxa ay ku soo bilaabi kartaa da’yarka hibada badan Bartosz Kapustka, kaas oo beer dareeyey gool kulaadkii uu ku tuuray Switzerland kulankii wareega 16-ka.

-Tababare    Adam Nawałka waxa uu safkiisa Ciyaartan ku sameyn karaa is badalo tiro leh, walow aan la ogaan karin qofka keyda u dhici kara.

– Lukasz Fabianski ayaa goolka ku jiri doona xitaa hadii uu dhaawaca ka soo koco Szczesny.

Portugal

-Fernando Santos waxa uu is badalo weyn ku sameyey Portugal kulankii ay waqtiga dheeriga ah ka badiyeen Croatia hadana lama saadaalin karo waxa uu dabacsan yahay.

–   Adrien Silva, Cedric Soares and Jose Fonte  saddexdaba waxa ay markii ugu horeysay dheleen Euro 2016 kulankii Swiss-ka, isla iyaga ayaana markan ku soo bilaaban kara.

-Is badal kale oo weyn lagama filayo Santos.

MALA SOCOTAA?

-Poland iyo Portugal waxa ay isku arkayaan Marseille kulanka ugu horeya ee Sideed dhamaadka; mida badisa waxa ay ku aadi doontaa Belgium/Wales.

-Poland wali ma badin kulan bug bax ah lix jeer oo ay hore isugu da’day.

– Robert Lewandowski 7 kulan gool ma dhlin ciyaaraha caalamiga ah.

-Tababaraha Portugal, Santos waxa uu kulankan ku tilmaamay 50/50.

-Shantii kulan ee Portugal Euro ugu dambeyey 0-0 ay  ku dhamaadeen 90-ka daqiiqo.

SAFAFKA LA FILI KARO

Poland: Fabiański; Piszczek, Glik, Pazdan, Jędrzejczyk; Błaszczykowski, Krychowiak, Mączyński, Grosicki; Milik, Lewandowski.

Hadii ay Jaale qaataan kulankan kan xiga ayey seegi doonaan: Grosicki, Mączyński, Peszko, Piszczek, Pazdan, Jędrzejczyk

Portugal: Rui Patrício, Cédric, Fonte, Pepe, Guerreiro; Silva, William Carvalho, Sanches, Mário; Nani, Ronaldo.

Hadii ay Jaale qaataan kulankan kan xiga ayey seegi doonaan: William Carvalho, Pepe, Quaresma

Gegida: Stade Vélodrome

Saacadda Geeska Africa: 10Pm
Read More

Real Madrid oo doonaysa inay heshiis cusub ka saxiixdo Gareth Bale

Kooxda Real Madrid ayaa diyaar u ah inay ku abaal mariso laacibkeeda Gareth Bale qaab ciyaareedkiisa wacan ee uu ku soo bandhigay euro 2016.

Laacib kaan ayaa gaarsiiyay xulkiisa wareega 8-dhamaadka koobka qaramada qaarada yurub, Real ayaana ka baqaysa in laacibku uu dib ugu laabto horyaalka ingiriiska.



Telegraph ayaa shaaca ka qaaday in Real Madrid ay wadahadalo rasmi ah la bilowday wakiilada Gareth Bale si looga saxiixo heshiis cusub.

Real Madrid ayaa doonaysa in Gareth Bale uu kooxda u saxiixo heshiis ku eg ilaa 2021, iyaga oo kor u qaadaya mushaarka uu haatan ka qaato kooxda.

Qandaraaska Gareth Bale uu kula jiro Real Madrid ayaa ku eg 2019, wuxuuna mushaar ahaan u qaataa 9 milyan oo euro, Kooxda ayaa qorshaynaysa in heshiiska cusub uu ku qaato mushaar kabadan kan uu qaato Ramos oo ah 10 milyan oo euro.
Read More

Liverpool oo sirasmi ah ula soo wareegtay sadio mane

Rasmi   liverpool oo si rasmi ah ula soo wareegtay mane  kooxda liverpool ayaa weeraryahankii hore ee southamptom  iyo xulka senegal  sadio mane  soo xero galisay
 Liverpool ayaa Kula soo wareegtay qiimo  kabadan £30 milyan  waxuuna sidaas ku noqonayaa xidigii sedaxaad  ee ugu qaalisanaa abid
Mane ayaa kooxda liverpool  usaxiixay heshiis afar sanaa qalinka ugu duugay






Mane ayaa kooxda liverpool uxiran doona  namberka  19aad  waxuuna noqanayaa xidigii 5aad ee namberkaan uxirta  kooxda waxeyna kala yihiin



Fernando Morientes

Ryan Babel

Stewart Downing

Javier Manquillo

Steven Caulker

sadio mane
Waxuuna yiri aad baan ugu  faraxsanahy in aan ku soo biiro kooxda  waana koox taariikh weyn kuleh caalamka 

Waxaana sugi la,ahay  inta aan uga ciyaari doono   Ayuu yiri sadio mane
Read More

Golaha culimada somaliya oo bayaan kasoo saaray meel marin sharciga jinsiyada ay meel mariyeen xukuumada soomaaliya

Culumada Soomaaliyeed iyo Waxgaradka Magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hor yimid meel marinta siyaasadda Qaran ee Jinsiga ay sheegeen in ay ku jirana qodobo badan oo sharciga Islaamka hareer marsan sida in ay isku guursan karaa dadka isku jinsiga ah .




Halkan ka Aqriso Bayaan culumada oo ku saabsan Aragtida Culumada Soomaaliyeed ee Siyaasadda Qaran ee Jinsiga(Gender)2016



الحمد لله، والصلاة والسلام على رسول الله ،وبعد:

HORDHAC

Wasaarada Haweenka& Horumarinta Xuquuqda Aadanaha waxay soo saartay waxay ku magacaabeen ( siyaasadda Qaran ee Jinsiga(Gender) 2016),taasoo ay ansixiyeen Golaha wasiiradu bishii May 2016,

hadaba kadib markii ay akhriyeen culumadu siyaasadaas waxay ku arkeen waxyaabo badan oo khaladadaad ah oo aanu halkan idiin ku soo gudbinayno:

1.Siyaasadaasi waxay dalbanaysaa in la ansixiyo hishiisyada caalamiga ah ee dumarka sida CEDAW 1979 , goaanadii bakiin 1995 iyo shirkii qaahira1994….iwm, kuwaas oo khilaafsan shareecada islaamka iyo dhaqanka soomaaliyeed ee suuban, oo xitaa ay jiraan dawlado gaala ah oo aan ansixin hishiiska sida maraykanka iyo veticanka(fetikaanka),waxaana ka mida waxyaabaha hishiisyadaasi ay ku khilaafsanyihiin shareecada islaamka iyo dhaqanka suuban ee soomaalida qodobadan soo socda :

In la sahlo waxkasta oo fududeynaya sinida laguna dhiirigeliyo dhalinyarada isticmaalka waxyaabaha uurka joojiya sida cinjirka galmada iyo kiniinyada iwm.

In la baneeyo sinada loona arko xaq biniaadamku leeyahay

In la baneeyo 2 qof oo isku jinsi(2 rag ah iyo 2 dumar ah) ah in ay is guursadaan

Waxay amrayaan in la daahiyo guurka sharciga albaabadana loo furo sinada iyo galmada xaaraanta ah

In la baabi’iyo masuuliyada uu ninku ku leeyahay qoyska

In laga qaado masuuliyada ay aabayaashu ku leeyihiin caruurtooda gaar ahaan gabdhaha.

In dumarku ay xor yihiin marka laga dhinto ama la furo taasoo macneheedu tahay in aanay cido lahayn

In gabadhu is guurinkarto waxna guurinkarto waxna furikarto

In iskuulada lagu dhigo waxa la xiriira galmada iyo isticmaalida kondhomyada

Waxay waajibiyeen inay dumarku qabtaan jagooyinka ugu sareeya ee dowlada
In la siiyo dumarka maqaam diineed oo la mid ah tan raga sida inay misaajid imam ,khadiib iyo muadin ka noqon karaan.

2.siyaasadani waxay been ka sheegaysaa shareecada islaamka oo ay ku tilmaamayso in ay tahay marjiciyadeeda iyo meesha ay u noqonayso iyada oo khaladaad ka soo horjeeda shareecada ay ka buuxaan.

3.Siyaasadani waxay dalbanaysaa in la mamnuuco dhamaan noocyada gudniinka gabdhaha iyada oo aanlaga soo reebin gudniinka suniga loo yaqaan taasina waxay khilaafsantahay shareecada islaamka,waxay ka tarjumaysaa ajande shisheeye.

4.Siyaasadan lagalama tashan qaybaha kala duwan bulshada Soomaaliyeed sida culumada,odayaasha dhaqanka,aqoonyahanka,siyaasiyiinta ,dumarka intooda badan.

5.Barnaamijka Jinsiga(Genderka) waxaa dabada ka wada gacmo-shisheeye oo ay ugu horeyso Qaramada Midoobay iyo Amisom Qaybteeda qaabilsan arimaha Bulshada taas oo ay culumadu diidanyihiin in ciidamo nadabad ilaalin u jooga ay ka shaqeeyaan arimaha bulshada,waxayna culumada soomaaliyeed uga digayaan Amisom inay ka shaqayso arimaha bulshada oo ay hadba shiriso dumarka soomaaliyeed si ay u fasahaadiso.

6.siyaasadani waxay u ololeynaysaa sidii ay dumarku u heli lahaayeen qoondada 30% ee siyaasada taasoo kasoo horjeeda maqaasida ama ujeedooyinka shareecada islaamka abuuraysana cadaawad rag iyo dumar isla markaana aan laga latashan umadda soomaaliyeed ayna dabad ka riixayaan dowlado shisheeye oo aanay ka jirin wadamadooda ugu danbayna burburinaysa dhismaha qoyska soomaaliyeed.

7.siyaasadani waxay duraysaa oo wax ka sheegaysaa culumada iyo dadka kale ee diidan in dumarka la fasahaadiyo oo ay ku tilmaamayso in ay diinta si qaldan u cuskanayaan.

8.ugu danbayn waxaan ugu baaqaynaa dhamaan madaxda soomaalida,culumada,odayaal dhaqameedka,waxgaradka,dumarka soomaaliyeed ee sharafta leh,dhalinyarada,aqoonyahanka inay ka hor yimaadaan siyaasadahan guracan oo lagu wiiqayo umadda diinteeda iyo jiritaankeeda ayna ka qaybqaataan ilaalinta anshaxa wanaagsan ee umaddeena.

والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته

Golaha fulinta hay’adda culumada soomaaliyeed

Muqdisho-Soomaaliya
Read More

Lamaane isku feeray xafladii aroos kooda

Lamaane kasoo kala jeeda Dalalka Tunuusiya iyo Faransiiska ayaa layaab ka dhigay xafladii arooskooda oo ka dhacesay magaalada Tunis, kadib markii labada Lamaane intii ay xaflada scotay uu dhax maray tartan dhinaca Feerka ah.

Warbaahinta Caalamka ayaa si weyn u tabiyay xafladan arooska ee layaabka wadatay, kadib markii labada Lamaane oo ah Ciyaartoy dhinaca Feerka miisaanka fudud ay kulan ciyaareed dhinaca feerka ah ay ku dhax martay xaflada arooskooda.

Lamaanahan ayaa markii ay feertamayeen waxa ay xirnaayeen dharka arooska loogu tala galay, waxaana tartanka feerka ah ee dhax maray lamaanahan garsoore ka noqday Aalbiitare katirsan Guddiga Olombikada dalka Tunuusiya.
Read More

james rodrigues oo doortay kooxdii uu kubiiri lahaa

James Rodriguez waxa uu bartilmaameed u yahay Manchester City iyo Chelsea laakiin waa Paris Saint-Germain mida hogaanka u haysa saxiixa kubad abuuraha Real Madrid, sidaas waxaa laga soo xigayaa wararka laga helayo Spain.

Laacibka u dhashay Colombia inta badan waxa uu iska weynayey safka bilowga kulamada ee Zinedine Zidane.

El Confidencial waxa ay dhowaan qortay in Rodriguez oo tintiisa midabka huruudiga biyo biyaha ah mariyey in uu aqbalay aayihiisa Madrid in uu dhamaaday waxa uuna door bidayaa PSG iyada oo uu tababare Unai Emery uu khabiir ku yahay ka caawinta ciyaaryahanada in ay dib u helaan heer ciyaareedkoodii fiicnaa.



Chelsea iyo Manchester City wey cadeyeen xiisaha ay u qabaan James iyaga oo Real Madrid kala hadlay helidiisa.

Hase yeshee, PSG ayaa u yeertay wakiilka Laacibka oo miiska soo saartay dalab aan la diidi karin.

Zidane waxa uu u sheegay Real Madrid in James Rodriguez la iska iibiyo.

Emery waxa uu caan ku yahay dib u soo nooleynta xiddigaha.



Dhowaan waxa uu dib waayihiisa micno ugu yeelay Ever Banega, kaas oo waqtgisii Valencia u muuqday mid mugdi ah waxaana dib amaah loogu celiyey dalkiisii hooyo ee Argentina kahor inta uusan Sevilla iman.
Read More

soo dhaweyn

ku soo dhawoow webkan cusub waxaan kuugu soo bandhigi doonaa wax yaabo ku qan cin doono insha Allah
Read More
Powered by Blogger.

Search This Blog

© Copyright Saqiyare