Sheeko Xikmad leh



Waxaa jirtay sheeko dhexmaray wiil dhalinyaro ah oo seef la bood ah iyo macalinkiisa oo ahaa nin xikmad badan: Macalinka wuxuu amray wiilka in uu keeno koob ay nus cusbo iyo nus biyo isku qasan ah ay ku jiraan,dabadeedna uu cabbo.
Wiilkii markuu hal mar kabaday ayuu yiri macalin lama cabbi karo dhanaanka awgeed. Macalinka wuxuu kaloo amray in isla koobkii cusbada ku jirtay uu ku daro Webi meesha ku yiilay, islamarkiina webiga biyo kasoo darsado hadana cabbo.
Macalinka ayaa wiilka weydiiyay dhadhanka biyuhuu soo darsaday. Wiilkii wuxuu ku jawaabay, “aad buu u macaan yahay, dhadhan cusbo luguma arko.
Macalinka ayaa wiilkii ku yiri: “Wiilkaygiyoow, maxaa kaa dhigay Koob, oo maxaad Webi u noqon weyday”
.
Wiilkii dhalinyarada ahaa waa fahmay xikmadda meesha ku jirtay. Marka waxaan leenahay dhalinyarada Soomaaliyeed koob ha noqonina ee webi noqda.
Waxaan kaloo ku boorinaynaa dhalinyarada in ay bartaan raadiyaanna oraahyada dhaxalgalka ah ee awoowayaashena Soomaaliyeed inoo reebeen sida maahmaahyada, gabayada IWM.
Reer galbeedka ayaa waxay dhahaan “A country can be judged by the quality of its proverbs”.
Taasoo micnaheedu yahay ‘’Wadan waxaa lugu gartaa tayada maahmaahyadiisa. Soomaaliyana waxay ku jirtaa, wadamada ugu maahmaahyada fiican.
Jiilka maanta waa Jaraa,idka birito.
By : Aamusane Cabdi

Read More

Taariikh ku saabsan siduu ku baxay magaca muqdisho


Mujtamaca Soomaalida oo Bariga Afrika ku noolaa muddo badan wuxuu soo maray taariikho kala duduwan iyo qowmiyado ku kala horreeyey deegaanka.

Waxaan maanta si faahfaahsan u xusi doonaa taariikhdaan oo inta badan aan ka soo qaadaneyno buug uu qoray nin lagu magacaabo Shariif Caydaruus Cali Abuubakar, ninkaasoo si fiican ugu faahfaahiyey waxa ay ahayd Soomaalidii hore.


waxaana maalinba idiin soo qaadi doonaa meel xiiso leh. Haddii aan ka bilowno Muqdishooyin?, magaalooyinkaan halka magac leh markii loogu yeeri jiray sidaan waxay ahayd xilli qadiim ah waxaan magaalooyinkaas ku kulmi jireen amaba deganaan jireen dad ku noolaa deegaanadaan iyo kuwo ku imaan jiray safar xagga Badda ah oo ganacsi u badnaa.

Muqdishooyin oo dadka Carabta ahi ugu yeeri jireen Maqaadiish waxaa laysku oran jiray magaalooyinka Muqdisho, Merka, Baraawe, Cadale iyo War-shiikh.
Sida uu xusayo Buugga Bugyatul-aamaal Fii Taarikhi-Soomaal, mararka qaar magaalooyinkaan marka laysku geeyo ayey dadku u aqoon jireen Banaadir iyadoo Caasimadda Muqdisho gaar loo oran jiray,

Waayadaas dadka ku noolaa magaalooyin Xeebeedkaan waxay ahaayeen dad xagga Ganacsiga ku fiican oo ay caado u ahayd marka ay safraan haddii ay arkaan meel deegaanka ku haboon aysan dib ugu laaban halkii ay ka soo safreen oo halkaas deegaan guryeed hor leh ka sameystaan, taasoo badisay deegaanka dadeysan ama la degan yahay ee dhulka Soomaalida.


Sidee Ku Baxay Magaca Muqdisho?
Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadda Soomaaliya kuna taala Xeebta Badweynta Hindiya waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu da,da weyn dalka Soomaaliya iyo weliba magaalooyinka dunida. Taariikhyahanadu waxay sheegaan in magaca Muqdisho uu ka yimid amaba loogu magac darray Maqcaddu shaah oo macnaheedu yahay goobta uu fariisto Boqorka cajabiga ah ee aan Carabka ahayn.

Markii uu caan noqday Makaanu fadhiga loogu magac darray Caasimada ayey qubaro Carab ahi soo gaabiyeen labada eray ee is garab yaal ee Maqcad iyo Shaah oo ay ka soo dhigeen Muqdisho.

Erayga Maqcad ayaa waxaa laga jaray xarafka caynka, markaas ayaa la isi saaray kalimadaha Maqad iyo Shaah, markaas ayayEraydii noqdeen Maqad-shaah,
iyadoo haddana xarafka Alif ee ku jira Shaah marka uu Carabi ahaan u qoran yahay loo beddelay Waaw ama W, markaasoo uu magacii noqday Muqdishoh,

intaas kaddib dadka qaar kuwana sidaan ayey u adeegsan jireen,halka kuwa kalana xarafka ?H? ayey tuureen oo ay yiraahdeen (Muqdisho) oo ah sida loo badan yahay haddana inta badan la isticmaalo.

 Taariikhdaas fog waxay dadka qaar qabeen in magaca Muqdishoh uu asal ahaan ka yimid goobtii Xoolaha lagu kala gadanaayey, waxayna dadkii wax qori jiray ee xilligaas inta badan adeegsan jireen  dhawaaqitaanka ah (Muqdishoh).

. Dhammadkii Qarnigii 15-aad mar Bortaqiisku ay qabsadeen Xeebaha Bariga Afrika ayey iyaguna ugu yeereen magaca magaaladaan ?Mogadixo? oo dhawaaq ahaan ay Carabiga is shabahaan maadaama xarafka X afafka Bortaqiiska iyo Spanish-ka uu ku yahay xagga dhawaqa Sh..

Magaalada Muqdisho oo aan horey u soo sheegnay inay ka mid tahay magaalooyinka ugu da?da weyn dunida waxay leedahay xaafado fara badan oo laakiin taariikhda aasaaskoodu uu kula dambeeyey.

Xaafadaha Muqdisho waxaa ugu horreeyey uguna da,weyn Xamarweyne oo hadda degmo ah, waxaana ku soo xigay xaafaddii Shangaani oo imminka iyaduna degmokale ah, xaafadaha kale ee Muqdishana wey ka dambeeyaan labadaan qadiimka ah.












Aamusane Cabdi
Read More

taariikh ku saabsan sidey ku baxeen xamar weyne iyo Shangaani

Sidee ku baxay magaca Xamarweyne?
 taariikh-yahanadu waxey sheegaan in Xamarweyne waqtiyadii hore laysku oran jiray laga soo bilaabo duleedka degmada Karaan ilaa Xeebta Xamar-yare oo hadda loo yaqaano Xamar-jajab.
Shariif Caydaruus oo ka mid ah Taariikhyahanadii Soomaaliya wax ka qoray waxa uu sheegay in magaca Xamarweyne uu baxay kaddib markii halka hadda loo yaqaano uu soo gaaray nin Lug ka hitinaya oo watay hal gaduudan, isla markaana ay Haweeeneydiisu ku hoggaamneysay.

Markii uu soo gaaray goobtii horey loo oron jiray Mal-mala oo ku taalay meel ku dhow Masaajidka Arbaca-rukun ayuu joogsaday, wuxuuna ka degay Hashii xilli Salaaddii maqrib ay soo dhaweyd si ay u tukadaan isaga iyo haweenaydiisu, iyagoo weyso qaadanaya ayaa waxaa u yimid afar qofood oo safar ah, salaan ayeyna is dhaafsadeen.

Markii ay isla tukadeen kaddib ayaa afartii qof ee ninka Hasha-watay u yimid waxa ay ka codsadeen in uu marti qaado, wuxuuna u sheegay in isaguba uu yahay qof safar ku ah meesha oo aanuu deganeyn, haddana wuxuu ka aqbalay inuu habeenkaas noqdo sida nin meesha degan oo uu marti qaado dadkaas safarka ah uuna u gowraco Hashii kaliya ee uu gaadiid ahaan u watay.

Hashii ayaa la gowracay, hilibkeedii ayaana habeenkaas la waday cunay, xilligii hurdada ayaa kuwii martida ahaa waxay ka codsadeen martiqaadihii in uu u keeno maqaarka Hasha oo uu agtooda ku soo fidiyo, wuuna ka aqbalay.

Martiqaadihii iyo Haweeneydiisii meel ayey wada jiifteen, kuwii ay marti qaadeena meel kale ayey jiifteen, Salaadda subax ayaana la waday kacay, waana la wada dukaday, wax yar kaddib ayuu ninkii diray haweeneydisii, isagoo ku amray inay soo eegto xaaladda dadkii martida ahaa, markii ay meesha tagtay weyba maqan yihiin, waxaana meeshii yaala Maqaarkii oo ay ku jiraan jajab dahab ah.

Haweeneydii wey soo laabatay, ninkeedii ayeyna arrinta u sheegtay, markaas ayey dahabkii qaateen iyagoo bilaabay aas-aas deegaaneed cusub kaasoo markii dambe noqday mid aad u camiran looguna magac daray Xamarweyne ka dib markii dad badaini soo degeen.

Magaca Xamarweyne ayaa waxa uu kakoban yahay labo eray oo midkood yahay Carabi, midka kalana yahay Soomaali, kuwaasoo kala ah (Xamra) oo loola jeedo Hashii gaduudneyd iyo (Weyn) oo loola jeeday maqaarkii weynaa ee Dahabka faraha badan laga dhex helay laguna dhisay deegaankaan weyn ee Xamar-wayne.


Sidee Ku Baxay Magaca Shangaani?
Shangaani waa degmada labaad ee ugu da,da weyn magaalada Muqdisho, waxayna taariikhyahanadu sheegeen in magacaan ay bixiyeen culimadii Neysaaburiyiinta oo ka mid ahaa dadyowgii islaamkaa ahaa ee deegaanadaan soo geli jiray, waxayna magaca bixiyeen markii ay dageen Shangaani oo markaas aan magacaan lahayn.
Magacaan ayey culimadaasi ka keeneen xaafad ka mid ah xaafadaha magaalada Neysaabuur oo ay iyagu ka yimaadeen, isla markaana la dhihi jiray mid ka mid ah xaafadaheeda Shangaani.

Qaar kale oo ka tirsan taariikhyahanada ayaa sheegay taa mid ka beddelan iyagoo ku doodday in magaca Shangaani uu ka yimid buur ku dhaweed Badda oo meel ka mid ahi intey dilaacday ay ka soo gudbi jireen biyaha Badda, iyadoo meeshaas ay dadku dharka ku meran jireen kuna qubeysan jireen,kadibna  magaca Shangaanina halkaas uu kasoo ifbaxay.

Buurtaan ay sheegeen in magaca shangaani uu ka yimid ayey tilmaameen in magaalada Muqdisho ay  xoogaa ka fogeyd oo ay ku taalay meel saacad iyo bar looga luggooyo Muqdisho.

Yey Ahaayeen Dadkii Ugu Horeeyey Ee Muqdisho Daga?
Waxay sheegeen taariikh-yahanadu in dadkii ugu horreeyey ee dega magaalada Muqdisho ay ahaayeen dad Carab ah oo ka yimid Jasiiratul-Carab.
Waxay sheegayaan taariikhyahanadu in dadka Carabta ahi ay Muqdisho soo dageen 2055 sano ka hor, taasoo noqoneysa xilli ka horreeya dhalashadii Nebi Ciise Calayhi Salaam.

Dadka xilligaas soo degay Muqdisho inkastoo lagu tilmaamay Carab haddana waxaa la sheegaa in ay midab ahaan kala duwanaayeen oo qaarkood cadcaddaayeen, halka qaarkalana ay maariin ahaayeen, iyadoo ay jireen qaar kale oo leh midabo kuwaasi ka duwan balse ka agdhow.
Read More
Powered by Blogger.

Search This Blog

© Copyright Saqiyare