Real Madrid oo doonaysa inay heshiis cusub ka saxiixdo Gareth Bale

Kooxda Real Madrid ayaa diyaar u ah inay ku abaal mariso laacibkeeda Gareth Bale qaab ciyaareedkiisa wacan ee uu ku soo bandhigay euro 2016.

Laacib kaan ayaa gaarsiiyay xulkiisa wareega 8-dhamaadka koobka qaramada qaarada yurub, Real ayaana ka baqaysa in laacibku uu dib ugu laabto horyaalka ingiriiska.



Telegraph ayaa shaaca ka qaaday in Real Madrid ay wadahadalo rasmi ah la bilowday wakiilada Gareth Bale si looga saxiixo heshiis cusub.

Real Madrid ayaa doonaysa in Gareth Bale uu kooxda u saxiixo heshiis ku eg ilaa 2021, iyaga oo kor u qaadaya mushaarka uu haatan ka qaato kooxda.

Qandaraaska Gareth Bale uu kula jiro Real Madrid ayaa ku eg 2019, wuxuuna mushaar ahaan u qaataa 9 milyan oo euro, Kooxda ayaa qorshaynaysa in heshiiska cusub uu ku qaato mushaar kabadan kan uu qaato Ramos oo ah 10 milyan oo euro.