Taariikh kooban oo kusabsan madaxweyne C/rashiid Cali Sharmaarke

Taariikh kooban oo kusabsan  madaxweyne  C/rashiid Cali Sharmaarke
Hadii aan   dhahno waxaan kahad leenaa  taariikhda  madaxweynahii hore ee C/rashiid Cali Sharmaarke  ma,aha mid la soo koobi karo balse waxaan ka tilmaameenaa  meelaha ugu   muhiimsan.
Allaha u naxariistee C/rashiid Cali sharmaarke waxuu ahaa madaweynihii labaad ee soomaaliya
Madaxweyne C/rashiid Cali Sharmaarke  waxuu talada dalka hayay intii udhaxeysay 10kii juun 1967 ilaa 15 octoober 1969




Dhalasho
Madaxweyne C/rashiid Cali Sharmaarke Waxuu dhashay sanaku markuu ahaa 1919kii , waxuuna kudhashay  Gobalka mudug  dagmada xaradheere
Waxbarashadiisii
Madaxweyne C/rashiid Cali Sharmaarke  waxuu Dugsi quranka dhameeyay sanadku markuu ahaa 1936dii,  Waxuuna dugsiga sare dhameeyay  sanadku markuu ahaa 1953dii ,
Madaxweyne C/rashiid Cali Sharmaarke Waxuu course scholarship  ah kahelay dowlada Talyaaniga  gaar ahaan   jaamacada    University of Rome {La sapienza } halkaas uu ku qalin jabiyay sanadku markey aheed 1958dii
Shaqooyinkii  uu soo qabtay
Waxuu soo noqday  ganacsade  kadina  waxuu noqday shaqaale ka shaqeeya civil servant  ee Maamulkii  Talyaaniga,
Waxuuna kamidnoqday ururkii la oranjiray : Somali youth league  [S Y L]   waxyar kadib markii la asaasay sanadkii 1943di waxuu kubiiray maamulkii Engiriiska ee Somali British administration civil service .
Madaxweyne C/rashiid Cali Sharmaarke sanadka makii uu ahaa 1959kii waxuu dib ugu soo laabtay Dalka Soomaaliya waxaana loodoortay inuu noqdo xubin katirsa golihii lagu magacaabijiray  :Somali legislative Assembly 
Markii  ay soomaaliya  xornimada heshay  1da luuliyo 1960kii waxaa loodoortay Ra,iisulwasaarihii ugu horeeyay ay  yeelato  jamuuriyada  Soomaaliya  uu madaxweyne ka ahaa : Mudane Aadan Cabdule  Cusmaan  [Aadan Cade] EEBE ha unaxariistee
Waxuune  dalka re,iisulwasaare ka ahaa intii u dhaxeysay 1960kii ilaa 1964tii,kadibna waxuu noqday xubin ka tirsan baarlamaanikii dalka  ee xiligaas
Sanadkii 1967dii doorashadii   ka dhacay dalka Soomaaliya waxaa loo doortay in uu noqdo madaxweynaha dalka  kabid marii uu kaga guuleystay   madaxweynihii  xiligaas mudane Aadan cabdule  cusmaan  oo ahaa madaxweynihii ugu horeeyay ee dalka soomaaliya
Madaxweyne C/rashiid Cali Sharmaarke  waxuu sidaas ku noqday  madaxweynihii  2aad ee jamuuriyada  soomaaliya
Dhimashadiisii
Madaxweyne C/rashiid Cali Sharmaarke    kadib laba sano uu talada  dalka hayay  waxaa ku dhacday  Arin aan illaa hada  lagaraneen  wax lagu tilmaamo .
Taasoo ah in uu toogtay askari katirsan ciidamadii ilaalada ka hayay   taariikhdu markey aheed 15kii October 1969kii asagoo  booqanayo laascaanood halkaas oo abaaro ka jireen

21kii October  wali iyadoo tacsidii tiiraanyada laheed  kajirta dalka  mar qura  waxey ciidamadii qalabka siday ay ku dhawaaqeen in ay talada  dalka la wareegeen  kadib  shir ay qaatenn   waxey ku dhawaaqeen in uu Dalka madaxweyne kayahay  Sareeye gaas Maxamed siyaad barre  oo ahaa taliyihii ciidamada xooga dalka soomaaliyeed  oo ilaa hada aan sugeyno dowlad  badalkeeda noogasho.

 


 


Waxaa  qoray: Shaafici Cabdi Cali [Aamusane]
WWW.Saqiyare.blogspot.com
Saqiyare24 show
page