Xulka Qaranka Faransiiska oo sanadkaan marti galinaya koobka Qaramada Yurub ee UEFA EURO 2016

Xulka Qaranka Faransiiska oo sanadkaan marti galinaya koobka Qaramada Yurub ee UEFA EURO 2016 ayaa soo caga dhigtay Semifiinaalka koobka horyaalada Yurub ka dib markii ay 5-2 ku xasuuqeen Qaranka Iceland oo xili ciyaareedkaan aad u kacsanaa
.

Faransiiska oo loo saadaaliyay hanashada koobkaan ayaa waxeey isku dhaceen xulka Germany oo isna Rigooreyaal ku soo reebay Qaranka Italia .

Goolasha Faransiiska ku xasuuqeen Qaranka Iceland waxaa u kala dhaliyay laacibiinta kala ah : Weeraryahanka reer Arsenal Olivier Giroud oo labo gool kala dhaliyay daqiiqadihii (12-aad & 59) , Xiddiga Juventus Paul Pogba (daqiiqadii 20-aad) , Laacibka naadiga Westham Utd Dimitri Payet (daqiiqadii 43-aad ) iyo weeraryahanka naadiga Atletico Madrid Antoine Griezmann (daqiiqadii 45-aad) ..

Koobka Qaramada Yurub ee UEFA Euro 2016 oo ay iskugu soo hareen 4-XUL oo kaliyay ayaa waxaa lagu wadaa in la kala ciyaaro maalmaha Arbacada iyo Qamiista.

xulka Portugal ayaa habeenimada Arbacada waxeey fooda is dari doonaan Wales oo soo reebtay Qaranka Belguim halka Germany oo Italia soo reebtay ay Qamiista kulan adag kala hor tagi doonta xulka Faransiiska .