daawo sidii quruxda badneed ee loogu dabaal dagay muqdisho 1da LUULIYO

Magaalada Muqdisho ayaa caawa si qurux badan looga dabaal dagay xuska Sanadguurada 56-aad ee ka soo wareegay Markii Goballada Koofur 01 July 1960-Kii, ay ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga, Islamarkaana ku asteysan Israaciil Labada Gobol ee Waqooyi iyo Koofur.

Munaasibadda oo ka dhacday Aqalka Dowladda Hoose Ee Xamar, ayaa waxaa ka qeybgalay, Boqollaal Dadweyne ah, ururada Bulshada, maamullada Degmooyinka Gobalka Banaadir, Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xubno ka tirsan Labada Gole ee Dowladda, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud.

Munaasibadda waxaa Qudbado ku saabsan taariikhda iyo halgankii dheeraa ee loo soo maray Xorriyadda Soomaaliya waxaa ka jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, Ku Xigeenka R,wasaaraha, Wasiirka Warfaafinta iyo Duqa Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo hadalka ku hormaray ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed inay gacmaha isqabsadaan, islamarkaana aysan hilmaamin dhibkii loo soo maray xornimada Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ku hadlaayay magaca guddiga qaban qaabada xuska 1-da luulyo ayaa sheegay inay ku guuleysteen in gobolada dalka iyo caasimada si isku mid ah ay uga dhacaan munaasabadaha xoriyadda.

Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte oo munaasabadda ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay midnimada leedahay iyo sida loogu baahan yahay in Soomaalida oo dhan ay uga wada shaqeeyaan mudnimada Ummadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aadan xuska 1-da Luulyo u diray dhammaan Ummadda Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan .