Xarakada Al-Shabaab ayaa mar kale xil muhiim ah waxa ay u magacaabeen Sheekh Maxameed Abuu Cabdalla

Xarakada Al-Shabaab ayaa mar kale xil muhiim ah waxa ay u magacaabeen Sheekh Maxameed Abuu Cabdalla, oo horey u ahaa Gudoomiyihii Al-Shabaab u qaabilsanaa Gobolka Shabeelaha Hoose.

Abuu Cabdalla ayaa loo magacaabay in uu noqdo Gudoomiyaha Al-Shabaab ee Gobolada Jubooyinka, waxaana lagu badalay Sheekh Xudeyfa Cabdiraxmaan oo horey u ahaa Gudoomiyaha Al-Shabaab ee goboladaasi.


Saraakiisha iyo Dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan gobolada Jubooyinka ayaa lagu wargaliyay in Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla uu yahay Gudoomiyaha cusub ee Al-Shabaab u qaabilsan Gobolada Jubooyinka .


Abuu Cabdalla ayaa mudo ku dhaw sagaal sanadood waxa uu ahaa Gudoomiyaha Al-Shabaab ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana xilkaasi laga qaaday bilo kahor, iyadoona hada loo magacaabay in Gudoomiye ka noqdo gobolada Jubooyinka.

Al-Shabaab ayaana gacanta ku heynta inta badan Gobolka Jubada hoose, hasa ahaatee waxa ay si buuxda u maamulaan Gobolka Jubada Dhaxe ay ku leeyihiin xarumo waa weyn.




Aamusane cabdi