Taariikh ku saabsan siduu ku baxay magaca muqdisho


Mujtamaca Soomaalida oo Bariga Afrika ku noolaa muddo badan wuxuu soo maray taariikho kala duduwan iyo qowmiyado ku kala horreeyey deegaanka.

Waxaan maanta si faahfaahsan u xusi doonaa taariikhdaan oo inta badan aan ka soo qaadaneyno buug uu qoray nin lagu magacaabo Shariif Caydaruus Cali Abuubakar, ninkaasoo si fiican ugu faahfaahiyey waxa ay ahayd Soomaalidii hore.


waxaana maalinba idiin soo qaadi doonaa meel xiiso leh. Haddii aan ka bilowno Muqdishooyin?, magaalooyinkaan halka magac leh markii loogu yeeri jiray sidaan waxay ahayd xilli qadiim ah waxaan magaalooyinkaas ku kulmi jireen amaba deganaan jireen dad ku noolaa deegaanadaan iyo kuwo ku imaan jiray safar xagga Badda ah oo ganacsi u badnaa.

Muqdishooyin oo dadka Carabta ahi ugu yeeri jireen Maqaadiish waxaa laysku oran jiray magaalooyinka Muqdisho, Merka, Baraawe, Cadale iyo War-shiikh.
Sida uu xusayo Buugga Bugyatul-aamaal Fii Taarikhi-Soomaal, mararka qaar magaalooyinkaan marka laysku geeyo ayey dadku u aqoon jireen Banaadir iyadoo Caasimadda Muqdisho gaar loo oran jiray,

Waayadaas dadka ku noolaa magaalooyin Xeebeedkaan waxay ahaayeen dad xagga Ganacsiga ku fiican oo ay caado u ahayd marka ay safraan haddii ay arkaan meel deegaanka ku haboon aysan dib ugu laaban halkii ay ka soo safreen oo halkaas deegaan guryeed hor leh ka sameystaan, taasoo badisay deegaanka dadeysan ama la degan yahay ee dhulka Soomaalida.


Sidee Ku Baxay Magaca Muqdisho?
Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadda Soomaaliya kuna taala Xeebta Badweynta Hindiya waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu da,da weyn dalka Soomaaliya iyo weliba magaalooyinka dunida. Taariikhyahanadu waxay sheegaan in magaca Muqdisho uu ka yimid amaba loogu magac darray Maqcaddu shaah oo macnaheedu yahay goobta uu fariisto Boqorka cajabiga ah ee aan Carabka ahayn.

Markii uu caan noqday Makaanu fadhiga loogu magac darray Caasimada ayey qubaro Carab ahi soo gaabiyeen labada eray ee is garab yaal ee Maqcad iyo Shaah oo ay ka soo dhigeen Muqdisho.

Erayga Maqcad ayaa waxaa laga jaray xarafka caynka, markaas ayaa la isi saaray kalimadaha Maqad iyo Shaah, markaas ayayEraydii noqdeen Maqad-shaah,
iyadoo haddana xarafka Alif ee ku jira Shaah marka uu Carabi ahaan u qoran yahay loo beddelay Waaw ama W, markaasoo uu magacii noqday Muqdishoh,

intaas kaddib dadka qaar kuwana sidaan ayey u adeegsan jireen,halka kuwa kalana xarafka ?H? ayey tuureen oo ay yiraahdeen (Muqdisho) oo ah sida loo badan yahay haddana inta badan la isticmaalo.

 Taariikhdaas fog waxay dadka qaar qabeen in magaca Muqdishoh uu asal ahaan ka yimid goobtii Xoolaha lagu kala gadanaayey, waxayna dadkii wax qori jiray ee xilligaas inta badan adeegsan jireen  dhawaaqitaanka ah (Muqdishoh).

. Dhammadkii Qarnigii 15-aad mar Bortaqiisku ay qabsadeen Xeebaha Bariga Afrika ayey iyaguna ugu yeereen magaca magaaladaan ?Mogadixo? oo dhawaaq ahaan ay Carabiga is shabahaan maadaama xarafka X afafka Bortaqiiska iyo Spanish-ka uu ku yahay xagga dhawaqa Sh..

Magaalada Muqdisho oo aan horey u soo sheegnay inay ka mid tahay magaalooyinka ugu da?da weyn dunida waxay leedahay xaafado fara badan oo laakiin taariikhda aasaaskoodu uu kula dambeeyey.

Xaafadaha Muqdisho waxaa ugu horreeyey uguna da,weyn Xamarweyne oo hadda degmo ah, waxaana ku soo xigay xaafaddii Shangaani oo imminka iyaduna degmokale ah, xaafadaha kale ee Muqdishana wey ka dambeeyaan labadaan qadiimka ah.












Aamusane Cabdi