TOBANKA Ciyaartoy Ee Saaka Oo Talaado Ah Loogu Hadal-heynta Badan Yahay Suuqa Kala Iibsiga

Asalaamu calaykum waraxmatulaah, dhamaan akhristayaasha sharafta iyo ixtiraamka naga mudanow ku soo dhawaada barnaamujkeenii tobanka ciyaartoy ee ugu qiimaynta sareeya suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee saaka oo Talaado ah kuwaas oo inta ugu badan looga hadlay suuqa kala iibisaga isla markaana  lala xidhiidhinayo kooxo cusub. Suuqa kala iibisaga ciyaartoyda ayaa si rasmi ah u furmay waxayna koox kastaaba u furan tahay in ay samayso saxiixyo cusub.

Football Whispers oo ah shabakada ugu horaysa dhinaca saadaalinta suuqa kala iibisaga ayaa qiimayn khaas ah ku samaysa wararka ciyaartoyda sida wayn loogaga hadlo suuqa kala iibsiga, waxayna si joogto ah u soo gudbisaa hadba ciyaartoyda loogu hadal haynta badan yahay suuqa kala iibisaga iyo kooxaha doonaya ee lala xidhiidhinayo.


Qiimaynta Football Whispers  ee suuqa kala iibisaga waxaa ugu sareysa 5 oo ah xiddig sida ugu weyn loo hadal hayo waxayna Sky Sports iyo Football Whispers  ay iska kaashadaan in ay hadba soo saaraan ciyaartoyda suuqa kala iibsiga sida wayn looga hadal hayo iyo qiimaynta oo la socota. Haddaba Shabakada Laacib.net ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa tobankii ciyaartoy ee saaka suuqa inta ugu badan looga hadlay.

Waa saaka dhanka saadaasha suuqa kala iibsiga u sareeya daafaca kooxda Augsburg Ragnar Klavan kasoo la filayo inuu maanta tijaabada caafimaadka u maro kooxda Liverpool iyadoo kabtanka xulka Estonia uu buuxinayo booskii uu baneeyay Kolo Toure ee dhanka khabiirnimada.

Xiddig kale oo la filayo in heshiiskiisa goordhow lagu dhawaaqo ayaa dhanka hadal-heynta ku jira kaalinta labaad waa Georges-Kevin Nkoudou kaasoo la filayo inuu ka soo tago Marseille kuna biiro kooxda reer London ee Tottenham Hotspur.

Waxaa iyadana isa soo taraya wararka Arsenal la xiriirinaya xiddiga weerarka ka ciyaara ee Lyon Alexandre Lacazette kaasoo saaka qiimeynta saadaasha suuqa kala iibsiga ee Football Whispers ka soo galay kaalinta seddex. Xiddig kale oo la filayo inuu Arsenal ku biiro ayaa afaraad ku jira saaka waa xiddiga da’da yar ee Bolton Rob Holding.

Pual Pogba oo beryahaan qabsaday suuqa kala iibsiga ayaa kaalinta shanaad ku jira waxaana weli la hadal-hayaa inuu ka tagayo Juventus kuna biirayo kooxdiisa hore ee Manchester United weliba heshis noqon doona rikoorka adduunka.

Xiddig hore oo Man United ah ayaa isna la filayaa inuu ku soo laabto Ingariiska iyadoo weeraryahanka Fenerbahce Robin van Persie la filayo inuu u saxiixo kooxda Stoke City.

Xiddigaha kale ee qiimeynta ku jira waxaa ka mid ah Julian Draxler oo weli lala xiriirinayo Arsenal iyo Mustafi oo la filayo inuu Valencia kaga biiro Chelsea.

Haddaba akhriste halkan kaga bogo dhamaan tobanbka ciyaartoy ee saaka suuqa kala iibsiga ugu qiimaynta sareeya, kooxaha lala xidhiidhinayo iyo waliba qiimaynta suurtogalnimada ay kooxahan ugu biiri karaan oo dhamaystiran: