Barcelona Oo Saxiixa Kubadsameeye Andre Gomes Ku Garaacday Real Madrid, Chelsea Iyo Juventus

Barcelona ayaa ku dhawaaqday inay heshiis la meeldhigtay kooxda Valencia iyadoo kala soo saxiixaneysa xiddiga qadka dhexe ee reer Portugal Andre Gomes
Gomes ayaa laba xilli ciyaareed ku qarash gareeyey horyaalka La Liga ka dib markii ay Valencia kala soo wareegtay kooxda ka dhisan dalkiisa Portugal ee Benfica bishii July 2014kii.

22 sanno jirkaan ayaa ka qeyb ahaa xulkii Portugal ee ku guuleystay Euro 2016 iyagoo finalka tartankaas ku garaacay qaranka France.
Wararku waxay sheegayaan inay Barcelona adduun lacageed dhan 40 milyan oo euros kusoo iibsatay Gomes, kaasoo 30 kulan u saftay kooxdiisa isla markaana u dhaliyey seddax gool horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.
Gomes oo sidoo kale 13 kulan u ciyaaray xulkiisa qaranka Portugal ayaa bartilmaameed u ahaa kooxda ay xifaaltamaan Barcelona ee iyana ka ciyaarta horyaalka La Liga ee Real Madrid, si la mid ah Chelsea iyo Juventus.
Wuxuu noqonayaa saxiixii afaraad ee uu tababare Luis Enrique ka sameeyo suuqa kala iibsiga xagaagaan ka dib Samuel Umtiti, Lucas Digne iyo Denis Suarez. Sidoo kale dhabarjab weyn ayey ku tahay Real Madrid in looga adkaado saxiixa Gomes iyadoo u muuqata inay durba ku guuldarreysatay saxiixa Paul Pogba.
Xiddiga heerka caalami ee dalka France oo ay muddo dheer baadigoobeysay kooxda ka dhisan Santiago Bernabeu, ayaa haatan qarka u saaran inuu heshiis ku kacaya in ka badan 100 milyan oo ginni ugu wareego Manchester United.

 Aamusane Cabdai