Munir El Haddadi Oo Qandaraaska U Kordhiyay Barcelona

Kooxda heysata horyaalka La Liga ee Barcelona ayaa ku dhawaaqday goordhaweyd inay heshiis kala gaareen xiddiga weerarka ka ciyaara Munir El Haddadi inuu qandaraaska u kordhiyo kooxda.

Munier El Haddadi ayaa ogolaaday inuu qalinka ku suugo heshiis cusub oo seddex xilli ciyaareed ah isagoo baaqi ku sii ahaan doona Camp Nou iyo 30ka bisha Juun 2019, waxaana ay wararka sheegayaa in sidoo kale qandaraas kordhin loo sameeyay.

Barcelona ayaa sidoo kale shaacisay lacagta lagu burburin karo qandaraas cusub ee 20 sanno jirkaan asalkiisa uu ka soo jeedo Morocco, waxaana kooxdii dooneysa ay kula wareegi karaan 60 milyan euro.

Sida lagu sheegay warbixin rasmi ah oo ay Barcelona soo saartay, ciyaaryahanka ayaa qalinka ku duugi doona heshiiska cusub maanta oo talaado ah saacada geeska Afrika marka ay tahay 1da iyo 30 daqiiqo oo duhurnimo, waxaana raaci doona sawiro laga qaadi doono.

Munir El Haddadi ayaa ka soo gudbay kooxda Barcelona B sannadii 2014 waxaana uu tan iyo markaas u saftay kooxda Barcelona 25 kulan horyaalka La Liga isagoo mudadaad dhaliyay afar gool, waxaana ay Blaugrana u arkaan xiddig mustaqalka ah.

Munir ayaa sidoo kale kulankiisii ugu horeysay ee xulka qaranka Spain waxa uu u saftay 8dii bishii September 2014 kulan ay la ciyaareen xulka Macedonia.

Dhanka kale kooxda Barcelona ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in da’ yarka ka soo dalacay Barcelona B Sergi Samper isna inuu saxiixay heshiis cusub oo uu kooxda ku joogayo ilaa iyo 2019.