Tariikhda Iyo Waqtiga La Ciyaarayo Labada Lug Ee Koobka Spanish Super Cup Ee Barcelona & Sevilla Oo La Shaaciyay

Waxaa la shaaciyay waqtiga la ciyaarayo kulanka labada lug ee Supercopa de España ee u dhaxeeya kooxda hanataya horyaalka La Liga iyo Copa del Rey ee Barcelona iyo kooxda kaalinta labaad ka soo gashay koobka boqor Copa del Rey ee Sevilla.

Lugta hore ee kulanka Spanish Super Cup waxa la ciyaarayaa 14ka bisha Agoosto ee soo socota waxaana ay ka dhaceysaa magaalada Sevilla saacada geeska Afrika marka ay tahay 11ka habeenimo, halka lugta labaad ay ka dhici doonto Barcelona 17ka bisha Agoosto saacada geeska Afrika marka ay tahay 12ka habeenimo.

Taariikhda la ciyaarayo labada kulan ee Supercopa de España ayaa waxaa xaqiijiyay golaha guud ee xiriirka kubada cagta Spain ka dib markii Sevilla ay codsatay in la bedelo taariikhihii marka hore la soo jeediyay 12ka iyo 14ka Agoosto sababtoo ah waxa ay 9ka bisha Agoosto koobka European Super Cup la ciyaarayaan kooxda Real Madrid.

Barcelona ayaa la ciyaartay Sevilla koobka European Super Cup sannadkii hore waxaana ay ku badisay kooxda Catalans 5-4. Waxa ay sidoo kale wada ciyaareen dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore finalka Copa del Rey iyadoo Barcelona ay 2-0 ku badisay.