Sawirada: Nin Toorey iyo Masaar watay oo Weerar Qasaaro dhaliyay ka geestay dalka Garmalka

Saraakiisha dalka Jarmalka ayaa sheegaya in wiil muhaajir ah oo u dhashay dalka Afqaanistaan uu weeraray rakaab saarnaa tareen, dhowr qof ayaana lagu soo waramayaa in uu ku dhaawacay masaar iyo toorrey.

Saddex qof ayuu dhaawac xun ka soo gaaray, ayadoo mid afar kalena uu dhaawac fudud ka soo gaaray weerarkaas oo sida boolisku sheegay ka dhacay magaalada Wurzburg.

Warar hordhac ah waxay sheegayeen in dadka dhaawacmay ay gaarayeen ilaa 20, laakin goor dambe ayaa la ogaaday in ilaa 14 qof laga daweeyey naxdintii ay halkaa ka qaadeen. Sababta weerarka ayaan weli caddayn.

Wasiirka arrimaha gudaha ee gobolka Bavaria wuxuu sheegay in weerarka uu qaaday 17 jir qaxooti ah oo u dhashay Afghanistan, kaasoo ku noolaa magaalo yar oo halkaa u dhow.

Idaacadda ARD ayuu u sheegay in wiilkaas uu u muuqday inuu soo galay jarmalka isagoo aysan cidna la socon. Wuxuu kaloo sheegay in maamulayaashu ay eegayaan warar sheegaya inuu ku qaylinayey ‘Allaahu Akbar’ intii uu dadka masaarta la dhacayey.

Weerarka ayaa ka dhacay tareen gudihiis abaarihii 10:15 Afrikada bari. Booliska ayaa sheegaya in wiilkaas uu markii dambe cararay, laakin boolisku ay eryadeen oo ay toogasho ku dileen.

Inkastoo aan weli la ogaan sababta, ayaa wariyaha BBC ee Berlin wuxuu sheegayaa in Jarmalka uu ka jiro dareen caro leh oo ku saabsan weerarrada ay qaadeen islaamiyiinta xagjirka ah, gaar ahaan kuwii ka dhacay faransiiska.

Bishii May ayey ahayd markii nin sida la sheegay ku qaylinayey ‘Allaahu Akbar’ uu hal qof middi ku dilay 3 kalena ku dhaawacay maxaddad tareenka laga raaco oo ku taalla Munich. Goor dambe oo la geeyey isbitaalka dadka madaxa ka xanuunsanaya ayey maamulayaashu sheegeen inaysan helin wax ninkaas xagjirnimo la xiriirinaya.