Maradona oo ka hadlay Ronaldo iyo Griezmann

 Halyeeyga reer Argentina ee Maradona ayaa ka hadlay kulanka caawa dhex mari doona xulalka Portugal iyo France kaas oo ah kama danbaysta koobka qaramada qaarada yurub.

Maradona ayaa ku amaanay Ronaldo inuu 2-Final ciyaaro isaga oo da’diisu tahay 31 jir, wuxuuna ula jeedaa Final-kii Champions League iyo kan haatan ee Euro 2016.

Dhanka kale wuxuu ka digay qatarta Griezmann uu samayn karo caawa kadib markii xulkiisa uu geeyay Final-ka xili uu 2-gool ka dhaliyay Germany.


“Ronaldo? Final-kii labaad ayuu ciyaarayaa isaga oo ah 31 jir, tani waa fursad u wanaagsan Ronaldo si uu sharaf ugu soo hooyo xulkiisa” ayuu yiri Maradona oo la hadlay The Times of India.

“Sida France ay ugu fikirayso celinta Ronaldo ayeey Portugal ugu fikiraysaa celinta Griezmann, wuxuu leeyahay taabasho qurxoon iyo lug bidix oo cajiib ah, 6 gool ayuu dhaliyay intii uu socday koobkan”.

“Pogba dib ayuu u helay qaab ciyaareedkiisii wacnaa, qadka dhexe ee France waa mid dhamaystiran, Portugal cadaadis daran ayeey wajihi doonaan”.