Ciidamo Cusub oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Dowlada Uganda ayaa ciidamo cusub oo badal u noqonaya ciidamo dalkooda ku laabanaya usoo dirtay dalka Soomaaliya, waxaana Ciidamadan ay kasoo dageen laguna soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ciidamadan Cusub ee yimid Soomaaliya ayaa katirsan ciidanka gaarka ah ee UPDF , waana ciidamo si gaar ah u tababaran oo loogu yeero (UGABAG XIX), ciidamadan ayaana qeyb ka noqonaya howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
'
Saraakiisha ciidamada AMISOM , ayaa sheegay in ciidamadan cusub la geenayo gobolka Shabeelaha Hoose, wxaaama ciidamadan badalayaan ciidamo kale oo Ugaamdhees ah kuwaa oo mudo sanad ah ka howlgalayay gobolka Sh.Hoose.

Taliyaha Ciidamada Uganda ee howl galka AMISOM Brig. Sam Okiding, ayaa tilmaamay in ciidamadan cusub ay yihiin kuwa aad u wanagasan una tababaran, waxa uuna rajo ka muujiyya in ay wax badan qaban doonaan.

Dowlada Uganda ayaa kamid ah Dowladaha ciidamada ugu deeqay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxaana Uganda gudaha Soomaaliya ka jooga 6,700 oo askari oo ku howlgala magaca AMISOM.