Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heleyso

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heleyso Shabakada Saqiyare.blogspot.com ayaa xaqiijinaya in Gen. Cabdulaahi Gaafow Maxamuud si rasmi ah loogu magacaabay in uu Noqdo Taliyaha Hay'ada Nabad Sugida Qaranka oo markii hore si KMG ah loogu dhiibay.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa lagu magacaabay in Jen. Gaafow uu noqdo Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida Qaranka , waxaana xogta aan helnay sheegayaan in Gen. Gaafow Wareegtada loo geeyay uu aqbalay in xilkaasi si rasmi ah u qabto.

Waxaa meesha ka baxay Warar horey usoo baxay oo sheegayay in Taliyaha Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka loo magacaabayo shaqsi kale, waxaana Gen. Gafaow in si rasmi ah u noqdo Taliyaha NISA soo dhaweeyay dad badan, kuwaa oo aaminsan in uu wax badan qaban doono.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan si KMG ah ugu magacaabay Taliyaha Nabad Sugida Qaranka Gen. Gafaow kadib markii xilka laga qaaday Taliyihii hore ee Nabad Sugida Gen. Cabdiraxmaan Tuur yare .