Xidiga Cusub Ee Liverpool Ee Marko Gjuric Oo Helay Warqada Shaqo Ee Ingiriiska Laakin Wali Diyaar Uma Ah Kulanka Koowaad Ee Kooxdiisa

Liverpool ayaa xaqiijisay in ciyaariyahankeeda cusub ee Marko Grujic uu helay warqada ogolaansho ee shaqada dalka ingiriiska kadib markii uu xidigaan wareysi ku maray magaalada Manchester isniintii hore.

Jurgen Klopp ayaa lasoo wareegay 20 jirkaan wuxuuna isagoo kasoo bixiyay lacag dhan £5.1 milyan oo pound waxayna kala soo wareegeen kooxda Red Star Belgrade halkaasoo uu amaah ku soo qaatay lix bilood.

Sadex nin oo ka socday xiriirka kubada cagta ingiriiska ee FA ayaa hoteel ku yaala magaalada Manchester kula kulmay xidigan xulka Serbia waxaana laga qaaday wareysi dheer.
Si kasto wali waxaa jira howlo u dhiman iyadoo la filayo inuu ciyaariyahanka ka baxo boqortoyda ingiriiska kadibna ku soo laabto United Kingdom taasoo keeneysa inuu seego kulanka ugu horeeyay ee Liverpool ee saaxiibtinimo ee ay la leeyihiin Tranmere jimcaha.