Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta tababar ugu soo xiray magaalada Kismaayo Ciidamo katirsan Maamulka Jubbaland gaar ahaan ciidamada gaarka ah ee loogu tala galay ilaalinta Madaxtooyada.



Axmed Madoobe oo ka hadlay Munaasabada tababarka loogu soo xiray ciidamadan katirsan ilaalada Madaxtooyada Jubbaland ayaa kula dar daarmay in ay kasoo dhalaalan waajibaadka loo igmaday ayna noqdaan ciidan daacad ah.

'' Waxaa la idinka doonayaa in aad kasoo baxdaan waajibaadka la idin igmaday, waxaad ilaalineysaan Muraayadii Jubbaland , waxaa la idinka doonayaa in aad dadaal badan ku bixisaan waajibaadka idin saaran'' Ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa gabo gabadii ciidamada maanta tababarka loo soo xiray kula dar daarmay in ay ilaah ka cabsadaan oo ay dukadaan Salaada, waxa uuma uga digay in ay isticmaalaan Mukhaadaraadka nuucyadiisa kala duwan.