Pele Oo Markiisii Seddaxaad Guursaday,

Halyeeyga kubadda cagta Brazil Pele ayaa markiisii seddaxaad noloshiisa guursaday xalay oo Sabti aheyd, isagoo la aqal galay gabadha ay mudada dheer haasaawaha wadaagayeen ee Marcia Cibele Aoki.
75 sanno jirkaan ayaa guursaday gabadhaan oo ay saaxiib ahaayeen muddo lix sanno ah isla markaana 50 sanno jirta ah, waxaana xafladda guurkiisa lagu qabtay xaafadda Guaruja ee magaalada Sao Paulo ee dalkiisa Brazil.
Guurkaan ayaa la qorsheeyey inuu dhaco laba sanno ka hor, laakiin waxaa la baajiyey markii ay xanuuno lasoo derseen xiddigii hore ee qaranka Brazil taasoo keentay in isbitaal la dhigo Pele.
Dabayaaqadii 1980meeyadii ayey labadoodu ku kulmeen magaalada New York laakiin waxay haasaawahooda bilaabeen sannadkii 2010kii ka dib markii ay markale ku kulmeen magaalada Sao Paulo. Afar sanno ka hor ayeyna aheyd markii uu Pele saaxiibtiis kusoo bandhigay xaflad kubadda cagta ah oo lagu qabtay magaalada Monaco.
Pele ayaa seddax caruur ah ka dhalay xaaskiisii ugu horreysay Rosimeri Cholbi taasoo ay 12 sanno isqabeen, halka uu laba caruur ah ka dhalay xaaskiisii labaad Assiria Nascimento oo ay 14 sanno isqabeen.
Gabadhaan u dhalatay dalka Japan ee Marcia ayaa ah shaqsi guulo ka gaaray ganacsiga waxayna leedahay warshado soo saara qalabka caafimaadka, waxaana xusid mudan inuu aabaheed yahay dhakhtar caruurta daweeya.
Ka dib ku dhowaad 33 sanno oo ay xiriir wadaagayeen, labadaan shaqsi ayaa si rasmi ah u midoobay xalay oo Sabti aheyd, halkaan hoose ayaadna ka daawan kartaa sawirradii arooska Pele.