Tababaraha Shaqada Xulka Qaranka Spain Iska Casilay Ee Vicente del Bosque Oo Cadeeyay In Uu Fariin U Wada Diray Dhamaan Ciyaartoyda Spain Marka Laga Reebo Iker Casillas Iyo Sababta Aanu Casillas Fariinta Ugu Dirin

Tababaraha shaqada xulka qaranka Spain ka fadhiistay ee Vicente del Bosque ayaa shaaca ka qaaday in uu fariin u wada diray dhamaan ciyaartoyda xulka qarankiisa Spain marka laga reebo goolhaye Iker Casillas. Del Bosque ayaa si rasmi ah iskaga casilay shaqada tababaranimo ee La Roja kadib markii ay wareega 16 ka ay kaga soo hadheen Euro 2016.

Vicente del Bosque ayaa sheegay ayaa sheegay in ay isku dhaceen Casillas isla markaana aanu fariinta u dirin wuxuuna yidhi: “Casillas wuu ku fiicnaa ciyaatoyda ay isku kooxda yihiin, laakiin kumuu fiicnayn shaqaalaha tababarka, sababtaas awgeed waxa uu ahaa ka kaliya ee aanan fariinta bixitaankayga u dirin. Xumaan ayuu aniga iga dareemayay, sidoo kale waxa uu xumaan ka dareemayay tababaraha taam ahaanshaha Javier Minano iyo  caawiyaha tababaraha ee  Toni Grande, cidkasta oo kale way isku fiicnaayeen. Cadhadu anaga ayay ahayd”.



Casillas ayaa goolhaha kowaad ee Spain ahaa muddo toban sano ka badan laakiin Vicente del Bosque ayaa tartanka qaramada Yurub u soo doortay David De Gea taas oo keentay in ay isku dhacaan Vicente del Bosque iyo Casillas, wuxuuna Del Bosque oo hadalkiisa sii wataa uu yidhi: “Anigu waxaan hubaa in Casillas uu dhibaato ii hayo ama aanu igu faraxsanayn aniguna taas waan fahansanahay, waxa uu aaminsan yahay in aanu samaynay wax qaldan”.


Ugu danbayn Del Bosque ayaa sheegay in aanu isaga niyadjabin Casillas wuxuuna yidhi: “Aniga Casillas imuu niyadjabin aad ayaan isaga ugu bogay, anigu waxaan isaga aqaanay tan iyo markii uu sagaal jirka ahaa, waalidkiisa ayaan waqti dheer aqaanay marka laga soo bilaabay waqtigii ay tababarka keeni jireen waanan ku faraxsanahay in ciyaartoygaasi uu kulamo badan u ciyaray kooxda xulka qaranka”.