C R 7 oo tababare is ku badalay mudo 30 daqiiqaa

Marka aad tahay ciyaaryahan mashiin gooldhalineed ku ah garoonka dhexdiisa sida Cristiano Ronaldo, waa ay adag tahay in lagaa fisho tababarahaaga gashaadiisa si kale haddii loo dhaho waa ay adag tahay in la qiyaaso adigoo keydka fadhiya kulan muhiim u ah sida finalka Euro 2016.
Intaas waxaa sii dheer, haddii aad dhaawac ku baxdo ciyaarta oo mareysa keliya 25 daqiiqo taasi waxay muujineysaa inuu soo dhammaaday waqtigaagii garoonka ee ciyaartaas. Ciyaartoyda ayaana intooda badan la keeyaa qolka lebiska iyagoo aan caro darteed la daawan inta ka dhiman ciyaartaas.
Laakiin markii uu Ronaldo ka baxay ciyaarta finalkii Euro 2016 ee uu xulkiisa Portugal ku wajahay France, miyaad si sahal ah ugu fikirtay inuu soo dhammaaday waqtigiisii kulankaan? Gabi ahaanba, been ayaad aamintay. Laakiin wuxuu soo laabtay dhammaadkii waqtigii caadiga ahaa ee ciyaarta garoonka ayuuna soo galay halkaasoo uu si aan caadi aheyn ugu dhiirigeliyey ciyaartoyda qarankiisa.


Wixii ka dambeeyey markii ay bilaabatay 30kii daqiiqo ee dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray, xiddiga Real Madrid ayaa ahaa tababaraha ku meel gaarka ah ee xulkiisa sababtuna waxay tahay isaga ayaa kursiga keydka dhiirigelinta ugu badan kasoo dirayey iska iloow tababare Fernando Santos.
31 sanno jirkaan ayaa ilmo jabsaday markii uu Eder qaranka Portugal u dhaliyey goolka ugu dambeyntii noqday midka guusha, iyadoo Selecao ay markii ugu horreysay ciyaar tartan rasmi ah kaga adkaaday France.
Kaba sii darane, markii la yeeriyey seerigii ugu dambeeyey ee ciyaarta Portugal ay xaqiijisay hanashada koobkedii ugu horreeyey ee weyn iyadoo loo caleemo saaray European Champions, Ronaldo wuxuu iska siibay jaakaddii uu xirnaa wuxuuna u tuuray taageereyasha.
Maxaad ka sugeysay? Ka dibna wuxuu usoo lebistay sida ciyaaryahan dhammeystay kulanka isagoo marada hogaamiyenimo ee kabtanka Portugal kala wareegay Luis Nani, ugu dambeyn isaga ayaa qarankiisa u qaaday koobkoodii ugu horreeyey ee caalami ah, waana hubaal inuu Ronaldo sidaasi ku yahay ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee soo maray taariikhda Portugal.


“Ronaldo ayaa ii sheegay inaan dhalin doono goolka guusha,” ayuu Eder u sheegay wargeyska A Bola ee kasoo baxa dalkiisa. “Wuxuu i siiyey kalsoonidaas. Laakiin goolkaasi wuxuu ahaa mid xulka oo dhan uu si xoogan uga soo shaqeeyey. Kuwo heer sarre ah ayaan aheyn ciyaartaan oo dhan waxaana u carareynay sida mashiino oo kale.


Ronaldo ayaa sheegay in koobkaan uu baal dahabi ah kagalay waayihiisa ciyaareed maadama uu yahay koobkii ugu horeeyay ee uu la qaaday xulkiisa.
“Waqtigaan waa kii iigu farxada badnaa noloshayda, wax walbo oo shaqsi ahaana waan ku guulaystay sidoo kale guulo ayaan ka gaaray dhanka kooxaha, laakiin waxaa iga dhimanaa oo kaliya inaan wax uun la qaado xulkayga qaranka” ayuu yiri Ronaldo dhamaadkii ciyaarta
“Ilaaheey ayaan u mahadcelinayaa waayo ugu danbayntii koob ayaan la qaaday xulkayga, ka qaybgal kaygu ma ahayn 100% taas ayaana ah niyad jab laakiin waxaa i caawiyay asxaabtayda iyo tababaraha”.
“Sanado badan oo aan dadaal bixinay, majirin cid na aaminaysay, waa sax in nasiibku uu na caawiyay laakiin ogoow in nasiibku uu yahay wax lagama maarmaan ah”


                                                               Aamusane  cabdi