War Deg-deg ah: Milateriga wadanka Turkiga oo shaaciyey iney la wareegeen talada dalkaas

Askar ka tirsan milateriga Turkiga ayaa sheegay in ay la wareegeen awoodda dalkaasi, ka dib markii la arkay diyaarado dagaal oo joog hoose ku dulmaraya caasimadda Ankara.

Ciidanka ayaa xiray buundooyinka Bosphorus iyo Fatih Sultan Mehmet ee ku yaalla magaalada Istanbul.

Telefishinka CNN iyo wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegaya in madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu badqabo, balse ma aanay sheegin halka uu ku sugan yahay.

Ra’iisul wasaaraha Turkiga, Binali Yildirim, ayaa sheegay in milateriga dalkaasi ay “fuliyeen fal aan loo idmin” balse aanu afgemi ahayn.

Waxa uu intaa raaciyay in aanay jirin wax dhibaato u geysan kara dimuqraadiyada Turkiga.
Mr Yildirim ayaa sheegay in ciidanka ammaanka ay xaaladda faraha ku hayaan.

Xigasho: BBC