Qarax khasaare nafeed sababay oo ka dhacay degmada Afgooye & faahfaahino ka soo baxaya

Qarax ayaa barqadii maanta ka dhacay duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose, iyadoo faahfaahino ay ka soo baxayaan khasaaraha ka dhashay.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan oo loo adeegsaday miino la aasay uu ka dhacay bar control oo ciidamada dowladu ku leeyihiin duleedka degmada Afgooye.

Sida dad goob joogayaal ah ay warbaahinta u sheegeen Ciidamada ku sugnaa bartan Koontrool ayaa qaraxa ka dib ooda ka qaaday rasaas ay hareeraha u fureen taasoo aan la ogeyn khasaaraha ay geysatay.

Dhowr askari oo ka tirsana ciidamada dowlada ayaa ku dhintay qaraxan halka qaar kale ay ku dhaawacmeen sida uu sheegay Mahdi Xasan oo ah guddoomiye ku-xigeenka dhanka amniga maamulka degmada Afgooye.

Ciidamo kale oo ka tirsan dowlada ayaa halkaas gaaray, kuwaasoo xiray goobta la qarxiyey, isla markaana baaritaano ka waday, inkastoo aan la sheegin dad ay illaa hadda weerarkan u soo xireen.