Sacuudiga iyo dowladaha Islaamka qaarkood ayaa ku dhawaaqay goor dhow in maalinta beri oo Talaado ah ay tahay maalinta Soddonaad ee ugu dambeysa bisha Ramadaan.

Wasaarada diinta iyo awqaafta Sacuudiga ayaa sheegtay in maalinta Arbacada ah ee xigta oo bisha Shawaal ay tahay kow ay noqon doonto maalinta koowaad ee Ciidul fitriga.

Go'aankan ayey wasaaradu sheegtay inuu yimid ka dib markii la waayey cid aragta bisha Shawal oo caawa la filayey iney Bilato.

Dowlado kale oo ay ka mid yihiin Qatar, Malaysia ,Indonesia,Iraq iyo Urdon ayaa sidoo kale saacado ka hor shaaciyey in maalinta beri ah ay tahay soddonka Ramadaan.

Umadaha islaamka ee ku baahsan caalamka ayaa maalmahan diyaar garow xoogan ugu jiray soo dhoweynta munaasabada Ciidul fitriga oo ku beegan maalinta arbacada ah ee fooda nagu soo heysa.

Dowlada Soomaaliya masuuliyiinta u qaabilsan wasaarada awqaafta iyo arrimaha diinta ayaan weli war ka soo saarin in maalinta beri ay tahay ciid iyo in kale.



Aamusane cabdi