Somaliland oo gacanta ku dhigtay xildhibaan ka tirsan Puntland ka dib dagaalo saaka ka dhacay.

Dagaalo ayaa maanta ka dhacay degaan lagu magacaabo Booda oo hoos yimaada degmada Badhan ee gobolka Sanaag kaasoo dhexmaray ciidamo kala taabacsan maamulada Somaliland iyo Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalku uu bilowday markii ay degmada Badhan gaareen wafdi uu horkacayo Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, iyadoo uu halkaas horey ugu sugnaa wafdi kale oo ka yimid dhinaca Puntland kaasoo uu horkacayey Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee maamulkaas.

Wafdiga ka socday Somaliland ayaa lagu soo waramayaa iney degmadaas gaarsiiyeen sanaadiiqda codbixinta, waxaana ka soo horjeestay dadka degaanka oo taageersan maamulka Puntland, taasoo keentay inuu halkaas dagaal ka qarxo.

Rasaas xoogan iyo qaraxyo ayaa saaka laga maqlay goobaha lagu dagaalamay, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in ciidamada Puntland laga saaray degaanka.

Ciidanka Somaliland ayay wararku sheegayaan iney gacanta ku dhigeen xildhibaan Maxamed Faarax Aadan (Canjeex) oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland iyo Ilaaladiisa.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Xildhibaanka la qabtay Xilli uu marayay meelo ku dhow goobaha lagu dagaalamay, waxaana sidoo kale jira warar sheegaya in gaari dagaal laga qabsaday ciidanka Puntland.

Dagaalkan ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo illaa hadda aan la ogeyn tirakoobkiisa.

Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaan illaa hadda ka hadlin dagaaladan, waxaana xiisado colaadeed laga dareemayaa goobihii saaka lagu dagaalamay.