Tuug isku dayay in uu Dhaco Guriga Macalin Jose Mourinho oo fashilmay lana qabtay

Nin Tuug ah oo doonayay in uu u dhaco guriga macalinka cusub ee Kooxda Manchester United Jose Mourinho , ayaa ku fashilmay qorshaha dhacaasi.

Jose Mourinho , ayaa xili uu daawanayay Telefishin waxaa uu maqlay qeylada mid kamid ah haweenka gurigiiisa ka shaqeysa taa oo aragtay nin tuug ah oo doonayay in uu guriga Macalinka usoo dhaco.

Ninka Burcadka ah ayaa doonayay in in uu soo galo albaabka qol dhulka hoostiisa ku jira ee gurigiisa 25ka milyan ginni ee ku yaala magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska.

Tuuga ayaa markii la arkay kuna fashilmay in uu u dhaco guriga Macalinka Manchester United ayaa isku dayay in uu baxsado hasa ahaatee waxaa gacanta ku dhigay ilaalada gurigaasi oo gacanta u galiyay ciidamada booliiska.


Saraakiil boliiska ah ayaana soo gaaray gurigiisa bartamaha maaalada London iyagoo jeebadeeyay tuuga iyadoo tababaraha Manchester United Mourinho iyo xaaskiisa Matilde Faria ay ka soo daawanayeen daaqada.