Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab ay dagaal kula wareegeen Deegaanka Diif ee katirsan dalka Kenya.

Wararka ka imaanaya gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in dagaalyahano hubeesan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab ay dagaal kula wareegeen Deegaanka Diif ee katirsan dalka Kenya.


Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in dagaal uu halkaasi ku dhax maray ciidamada booliiska dalka Kenya iyo dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al-Shabaab kuwaa oo weerar ku qaaday saldhigayada ay ciidanka booliiska ku lahaayeen Deegaankaasi.


Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay dagaal kula wareegtay Deegaanka Diif ayna halkaasi ka eryeen ciidamo katirsan booliiska dalka Kenya oo deegaankaasi ku sugnaa.

Dagaalka labada dhinac ku dhax maray Deegaanka Diif ayaan wali la ogeyn qasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay , Dowlada Kenya ayaana ka hadin dagaalka iyo deegaankan la sheeay in Al-Shabaab dagaal kula wareegeen.

Al-Shabaab ayaa gudaha Kenya ka fulisay weeraro iyo qaraxyo ay ku beegsanayeen askarta iyo dadka Kenyanka ah, waxaana mudooyinkii dambe Dowlada Kenya ay ka digeysay weeraro ay Al-Shabaab ka fuliyaan gudaha dalkaasi.