Real Madrid Oo Fariin U Dirtay Kooxah Doonaya Alvaro Morata Markii Ay Amaah Ku Fasaxday Da’yarkeeda Borja Mayoral

Real Madrid ayaa heshiis la gaartay kooxda Wolfsburg kuwaasoo amaah ku qaadanaya weeraryahan Borja Mayoral xili ciyaareedka soo aadan kadib markii kooxdii Real Madrid Castilla loo dhaadhiciyay heerka sadexaad ee dalka Spain.
Xidigaan ayaa lix kulan kasoo dhex muuqday koxoda koowaad ee Los Blancos xili ciyaareedkii dhamaaday 2015/16 ayaana kamid aheyn qorshaha kooxda koowaad ee Zinedine Zidane kadib markii ay kooxdaasi dib u soo ceshatay weeraryahan koodii hore ee Alvaro Morata.
19 jirkaan ayaa ugu dhaqaaqay Bundesliga si uu u soo helo fursad ciyaareed kooxda koowaad ah waxaana uu talo ka helay saaxiibkiis Dani Carvajal kaasoo hore hal xili ciyaareed ugu soo qaatay Bayer Leverkusen kadibna dib ugu soo laabtay Madrid si uu u noqdo dookha koowaad ee kooxdiisa.

Amaah u dirista 19 jirkaan 15 gool u dhaliyay kadib 29 kulan uu u saftay kooxda Castilla ee Mayoral ayaa shaki badan galin doonta suurogalnimada ay Real Madrid ku iibin karto xidigeeda Alvaro Morata kaasoo ay doonayaan kooxaha Premier league.
Morata ayaa lagu raadinayaa £60 milyan oo pound laakin Real Madrid ayaa ku dhibtootay goolal markii uu dhaawacmay Karim Benzema xili ciyaareedkii hore waxayna kaga sii darnaatay markii Cristiano uu isna dhaawac kale soo gaaray taasoo ka dhigtay in Moyaral uu weerarka kooxdiisa kala ciyaaro Gareth Bale iyadoo masuuliada kooxda ay garbaha ka saarneyd Bale oo aan qudhiisa taam aheyn lamana oga in Zizou oo taas maanka ku haya uu fasixi doono xidiga ree Spain.