Yuu xulka Portugal ku beegmayaa wareegga siddeed dhammaadka, yaase loo doortay Man Of The Match

Xulka qaranka Portugal ayaa kulankii dhawaa ee wareegga siddeed dhammaadka koobka qaramada Yurub ee Euro 2016, waxa uu gool ku laad (Rigooreyaal) 5-3 uga adkaaday dhiggiisa Poland.

Waxa uu xulka Portugal sidaasi ugu gudbay wareegga afar dhammaadka Euro 2016, waxaana uu la ciyaari doonaa midkooda xulalka Wales ama Belgium kii soo adkaada oo u soo gudba afar dhammaadka koobka qaramada Yurub.

Portugal waxa uu xulkii soo adkaada Wales ama Belgium ku wajihi doonaa wareegga afar dhammaadka ee Euro 2016 ciyaar ka dhici doonta magaalada Lyon 6 bishan July.



Dhinaca kale ciyaaryahanka khadka dhexe ee xulka qaranka Portugal Renato Sanches ayaa loo doortay laacibka kulanka (Man Of The Match), kaddib markii uu goolka barbaraha u dhaliyey xulkiisa, kaasoo ugu dambayn sababay inay rigooreyaal ku garaacaan Poland.





Aamusane cabdi