RASMI: Liverpool Oo Maanta Si Rasmi Ah U Diwaan Galisay Difaaca Joel Matip Iyo Reds Oo Shaacisay Namberka Uu Matip Xidhan Doono

Kooxda Livertpool ayaa maanta si rasmi ah u diwaan galisay difaacii hore ee kooxda Schalke 04 ee Joel Matip kaas oo ay si xor ah ugala soo wareegtay Schalke kadib markii ay hore heshiis ula sii gaadhay. Reds ayaa shaaca ka qaaday in Matip uu xidhan doono maaliyada No.32, waxaana namberkan hore u haystay da’yarka Brannagan.

Liverpool ayaa hore heshiis ula sii gaadhay Joel Matip kadib markii uu iska diiday inuu wax heshiis ah u kordhiyo Schalke taas oo keentay in Reds ay difaaca tayo leh ku heshay si xor ah oo bilaa lacag ah.Joel Matip ayaa sabtida barri ah bilaaban doona tababarkiisii ugu horeeyay eee Liverpool.Liverpool ayaa sidoo kale maanta soo badhigtay maaliyada tababarka kooxdeeda.

War Rasmi Ah Oo Liverpool ka soo baxay ayaa lagu yidhi: “Joel Matip maanta ayaa ciyaartoy rasmi ah oo Liverpool ah loo diwaan galiyay, wuxuuna dhamaystiray ku soo biiristiisa kooxda. Difaacan dhexe waxa uu kooxda u saxiixay heshiis waqti dheer ah kadib markii uu soo dhamaystay heshiiskiisii hore ee uu kula jiray kooxda FC Schalke ee horyaalka Bundesliga-ha”.


Liverpool ayaa sheegtay in Matip uu qayb ka noqon doono kulamada saaxiibtinimo ee xili ciyaareedka ka horeeya waxaana qoraalka la sii raaciyay : “Matip waxa uu sabtida qayb ka noqon doonaa bilawga tababarka Melwood ee kulamada xili ciyaareedka ka horeeya  oo uu la qaadan doono ciyaartoyda ay isku kooxda yihiin ee cusub markaas oo ay kooxda Jurgen Klopp bilaaban doonaan diyaar garawga xili ciyaareedka 2016/17”. Matip ayaa xili ciyaareedkii dhamaaday ka mid ah difaacyadii ugu fiicnaa horyaalka Germany.