Inta badan Ciidamadii Afgembiga Turkiga ku fashilmay oo is dhiibay +Sawir

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya dalka Turkiga ayaa sheegaya in uu fashilmay afgembi ay soo abaabuleen qaar kamid ah Saraakiisha Ciidanka Milatariga Turkiga, kuwaa oo doonayay in ay xilka ka tuuraan Madaxweynaha Turkiga.

Ciidamadan oo watay Taangiyo badan iyo hub culus ayaa qabsaday qeybo badan oo kamid ah magaalooyinka Ankara iyo Istanbuul, waxa ayna Taleefishinada ka sheegeen saraakiishii hogaamineysay Afgembigan in ay la wareegeen talada dalka.

Qaar badan oo kamid ahaa ciidamadii ka qeyb qaatay Afgembigii fashilmay ayaa isku dhiibay ciidamada booliiska kadib markii ay ogaadeen in uu fashilmay qorshahoooda ay dalka oo dhan kula wareegi rabeen.

Warbaahinta Caalamka ayaa si toos ah u tabinaya Ciidamadii xalay xiray Buundada Istanbul Bosphorus Bridge ee isku xirta Aasiya iyo Yurub , oo is dhiibanaya kana soo dagaya taangiyadii ay saarnaayeen, waxa ayna ciidamadan kor u taagayaan gacmaha iyagoona hubkana iska dhigay.


Ciidamada gaarka ah ee dalka Turkiga ayaa xabsiga dhigay Boqolaal askari oo katirsanaa ciidanka Milatariga ee is dhiibay iyo kuwa kale oo gacanta lagu dhigay, waxaana wali socda howlgalo lagu xir xirayo askartii iyo saraakiishii ka qeyb qadatay afgembigii fashilmay.


Madaxweynaha Turkiga ayaa ku hajabay in tilaabo adag laga qaadi doono askartii iyo saraakiishii ku lugta laheed afgembigii fashilmay ee la doonayay in xilka looga tuuro Dowlada Dimuquraadiyada ku dhisan ee Turkiga.