Ma Jiro Qof Weli Soo Helay Qorshe Lagu Xakameyn Karo Cristiano Ronaldo”

Tababaraha xulka France Didier Deschamps ayaa qirtay in uusan jirin qof garanaya habka loo joojiyo Cristiano Ronaldo, iyadoo xulkiisu uu isku diyaarinayo inuu finalka Euro 2016 Axada kula dagaalamo xulka Portugal.
Ronaldo ayaa dhaliyey goolka furitaanka kulankii ay xulkiisu guusha 2-0 ah ka gaareen Wales ee wareegga semi-finalka tartankaan wuxuuna ahaa gool madax ah oo uu si awood leh ku dhaliyey ka dib markii uu ka dulbooday daafacyada Wales, halka uu sidoo kale caawiye ka ahaa goolkii labaad ee Luis Nani.
Tababare Deschamps ayaana haatan ka welwelsan tayada xiddiga kooxda Real Madrid laakiin wuxuu ugu baaqay ciyaartoydiisa inay intii karaankooda ah ku dadaalaan sidii ay u hubin lahaayeen inay joojiyaan halista 31 sanno jirkaan ka hor kulanka Axada ka dhici doona garoonka Stade de France.
“Haddii uu jiro qorshe lagu celinayo Ronaldo, markaas waxaanba jirin qof soo helay,” ayuu Deschamps u sheegay saxaafadda. “Waa ciyaaryahan aad heer sarre u ah, wuxuuna leeyahay tayo aad u sarreysa marka ay timaado kubaddaha madaxa ah.
“Ma ahan oo keliya inuu Ronaldo uu dhowr mitir hawada u boodi karo laakiin ilbiriqsiyo ayuu halkaas ku hakan karaa. Lixdiisa muruq ee caloosha (six-pack) ayaana sabab u ah, laakiin wuxuu leeyahay laba sheey oo kale oo ay aad u adag tahay in la xakameeyo waana xawaarihiisa iyo mudada uu hawada ku jiri karo.
“Waxay noqon laheyd wax wanaagsan haddii aan joojin laheyn halistiisa waxaana u baahanahay inaan yareyno saameyntiisa ciyaarta. Taas ayaa sidoo kale muhiim inoo noqon doonta.”