Barcelona oo la soo wareegtay daaficii Lyon ee Samuel Umtiti

Kooxda Lyon ee dalka France ayaa daaha ka qaaday in daafaceedii Samuel Umtiti uu si rasmi ah ugu biiray kooxda Barcelona ee dalka Spain.

Lyon ayaa sheegtay in Samuel Umtiti uu soo muujiyay inuu aad u doonayo ku biirida kooxda Barcelona sidaas darteedna waxay sheegeen inay u ogolaadeen.

Barcelona ayaa ku soo iibsatay 22 jirka reer France aduun dhan 25 milyan oo euro kadib markii uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kooxdiisa Lyon xiliciyaareedkii hore.

Samuel Umtiti ayaa tijaabada caafimaadka u mari doona Barcelona marka uu soo idlaado Euro 2016 gaar ahaan wixii ka danbeeya 15 July.

Lyon ayaa ugu mahadcelisay Samuel Umtiti shaqadii adkayd ee uu u soo qabtay kooxda tan iyo 2001 markaas oo uu ku biiray akadeemiyada kooxda.